Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2446

September 02, 2010                                                                       Ramadan 23,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Robinho Oo Si Sirasmi Ah Ugu Biray AC Milan Iyo Borriello Iyo Huntelaar Oo Ka Huleelay San Siro

Weeraryahanki kooxda Manchester City ee Robinho ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda AC Milan kadib markii uu saxeexay heshiis afar sano ah, halka weeraryahanada kooxda Milan ee kala ah Marco Borriello iyo Klaas-Jan Huntelaar ay kooxda isaga tageen.

Laacibka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa maray tijaabada caafimaadka isaga oo magaalada Milan la yimid agaasimaha guud ee Milan Adriano Galliani oo ka danbeeyey heshiiska uu ku yidid Robinho oo aan wali la shaacinin qiimaha ay Milan kusoo iibsatay.

Robinho oo ah 26 jir ayaa noqday sanadkii 2008 ciyaaryahankii ugu qalisanaa oo ay koox Ingiriisi soo iibsato kadib markii ay Manchester City kaga soo iibsatay kooxda Real Madrid aduun dhan £32.5milyan oo Gini, xiligaas waxa uu ahaa ciyaaryahankii ugu caansanaa ee la iibsado suuqa ciyaartoyda, xiligana waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu caansanaa ee la iibsado ka hor inta aanu xidhmin suuqa kala iibsiga ciyaartooyda Yurub.

Laacibkii hore ee kooxaha Santos iyo Real Madrid ayaa la qabsan waayey kooxda Manchester City, waxana xilli ciyaareedkii hore la amaahiyey kooxdiisii hore si uu fursad ugu helo in loo qaato xulka Brazil ciyaarihi aduunka ee 2010-ka lagu qabtay dalka South Africa. Todobaadki hore Robinho, wuxu diiday dalab uga yimid kooxda Fenerbahce ee dalka Turkiga, waxaae uu hada la midoobayaa saaxibadiisa ay isku wadanka yihiin ee kala Ronaldinho iyo Alexandre Pato, waxa kale oo uu ka garab ciyaari doonaa laacibka cusub ee Milan Zalatan Ibrahimovic oo laba maalmood ka hor isna ku biiray Milan.

Dhinaca kale kooxda Milan ayaa iska iibisay weeraryahankeeda u dhashay dalka Holland Klaas-Jan Huntelaar kaasoo ku biiray kooxda Schalke 04 ee dalka Germany, halka weeraryahanka kale ee Marco Borriello ay  amaahisay kooxda Roma.