Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2454

September 12, 2010                                                                      Shuwal 03,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Xukuumadii Hore Waxay Qaaday Talaabo Aanay Wali Dawlad Afrikaan Ahi Qaadin

Sucaad Maxamed

Baribaa waxaa la yidhi  nin ayaa marti u  timi martidii baa  magaciisa waydiisay  markaas  buu yidhi  magacaygu waa Looge, markaasay martidii magaciisii la yaabtey, waxaan uga gol leeyahay Hadal uu Wasiirka Maaliyadu  Maxamed Xaashi Cilmi soo jeediyey oo uu ku sheegay in uu mudo aad u kooban ku soo xareeyey qasnada dawlada 45 Malyan oo Sh/Somaliland ah, sida la wada ogyahayna aad lacag amaahatey, miyaanay ahayn musharooyinkan iyo lacagtan aad sheegtey iyo musharooyinkan aad shaqaalaha dawlada siisay lacagtaas dayn ah ee aad soo amaahatey, waxaana taa u  marag ah musha-haarooyinkii shaqaalaha dawlada  in aad     doolar ku  bixisay   hadaba  su’aasha meesha taalaa waxaa weeye  lacagtaa ka soo  baxda  cashuuraha  ma  doolar baa  mise waa somaliland shiligs?  Jawaabta waxaan u dhaafayaa    Wasiirka Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi.

Wasiirka Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi waxaan leeyahay mar labaad waa in aad oofisaa balamihii iyo lacagihii aad sheegi jirtey in la lunsado, waxaana run ah hadii la waayo taas in ay fashilmayso dawlada aad wasiirul Maaliyaha u tahay.

waxaanu  Jecelnahay in aan eray  nidhaa wasiiradii dhawaan safka u soo  galay cayda iyo dhaleecaynta madaxdii Xukuumadii hore, todobadii wasiir ee shirka jaraa’id ku qabtey wasaarada warfaafintu waxaan leeyahay xili la faano lama joogo, ragana sidiisaba faanku wuu diciifiyaa (Nin  is  faanshay   waa  ri is nuugtay), waxaan u  soo jeedin lahaa oo aan odhan lahaa  “suga  in  ta   shicibku   idin  qiimaynayo”.

Hadii aan u  soo  noqdo  u jeedada  maqaalkaygan oo aan   ugu  caqli  celinayno  gabadh  magaceeda  ku  sheegtay   ifraax  Jamaal, maqaal  ay ku  qortay  wargayska  saxafi tirsigiisa 110  ee  soo  baxay sabtidii 11 siptember  oo  ay  ku  aflagaadaysay   qaar ka  mid  ah madaxdii  hore, waxaan gabadhaas odhan lahaa oo aan aniga oo waliba aan ugu caqli celin lahaa, Madaxda kuwii hore iyo kuwan haduba waxa ay u ordayaan oo ay u shaqaynayaan waa ummada, Madaxdaas hore ee aad canbaaraysayna waa kuwii ina soo gaadhsiiyey halka aynu maanta joogno, markii doorashadii laga heleyna waa kuwii sida quruxda badan ee aan wali Afrika ka dhicin xilkii ay ummada u hayeen u wareejiyey, manay haboonayn in aad wax xun u quudho, Madaxda maantana wali waxa ay galaan iyo waxa ya gudaan lama kala ogaan, iyagana waxa aynu u daynaynaa wakhtiga iyo waxa ay la yimaadaan.

Ugu danbayn waxaan u soo jeedinayaa Gabadhaas magaceeda aanu kor ku soo xusnay oo aan kula talinayaa in aad waligaa hadii aan inan tahay aanad caadaysan cayda iyo cambaaraynta Madaxda qaranka, waayo waxa dhici karta madaxdan aad maanta u haysato in ay yihiin kuwo aan waxba khaldin in aad bari waji kale ku aragto, waayo siyaasadu saaxiibtinimo joogta ah malaha ee dano joogta ah ayey leedahay, bal yeynaan arkin uu waxbadan xukuumadeena hadu balan qaaday oo ay samayn wayday.

Arintan kale ee aan rabo in aan ka hadlo waa Masuuliyiinta aad tidhi Maxkamad ha la saaro, taasna waxaan kaa odhan lahaa, hadii  cid  maxkamad  la saaraayo waxaa la saarayaa  dadka    dhaameelka loo soo siiyey   cayda  madaxda  Udub   ilaahay   hortiisana   la   iman  doona    in  hanti  laga  lun saday ummada    taariikhdaana markhaati  furi doonta, waxaanan aaminsanahay in taariikhdu xusi doonto Madaxwaynihii hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin iyo Wasiirkii hore ee Maaliyada Xuseen Cali Ducaale (Cawil).  kacayaan   baalka  dahab Shacbiga Nabada Jecel ee Reer Somaliland-na waxaan u soo jeedinayaa  in  ay iska  ilaaliyaan  dadka danaha gaarka ah leh ee warka   fidmada    abuurayaa    ee  dawladii   hore  iyo   tan   maanta  cusuba  ku saabsan ka hadlaya.

Sucaad Maxamed iyo Xabsa Cabdi