Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2446

September 02, 2010                                                                       Ramadan 23,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Buug Xiiso Leh Oo Ay Qortay Maryan Jamiila Kadib Markii Ay Soo Islaamtay

Waxaa Tarjumay Abshir A/Xasan [Qaybtii 24aad]

Tan iyo 1921kii, Mawlaanaa Abul Kalaam Asad waxa uu ahaa qof si xamaasad leh u raacsan horumarka islaamka iyo dhaqdhaqaaqa khaliifada islaamka. Laakiin xiligaa dabadeed gabi ahaanba xagga waxqabadka iyo fikirkaba wuu is-bedelay, ilaa uu gaadhay heer dadka qaarkiis ay indhaha ka marmartaan si ay u hubiyaa in uu yahay "Asadkii" ay yaqaaneen, iyo in uu qof kale oo cusubi ka dhex dhashay isbedelada ku yimid awgiis. Abul Kalaam Asad waxa uu imika noqday boqolkiiba boqol wadani Hindi ah. Waxa aanu ugu baaqaa qoomiyad midaysan muslimiinta iyo kuwa kaleba. Waxa kale oo uu qaatay fikradda ah "Midnimada Diimaha" oo ay soo bandhigeen faylasuufyada Hinduuska iyo aragtida Daarwiin ee reer galbeedka. Waxa suurtagal ah in aad si cad ugu aragtid raadadka aragtiyahaasi Tafsiirkiisa Quraanka.

Islaamka ayaa gudaheena ku abuuray wanaag nafeed iyo dhadhan quruxeed inoo suurtagaliya in aan waxa foosha xun diidno, oo aan wax walba si qurux badan u qabano. Dhinaca kale kuwa billaa diimaha ah iyo maadiyiintu waxa ay xumeeyaan dookha dadka. Waxa ay dadka ka dhigaan  kuwo ammaana oo guula siiya foolxumada. Sidaa daraadeed, ayaynu  aragnaa xiligan ilbaxnimada maadinimada  sida uu ugu fiday xumaha iyo doorsoonku qayb wal oo kamid ah fanka iyo suugaantooda.

 Waxa aan imika ku soo gabagabaynayaa salaan iyo rajo wanaagsan.

Islaamka:

ABII AL ACLAA

Niyuu Yoork, Maarso 22, 1962

(Shuwaal 16kii 1381 H)

Gacaliye Mawlaana Mawduudi,

Asalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi  Wa Barakaatu

Tan iyo xagaagii tagay markii baasaboorka aad ku tagi lahayd Afrika iyo dalalka Carabta laga dhigay mid aan waxba ka jirin, ee gaar ahaan daabicihii kutubta Miyan Tuufayl Muxamad loo taxaabay xabsiga, waxa aan aad uga war-warsanaa nabadgalyadaada. Haddii ay jawaabtaadu bil ama in ka badan soo daahdo, waxa igu dhasha walaac ah in aad bukootay ama, Ilaahay ha kaa hayo e aad martay halkii uu daabacaha kutubtaadu maray. Waxa aan aad u danaynayaa raaxadaada iyo caafimaadkaaga sidii oo aad ka mid tahay qof aanu qaraabo nahay oo khatar ku jira, in kasta oo ay naan wali kulmin. Waxa aan Ilaahay kaaga baryayaa in uu kaa ilaaliyo dhibaato oo dhan.

Shaki kuma jiro in aad la yaabteen waxa aan bilahan oo dhan uga maagayay in aan degdeg ugu ogolaado marti qaadkaagii bilnaa ee aad iigu balan qaaday in aad wax alla wixii taageero ah ee suurtagal ah  aad ii fidindoonto marka aan ogolaado in aan imaado Laahoor. Runtuse waxa weeyi aniga oo aan lahayn geesinimo aan si kama dambaysa ugu jaro dhammaan xidhiidhka aan la leeyahay qoyskayga iyo noloshaydii hore iyo waliba aniga oo aan lahayn kalsoonida aan ugu talaabsanayo mustaqbalka dahsoon. Sidaa daraadeed ayaan marka aad su'aashan soo qaadaba jawaabta uga gabadaa. Wax aan rajaynayay oo aan is lahaa wax uun baa hagaagi. Imikase waxa aan ogaaday in aanay rajadaydu rumoobayn.

Mushkiladaydu iyada oo gaaban waa: Waxa aan ahay hawaynay qanacsan oo aan ku haboonayn bulshadan. Kuma noolaan karo bulshadan dhexdeeda. Ma lihi diiwaan taxan oo shaqo oo la sheego, mana lihi karti baayacmushtar.  Mana jirto xirfad   aan u leeyahay aqoon, ama waayo aragnimo shaqo, ama dibloomo aan ka qaatay kuliyad. Intaas oo dhammiba waxa ka daran, waxa aan in ka badan laba sannadood marka laga bilaabo Maarso 1957kii ilaa Abriil 1959kii ku jiray dhakhtarka xannuunka waalida, sidaa daraadeed rajo igagama jirto in aan helo shaqo faa'iido leh oo aan ka cuno risiq xalaal ah ina naasibta.

Mar alaale marka aan u boxo si aan shaqo u raadsado, hayadaha shaqadu waxa ay ii soo dhoweeyaan si qabaw. Hawlaha ugu muhiimsan ee ay hayadahan shaqadu waa muujinta kuwa lagu magacaabo "dadka aan lajeclayn," waa dadka qiimo jabay ee aan lahayn "qiimo sayladeed". Aragtidoodana anigu waxa aan ahay bilaa qiimo. Aabahay oo ah wax iibiye iyo hooyaday oo ah qof la tix geliyo kana shaqaysa arimaha bulshada, ayaa ku talo jira in ay shaqada ka fadhiistaan sannadka dambe, kolkaas oo ay dabadeed mushaharka yar ee u soo hadhay awgeed ku qasbanyihiin in ay iga gooyaan masaariifta.

Waxa taa ka sii xun, waxa ay doonayaan in ay ka guuraan gurigan afarta qol ah oo aannu ku noolayn tan iyo sibtambar 1939kii. Waxa ay doonayaan in ay iibiyaan allaabta guriga oo dhan oo ay dabadeed ugu socdaalaan kolba meel iyaga oo raaxaysanaya tan iyo inta ay ka bukoonayaan ama ay geeriyi ku dhufanayso. Mar haddii ay labadayda waalid si buuxda u ogyihiin sababta aanaan ugu wada nolaan karayn nabad iyo caano, ogolaan maayaan in aan raaco iyaga.

Xataa haddii ay ogolaadaan in aan raaco, waxa aan si xoogle u dareemi farxad la'aan iyo warwar, waayo nolosha noocan ihi ma dhaafsana farxadda aduunka.