Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2446

September 02, 2010                                                                       Ramadan 23,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Paulo Ferreira Oo Ka Fadhiistay Ciyaaraha Caalamiga Ah

Ciyaaryahanka difaaca uga ciyaara kooxda Chelsea Paulo Ferreira ayaa ku dhawaaqay in uu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah taasoo macnaheedu uu noqonayo in aanu dib ugu ciyaari  doonin xulka qaranka ee Portugal oo uu kasoo jeedo.

Laacibkan 31 jirka ah ayaa u sheegay xidhiidhka kubada cakta dalka Portugal in uu uga tagay xulka sababo shaqsiyadeed kadib markii uu si qota dheer  uga fakiray sida uu hadalka u dhigay. Ferreira oo ka ciyaara dhinaca midig ee difaaca ayaa u saftay xulka Portugal 62 kulan isaga oo kulankiisi ugu horeysay u ciyaaray bishi September sanadkii 2002 xiligaas oo ay la ciyaareen xulka England.

Go,aank difaacan ayaa kusoo beegmay xilli todobaadkii hore uu isna ku dhawaaqay in uu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah laacibka khadka dhexe ee xulka Portugal iyo kooxda Atletico Madrid Simao. Ferreira ayaa ku biiray kooxda ku ciyaarta garoonka Stamford Bridge ee Chelsea sanadkii 2004 markaas oo uu kooxda la yimid macalinka reer Portugal ee ee Jose Mourinho, iyaga oo kasoo wada dhaqaaqay kooxda Porto. waxa uu xiligaasi noqday difaaci ugu qaalisanaa ee taga dalka Ingiriiska waxana Chelsea ay ku iibsatay lacag dhan £13.2milyan. Wixii intaa ka danbeeyey Ferreira waxa uu noqday ciyaartooyda muhiimka ah ee Chelsea, waxana uu ka mid ahaa ciyaaryahanadi Chelsea u qaaday horyaalki ugu horeeyey ee dalka Ingiriiska mudo 50 sano ah kadib bishi March ee sanadkii 2005.