Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2447

September 03, 2010                                                                       Ramadan 24,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Garaad Kayse Garaad Cali Oo Xukuumadda Siillaanyo Ku Dhaliilay Xaaladda Amaan Daro Ee Ka Soo Kordhaysa Buuralayda Galgala, Sheegayna In Wasiirka Daakhiliga Oo Ay Balansanaayeen Uu Taleefankii ka Qaban Waayey

“Waanigii Hore Kuu Yidhi Kala-Lulasho Iyo Kala Go’ Keebaa La Qaatay, Waxa La Qaatay Kala Go’, Markaa Xukuumadii Rayaale Waxay Ahayd Kala-Lulasho, Xukuumadan Siilaanyo-Na Waa Kala Go’, Sababta Oo Ah Dadkeenu Waa Beelo Beeshaasna Waxa Weeyi Beel La Dayacay”  

Hargeysa, September 3, 2010 (Haatuf) – Garaad Kayse Garaad Cali Maxamuud Cali Shire oo ka mid ah Madaxdhaqameedyada Somaliland, Gaar ahaana deegaanada bariga Sanaag ayaa dhaliil uga soo jeediyey xukuumadda Axmed Siilaanyo iyo Wasiirka Arimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida Arimaha Gobolada Bariga.

Garaad Kayse Garaad Cali waxa uu intaas ku daray haddii aan xukuumadda Somaliland si degdeg ah waxa uga qaban xaalada Amaan Daro ee isa soo taraysa ee deegaanka Galgala ee Bariga Sanaag, oo uu tilmaamay in deegaanadaasi ay ka mid yihiin dhulka Somaliland isla markaana ilaahay ku manaystay Khayraad, balse Somaliland aanay ka warhayn xaalada colaadeed ee ka taagan deegaanadaasi.

Garaadku waxa uu intaasi ku daray in colaada halkaasi ay ku hirdamayaan Kooxda Atom iyo Puntland ay salka ku hayso khayraadka Somaliland ee deegaankaasi leeyahay.

Waxaanu Garaad Keyse Garaad Cali sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka tilifoonka kula soo xidhiidhay wargeska Haatuf isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa. Ugu horay Garaadku isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas maalintii dhawayd ee uu ka hadlay Saamiga beesha afkiisa kumuu hadlayn ee waxa uu ku hadlayey afka beesha, waxaananu taageersanahay baaqii Xildhibaanka, waana run oo aad ayaanu u saluugsanahay samiga nalaga siiyey xukuumadan cusub, Somalidu waxay tidhaahdaa Kala-lulasho iyo kala go’ iyamaa la qaatey, kala go’ ayaa la qaatey sida runta ah, Madaxwaynihii hore waxaanu ku canaanaynay in siyaasadiisu ay ahayd kala-lulasho, laakiin siyaasada Axmed Siilaanyo waxay noqotey kala go’.”

S: Xukuumadan hada talada dalka haysaa, waa mid aad uga tiro yar, waxa sidaas loo sameeyeyna waa tayo, mida kale  wasaarada Gaashiindhiga oo la siiyey beesha aad ka soo jeedo  waa wasaarad wayn, arintaasi miyaanay kuu muuqan?

J: Xukuumada tiro yar oo tayo leh in la helo kama soo horjeedno, laakiin dawlada hada talada maaha mid la soo ururiyey waxbana kama yara xukuumadii Siilaanyo, Wasiirka Gaashaandhiguna waa run waa nin beesha ah, laakiin isagu waa nin reer Ceerigaabo ah, beeshuna ma wada aha Ceerigaabo, Badhan ayaa jirta oo iyadu gobol ah, Laasqoray iyo Dhahar oo labaduba dagmo ah ayaa xataa aan ka dhexmuuqan xukuumada cusub, arintaasna waxaanu u aragnaa in reerka la yasayo, gobolka Badhan waxa u wanaagsanayd dawladu in ay mudnaan wayn siiso, sababto ah waa gobol ay dhibi iyo dagaal ka taagan yahay.

S: Maadaama oo xukuumadii Rayaale aanay gaadhin xuduudaha bariga Sanaag, ma isleedahay xukuumada Madaxwayne Axmed Siilaanyo way ku guuleysan arintaas mihiimada wayn ugu fadhida qaranka?

J: Waanigii hore kuu yidhi Kala-lulasho iyo kala go’ keebaa la qaatey, waxa la qaatey kala go’, markaa xukuumadii Rayaale waxay ahayd kala-lulasho, xukuumadan Siilaanyo-na waa kala go’, sababta oo ah dadkeenu waa beelo beeshaasna waxa weeyi beel la dayacay, markii aan anigu is idhi ka hadal dhibaatada deegaanadaas ka jirtana cid iga hoos qaada waan waayey

S: Guddi ayuu madaxwanuhu dhawaan u magacaabay arimaha bariga, gudidaasna waxa u Guddoomiye ah wasiirka Arimaha Gudaha, gudidaasi miyaanay iyadu arintan aad sheegaysaa shaqadeeda ahayn?

J: Anigu waxaan la kulmey gudidaasi iyada oo la magacaabay laakiin aan wali wax hawla qaban, madaxwaynaha ayaan markaa qoraal u diray, madaxwaynuhu arintaas aan u soo  jeediyey aad ayuu ugu farxay oo wuxuu yidhi arintii aan gudida u saarayba hada ayey soo dhawaatey, wuxuu yidhi la xidhiidh wasiirka arimaha gudaha, Gaboose-na garan maayo anigu sida uu wax u wadee albaabkii  ayuu iga xidhay, madaxwaynahana wali dib iskumaanu arag laakiin waxaan leeyahay madaxwayne arintii halka ay marayso waad arkeysaa waxaad masuul ka tahay ummada Somaliland oo dhan, waxaanad ogaataa in arintu maalinba maalinta ka khatarsan ay khatar ku sii siqayso.

S: Buuralayda Gall-Galla waxa dagaalo ka dhexwada wadaadka Atam oo la sheegay in uu xidhiidh la leeyahay ururka Al-shabaab ee ka dagaalama Koonfurta Somaliya arintaas maxaad kala socotaa, maxaadse xukuumada cusub ugu soo jeedin lahayd arintaas?

J: Waxa la isku haystaa waa macdantii iyo khayraadka halkaas ilaahay ku manaystey, inaga ayaana iska leh oo cid kasta ugu xaq badan, Dhibaatooyinka ka socda buuraleyda Gal-Gala-na  waxaad moodaa dawladeena iyo dadkeenuba in aanay ogayn, dhawr jeer ayaan anigu arintaas ka hadlaya laakiin cidiba way iga hoos qaadi wayday, walaahi hadii aan arintaas laga hortagin oo aan laga sii tabaabushaysana dhibwayn ayaa Somaliland iyo dadkeeda ka soo wajihi doona, waxaan xukuumada Madaxwayne Siilaanyo u soo jeedinayaa in aanay is odhan arintaasi halkaas ayey ku eekaan doontaaye iska daaya, hadii ay Puntand ka adkaadaan cida ay ku soo jeedsanayaan waa inaga, markaas arintaas waa in xukuumadu dag dag uga arinsataa.

S: Dagaalada ka taagan Gall-gala masuuliyiinta dawlada wali makala hadashay, yaase ka mid ah cid aad kala hadashay?

J: Haa waan kala hadlay masuuliyiin badan oo ka tirsan dawlada Somaliland, waxaanan waliba ugu horayn kala hadlay Madaxwayne Axmed Siilaanyo, madaxwaynuhuna waxa uu ii soo gudbiyey wasiirka arimaha gudaha, wasiirka arimaha gudahana waanu wada hadalnay si wanaagsan ayaan ugu sharaxay dhibta deegaanadaas ka jirta, wuu ila balamay, wuxuu yidhi bari aynu isku nimaadno baritadii ilaa hada tilifoonkii ayuu xataa iga qaban waayey.

Dhinaca kale wasiirka arimaha gudaha Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino arimahaasi ayaaney noo suurta galin in aanu helno.