|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2078 | June 29, 2009 Rajab 6,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
DUNI-BILA - Siciid Maxamuud Gahayr Maansadii Kaalinta 2-aad Ka Gashay Tartankii Gabayada Nabadda Ee Dhalinyarada Somaliland;. Waxaanu jecelnahay akhristayaal in aanu halkan idiinku soo gudbino maansadii kaalinta labaad ka gashay tartankii Gabayada Nabada ee Dhalinyarada Somaliland ee Habeenimadkii jimcihii 25-ka June lagu qabtay Hoolka xafladaha ee Jaamacada Hargaysa. Maansdaan waxaa hal-abuuray Abwaanka da’da yar ee SICIID MAXAMUUD GAHAYR, oo ka mid ah Aradayda wax ka barata Jaamacada Hargaysa, isla markaana ahaa Inankii ku tartamayay Gobolka Maroodi-jeex [X Hargaysa]. Waxaana Siciid isaga oo Maansadaas sharaxaad ka bixinaya uu yidhi“Maansadan waxa aan kaga waramayaa nabada iyo qiimaheeda, waxa aan sidoo kale tilmaamayaa eedaadka iyo carcaraafka la waajaho xiliyada coladdeed, ugu dambayna waxa aan shacbiga Somaliland ugu baaqayaa in ay ilaashadaan xasiloonida wadanka, meelna ay uga soo wada jeedaan cidda hantaaqaysa ammaanka qaranka,Iyada oo aad loo garanayo qiimaha ammaanka guud ahaann, Maansadina waa tan ee gudoon wanaagsan; Duufaan wax xaaqiyo Waa daad colaaduhu Dabarjara insaankoo Dumin iyo dhibaatiyo Dadka oo la laayoo Dulmi lagu xasuuqiyo
Dibindaabyo mooyee Waxtar ma leh dagaalkuye Haddan dunida nabad iyo Daganaansho lagu ladin Fooqyada daruuraha La darsayba daayoo Dabaq lama dhiseenbee
In ammaanku daawiyo Dabiib iyo wanaag yahay Inu doogta biiyuu Dakharada bogsiiyuu Dabayl caafimaad yahay Dareenkeedu dhaadyoo Diritii sokeeyiyo Xiligii dagaaladu Dalkan ay ka dhacayeen Darxumaynu aragnoo Dacas baan la kulanee Diihaalki wuxu ba’ay
Dooyaysi goortii Dood loo fadhiistee Xasilooni daa’ima Idinka Alle dabadii Lagu duugay qalinkee Dabbaabaad la hiifee Dagta qori sudhnaan jiray Dawlada lagu wareejee Inay nabadu diinaar Doolar qiimo dhertahay
Inta diir madaw iyo Dubcad kii la siiyiyo Daafaha adduunyada Dadka jooga idilbaa Doorkeeda sheegoo Dacalkeeda wax an dhigo Goortii an daydayay Daal baan ka qaadoo Shay aan ku doorshaa Dunidaba ma yaalloo
Dayax weeye lagu gudo Gudcurkii dam yidhiyoo Waa damal hadhweynoo Dacalada u fidayoo Hoos noogu deeqoo Waa doobi buuxoo An la daadin karinoo Dugsi weeye adagoo Dayrodhaafka celiyoo
Iyadaa duruustiyo Cilmi loo dareeraba Dayr looga dhigaybee Doqontaan lurteediyo Kasahayn danteedoo Dacaygaan fikirin baa Dalibnaada garashoo Ruuxii dardaranee Dawanada iblayskiyo
Daasadiis maqlaayee Dariiq leexsan marayee Dagdageen wax hubin baa U diyaara holacee Ruuxii damiir lihi Dayac wuu ka dhawraa Daldalool ka awdaa Dulinkana ka celiyaa
Difaac uga ahaadaa Dux baa laga helaayoo Dambarkeeda gaaxda ah Dumarkiyo carruurtiyo Duqydaa u aayoo Da’yartaa ku naaxdoo Dababkay bakhtiisaa Diricyada idleeyoo
Waa doog guyeedoo Duunyaa ku fooftoo Geelaa ku dararoo Lo’deenaa ku daaqdoo Adhigaa ku daaqoo Iyadaana duurjoog Ugaadh noo dabraysoo Saryan nagi daleeshiyo
Deeriyo markuu geri Dabalaabku laasimay Waa kuwii dawaafee
Iyadaan damaashaad Ku dabaal dagnaayoo Waa daabad gaadiid Dhulka lagu dawaafoo Dalxiis lagu mushaaxoo Marna aan ku didinoo Dagalkay ka maqan tahay Dalandoolka socodkii
Diiqad buu ku suganyoo Darmo weeye lagu lado Goortii ay darantoo Dagalkay ka maqan tahay Waagii dilaacaba Dadku wuu ku leedaa Maatidaa la dooxaa Daraasiin qofoo aan Deelqaaf la iman baa Loo duubi iilkoo
Dagalkay ka maqan tahay Dulli baa hadheeyoo Sharaf baan la deyinoo Duudsaa ku baahoo Waa lagu durduriyaa Taagyare daciifoo Lama digixoodoo La isuma damqanayee Dacar la isu wada qoosh
Dagalkay ka maqan tahay Cudurada dilaagaa Daacuun wax laayiyo Duumiyo kaneeciyo Daaf kama fogaadee Durradaa ku can bixi Dagalkay ka maqan tahay Dukaanada camiran iyo
Daas lama furaayoo Daar lama hadhsanayoo Dagis lama nagaadoo Cabsi ruux ay daris yiin Duhniguba ma gamayoo Dubaqaa warwarayoo Qixis buu dan moodaa Lagu sii darleefoo Diif baa wajahaysee Nabaddaa dawaayoo Dalcadaha korkoodiyo Doox lagu gamaayoo Duunkana xasilisoo
Diiqad kaa gargaartee Doonidu intii aan Duufaan ku kicin bay Dalandool ku wacantoo Dal intuu nabdoon yuu Dayaxiyo higsanayaa Daruuraha sarreeyee. |