Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2446

September 02, 2010                                                                       Ramadan 23,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Maareeyaha Cusub Ee Hay’ada Wadooyinka Oo Xilkii la Wareegay

Hargeysa, September, 2, 2010 (Haatuf) - Maareeyihii hore ee hay’ada wadooyinka Somaliland Maxamed C/laahi Faahiye ayaa si rasmi xilkii ugu wareejiyay Mareeyaha cusub ee Ha’yadaas C/waaxid C/qaadir C/raxmaan. Xafladan  ay  labada masuul xilalka kula wareegayeen oo ka dhacday xarunta hay’ada wadooyinka ee magaalada Hargeysa  waxa ka soo qayb galay wasiirka wasaarada Hawlaha guud iyo gaadiidka Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka Ganacsiga C/risaaq Khaliif . Ugu horeyn wasiirka wasaarada Maaliyada  Egn. Maxamed Xaashi Cilmi oo halkaas ka hadlay ayaa  waxa u yidhi “Si guud haddii aan uga hadlo mashaariicda hada inoo socota, dariiqyadu waa laf dhabarta koboca dhaqaalaha dalka, magaalada Ceergaabo waxa inaga xidhay dariiqaa aan dhisnayn, ganacsigooduna badanaa waxa uu xidhiidh la leeyahay Somalia, haddii loo guntadana waa dariiq samayntiisa la dhamayn karo, gobolkaasina intii loo hiloobayayba wuu leeyahay, markaa maanta waxa inaga gooyay waxa weeyaan dariiqaas aan samaynayn” ayuu yidhi wasiirka Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi. Wasiirka maalyada ayaa dhinaca kale cadeeyay in waxa keliya ee lagu horumarin karo dalkeena waliba dekedu ay tahay iyada oo dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia oo aanay lahayn deked loo sameeyo dariiqyo badan, kuwaas oo sahli karaya in uu ganacsi xoog lehi ina dhex maro  “Ethiopia waa meesha aynu ku hamiyayno  in ay dekedeena  ay isu furnaadaan, dekedeenana aynu horumaru marino waayo iyagu bad xidhan bay ku jiraan, hadaba waxa lagu gaadhi karo dariiqyada ayaa ka mid ah” Eng. Maxamed Xaashi Cilmi waxa kale oo uu tilmaamay in miisaaniyada dawlada lagu daro doono hay’adan wixii suurtogal ah “Waxa uu soo jeediyay maareeyaha cusub in hay’adan Miisaaniyada dalka qayb loogu daro, anigu waxan qabaa in wax loogu daro, wixii suurto gal ahna  waxa la inooga baahan yahay in aynu xisaabta ku darsano, waayo waxa ay soo saarayaan ayaa ka badan waxa la siinayo, waxa aynu u baahanahay in aynu qalabkii lagaga shaqayn lahaa dariiqyada yeelano oo soo iibsano” ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha Dr.Maxamed Cabdi Gaboose oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu marka hore soo dhaweynayo Mareeyaha cusub ee Hay’ada wadooyinkii, isla markaana u ducaynayo in uu ilaahay u fududeeyo xilka culus ee uu tunka u ritay kii hore ugu hambalyaynayo mudadii uu xilka hayay wixii uu soo qabtay “Anigu Cabdi Waaxidoow kuu hambalyaynmaayo ee waan kuu ducaynayaa, waayo hawsha ku hortaalaa way ii muuqataa, anaguna waxa aanu ku jirna guddida kula hawl gali doonta, waxa aad Nasiibna waxaad  ku leedahay weelkii lacagtu ku jirtay ayaa guddida lagugu doortay waxbana  waayi maysid. Waliba waxa aan kaaga sii farxinayaa Wasiirka Maaliyadu waa nin  hadal gaaban oo hore waxba ugama soo dhacaan, laakiin waxa ka soo dhacday lacag badan, kolaa waxa aan kuu rajaynayaa in uu ilaahay kugu garab galo hawsha balaadhan ee aad dusha u ridatay. Kaabayasha dhaqaalaha ee ugu waaweyn weeyaan waayo ninkii beer lihi haddii aanu haysan meel uu soo mariyo wixii uu beertiisa ka soo goostay beertii way xanibmaysa a” ayuu yidhi wasiirka wasaarada arrimahag gudaha  Waxa isna gabogabadii xaflada ka hadlay wasiirka wasaarada Hawlaha guud iyo gaadiidka. Xuseen Axmed Caydiid, waxaanu wasiirka wasaarada maaliyada ka codsaday in cashuurta laga qaado gaadiidka lagu shubo hay’ada wadooyinka si buu yidhi wax looga qabto baahiyaha dhinaca jidadka. Waxa kale oo uu wasiirku tilmaamay in wasaarada loo dhiibay ee hawlaha guud ay tahay mid naafo ah oo aanay hada gacanta ugu jirin gaadiidkii iyo hantidii ma guurtada ahayd. Wasiirka ayaa tilmaamay in isha keliya ee ilaa hada u dhaqdhaqaaqaysa wasaaradiisu ay tahay hay’ada wadooyinka “Wasaaradayadani waa naafo, ilaa hadana waxa aan gacmaha ugu jirin dhulkii iyo gaadiidkii, laakiin meesha keliya ee noo dhaqdhaqaaysaa waa ha’ada wadooyinka, waxaanan codsan lahaa lacagta laga qaado gaadiidka si toos ah ugu soo dhacdo hay’adan si wax looga qabto wadooyinka” ayuu yidhi wasiirka wasaarada hawlaha guud. Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay maariyihii hore oo sheegay in ay waxyaabo badan u soo qabsoomeen isla markaana uu la shaqayn doono maareeyaha cusub. Maareeyaha cusub  ayaa isna tilmaamay in uu inta karaankiisa ah wax ka qaban doono wadooyinka, waxaanu shaqaalaha ka codsaday in ay ula shaqeeyaan sidii  ay ula shaqayn lahaayen maariyihii hore.