Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2463

September 22, 2010                                                                      Shuwal 13,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Gudd/Guurtida Beelaha Hawiye Oo Eedo U Soo Jeediyey Ra’iisal-Wasaarihii Dawladda Sheekh Shariif, Sheegayna Inay Ogol Yihiin Gooni-Isu Taaga Somaliland

Hargeysa, September 22, 2010 (Haatuf) - Guddoomiyaha Guurtida Beelaha Hawiye Sheekh Ciise Maxamed Dalabey ayaa sheegay in madaxda ka Soo jeeda Beesha Daarood ee ka tirsan Maamulka Dawlada Sheekh Shariif ay dhib uun ku hayaan beesha Hawiye, isaga oo tilmaamay in Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo shalay xilkii iska casilay intii uu xilka hayay in hanti lacageed oo dalka Somalia lahaa uu gaystay maamul goboleedka Puntland oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.

Guddoomayaha Guurtida Beelaha Hawiye Mr. Dalabeey, waxa uu intaa raaciyay Cumar C/rashiidna Ra’iisalwasaare inuu ka ahaa Xukuumada Sheekh Shariif oo dhulka Hawiye xukumayey, isla markaana madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Mr. Faroole isaguna dadkii ka soo jeeday koonfurta Somalia uu kasoo mastaafuyey deegaankooda, ayaa waxa uu ku tilmaamay mid aan meesha qaban.

Waxa kale oo uu sheegay in Hawiye ahaan ay ogol yihiin jiritaanka Somaliland, isla markaana loo baahan yahay in labada dhinac koonfurta Somalia iyo Somaliland-ba iskaashi ka yeeshaan siddii wax la isku tari lahaa.

Ugu horayna isaga oo ka hadlaya arrinta Ra’iisal wasaaraha uu ku eedaynayo iyo madaxweynaha Puntland inay Hawiye dhibaato ku hayaan waxa uu yidhi “Waxaan rabaa inaan Beel beel ula hadlo beelaha Soomaaliyeed aan ugu horeeyo beelaha Daarood, waxa ka dhashay Ra’iisa-wasaare Cumar C/rashiid (is-casilay), gaar ahaan Beesha Harti (Majeerteen) waxaan rabaa inay beeshoodu kaxaystaan oo aan ka codanayaa inay Carradooda (dhulkooda) inay gaystaan, sababtuna waxay tahay waxa uu sameeyay cadaalad daro oo waxa uu raray lacagtii qaranka wuxuuna u rartay Puntland anaguna dhulkaanu qarka ku haynaa, iyaga waxayagii qaba, waxaan ka codsanaynaa beeshaas inay odaygaasi (Cumar C/rashiid) mel geeyaan”

Waxanu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata “Waxaad ogtihiin ninka la yidhaahdo Faroole ee Maamul-goboleedka Puntland madaxweynaha ka ah waxa uu soo Tarxiilay (mastaafuriyey) dad Soomaali ah, taasina waxay kuu cadaynaysaa dhaqan ahaan in meel lagaga dhacay, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke-na kama hadlin, arrinkaas waxay ahayd ra’iisal-wasaarahu inuu ka hadlo uu yidhaahdo waar dadka ha soo rarin aniguba qolo kale ayaan la joogaaye meeshan Xamar Hawiya iska leh, meeshu doonaya inuu nagu xukumo waxbana  nagumu darsan isaguna lacagtayadii buu rarayaa markaa dadkana waan soo mastaafurinayaa waanan idin xukumaya ma soconayso. Ta kale ra’iisal wasaaruhu waxa uu hada soo samaystay dastuur madmadow badan leh, markaa beeshaasi Majeerteen xoog (Ciidan) iyo dhaqaale midna nagumay darsan difaacii dalka waxba kamuu qaban ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid waxaanu ku mashquulay dantiisa, isaga oo 2500 askartii mushaharkii iyo raashinkoodii ka joojiyay isagu iska maamushay, wuxuu ku guul-daraystay inuu xoog iyo dhaqaale ka keeno Puntland, waxanu maamulayay oo kaliya hantida Hawiye Dakeda iyo Airport-ka Xamar Hawiye ayay wax uga soo degaane hal xabo kuma laha iyagu”  

Gudoomiyaha Guurtida beelaha Sheekh Ciise Maxamed Dalabeey mar uu ka hadlayay inay beelaha Hawiye taageerayaan Somaliland, islamarkaana Beelaha Hawiye ay ka go’an tahay inay taageerayaan Somaliland nabadgalyana ay ku wada noolayaan, waxa kale oo uu intaa ku daray in beesha Dir ee koonfurta Somalia ay Hawiyaha isku saami yihiin haddii Soomaalidu isku soo noqto iyo haddii ay kala tagta-ba “Beelaha Dir ama Somaliland, dir waxay yeelatay dawlad waxayna ku dhawaaqday gooni isu taag, hadaba waxaan Somaliland ka codsanaynaa waxa ay anaga (Hawiye) na tari lahaayeen inay na taraan, taas ayaanan anagu Hawiye ahaan kula shaqaynaynaa waayo bulshadaasi waxay yidhaahdeen anagu (Somaliland) gooni baanu isu-taagnay, anagu Somaliland baanu naqaana intaa ay aqoonsigeeda helayso waxaanu doonaynaa inay meesheeda ku nabad gasho, wixii aan u qaban karayno ayaan u qabanaynaa. Ta kale beesha Dir ee koonfurta Somalia waxay naga heli doontaa xaqeeda haddii Somalia wada jirtu iyo haddii ay kala tagto-ba diyaar baanu u nahay “Biyo Maal” baan u jeedaa isku saami ayaanu nahay waanu u kaalmaynaynaa”.