Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2290

March 04,2010                                                                Rabi Al-Awal 18,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Roobab Laxaad Leh Oo Ka Da’ay Xalay Wajaale Oo Ay Ku Dhinteen Laba Qof Iyo Qaybo Ka Mid Ah Magaalada Oo Looga Qaxay Dhaamamkii Biyaha Oo Kusoo Fatahay  

“Qaybta Suuqa Hoose Ee Magaalada Dhamaantoodba Dadku Way Kasoo Qaxeen, Dhaamamkii Biyaha Ayaana Ku Soo Fatahay”

Gudoomiyaha Wajaale Qawrax Muuse

Hargeysa, February 5, 2010 (Haatuf) - Degmada Wajaale ee gobolka Gabiley oo labadii maalmood ee ugu danbeeyay ay ka da’ayeen Roobab laxaad leh ayaa xalay daadad xoog leh oo ka soo rogmaday toga magaalada gudaheedu ay ku qaadeen laba qof oo rag ah, iyadoo qaybihii suuqa ee magaalada dhexdeedana looga qaxay daadadka xooga leh ee ku soo rogmaday, ka dib markii ay ku soo fataheen dhaamamkii biyaha ee ku wareegsanaa magaalada Wajaale.

Gudoomiyaha degmada Wajaale Qawrax Muuse Xuseen oo aanu xalay khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay isagoo jooga magaalada Wajaale ayaa wargeyska Haatuf u xaqiijiyey in roobab laxaad leh oo ka da’ay xalay magaaladaasi ay badhtamaha magaalada ku qaadeen laba nin oo ku sugnaa xilligaasi gudaha suuqa, gaar ahaan Biriijka Toga ee labada daamadood ee magaalada isku xidha halka ninka kalena la sheegay inuu daadku ka qaaday hotel ku yaala faras magaalaha oo la yidhaahdo Maka Al-Mukarama, isaga oo gudoomiyaha Wajaale ka hadlaya arrintaasna waxa uu yidhi “Roob xoog leh oo ka da’ayay magaalada Wajaale iyo Duleedkeeda oo bilowday 6:00 maqribnimo ayaa waxaan ilaa hada khasaaraha aanu ognahay uu gaadhsiisan yahay laba nin oo uu daadku qaaday oo midna uu ka qaaday kaabada biriijka toga dul mara nin kalena uu ka qaaday hotelka Maka Aal-Mukarama hortiisa, kuwaas oo labadoodaba la xiqiijiyey. Waxa kale oo khasaare ah in qaybtii suuqa ee hoose ee magaalada oo daadad badani ay kusoo fataheen gebi ahaanba dadkii ka soo qaxeen ka dib markii ay soo fataheen dhaamamkii magaaladu ee laga cabi jiray, kuwaas oo sababay in biyihii dhaamamkaasi soo fatahay ay qarqiyeen magaalada gudaheeda ilaa hadana roobku wuu nahayaa maadama ay xilli habeen ah tahayna way adag tahay in khasaaraha guud inta u gaadhsiinan yahay la ogaado. Hase yeeshee berito subax (Maanta) ayuun baa la ogaan doonaa intay dhibaatadu leeg tahay”

Mar aanu weydiinay gudoomiyaha degmada Wajaale Qawrax Muuse dhismayaashii magaalada khasaaraha ka soo gaadhay roobabka, waxa uu yidhi ‘waxa la ii sheegayaa in guryo ku yaalay qaybta qarka shishe ee toga inay dumeen oo daadadku ku soo fataheen dadkuna ka soo qaxay oo la iskugu yimid qaybta sare ee magaalada”

Dhinaca kale roobabkii todobadkan ka da’ayay magaaldaasi Wajaale ayaa iyaguna gaystay khasaare xoolo badan oo gaadhaya dhawr boqol oo neef oo Adhi ah iyo laba nin oo ay qaadeen daadadkaasi.