Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2087 | July 09, 2009 Rajab 16,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Boorama: Dufcadii Saddexaad Ee Dhamaysata Kulliyadda Caafimaadka Jaamacada Camuud iyo Xafladdii Habeen Hore Boorama, July 9, 2009 (Haatuf) - Munaasibad lagu xusayey Gebogabada imtixaanka Ardaydii kuliyadda Caafimaadka Jaamacada Camuud ayaa la soo gebogabeeyey, taas oo laguna rajo weyn yahay in munaasibada qalinjebinta la qabto 27 bishan July ee aynu ku jirno, ayaa xalay lagu qabtay Hotel Rays ee magaalada Boorama gebogabada Imtixaanka. Xafladda Gebogabada Imtixaanka Ardayda Kuliyada Caafimaadka Jaamacada Camuud ayaa waxa ka soo qayb galay marti sharaf badan oo ay ka mid ahaayeen ardayda dhamaysatay caafimaadka sanadkan, waalidiindoota, aqoonyahano, maamulka Jaamacada Camuud waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay hormuudka kuliyada caafimaadka ee Jaamacada Camuud Dr. Siciid Axmed Walhad waxaanu ka waramay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay kuliyda Caafimaadka waxaanay soo bilaabeen sanad waxbarasheedkii 2001-2002, taas oo maanta soo gaadhay inay ka baxaan ama dhameeyaan kuliyada Caafiaadka waana kooxdii sadexaad ee ka baxda kuliyada caafimaadka waxaanu aad ugu mahad naqanay dhakhaatiirta uga timaada King College iyo Tech oo macalimiin u ah ardayda dhigata Caafimaadka waxa kale oo uu sheegay in ay 12 arday yihiin inta sanadkan nasiibka u heshay in ay ka baxaan kuliyada saddexna ay tahay in ay dhamaystaan waxyaabo kale oo laga rabo halka sagaalka kalena maantaba laga gudoonsiinayo shahaadad ugu horaysa ee caafimaadka. Waxa kale oo ka hadlay ku xigeenka jaamacada Camuud Prof: Axmed Cabdilaahi Boqore oo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay sanadkii sadexaad soo saaraan kooxdii sadexaad oo dhakhaatiir ah, waxaanay kaalin xoog leh ka qaadan doonaan shaqaalaha caafimaadka oo aad baryahan danbe loogu baahan yahay waxaanu tilaamay inay tahay lagama maarmaan inay dhakhaatiirtu ahaadaan kuwo sanad walba soo baxa si qoys walba u helo Caafimaad la daryeelay oo dhamaystiran. Waxa kale oo ka hadlay xafladaas Dr. Cabdi Daa’uud oo ah isuduwaha Caafimaadka ee gobolka Awdal oo sheegay in baahi weyn loo qabo dadka ka soo qalin jabinaya kuliayada caafimaadka oo aad loogu baahan yahay waxa kale oo uu intaas ku daray inay dhankooda aad u soo dhawaynayaan dhakhaatiirta cusub ee ku soo kordhay bahda caafimaadka inay kala shaqo galaan hawlaha Caafimaad ee baaxada badan leh. Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Dr. Ismaaciil Muxumed Aye agaasimaha Isbitaalka Magaalada Boorama waxuuna sheegay in Isbitaalkani yahay mid ay wax ku bartaan Ardayda kulliyada Caafimaadku isla markaasina ay gacan ka gaystaan u adeega dadka bukaanka ah ee Isbitaalka jiifa. Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Ibraahim Magan Nuur oo markii la furayay Jaamacada Camuud Maayar ka ahaa degmada ayaa xusay in Kuliyadan Caafimaadka lafdhabar u yihiin Dr. Siciid Axmed Walhad iyo Dr. Ibraahim Siciid Qaws la’aantoodna aanay suurto gasheen kuliyadaasi waxuuna sheegay in furitaankii jaamacada Camuud kaalinta ugu muhiimsan uu ka qaaday Prof. Daahir Caamiye oo wakhtigaasi ahaa Wasiirkii Waxbarashada ee Somaliland isla markaasina soo suurto galiyay ogolaanshihii in la sameeyo Jaamacada Camuud ee magaalada Boorama. Waxa kale oo isna magaca ardayda qalin jabinaysa ku hadlay mid ka mid ah ardayda ka baxday sanadkan kuliyada caafimaadka oo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin dadaal dheer ka dib maanta inay darajadii ugu horaysay ee dhakhtarnimo bilaabaan oo ay ka mid noqdaan dadka u adeegaya bulshadooda waxaanu balan qaaday inay si hagar la’aan ah ugu shaqayn doonaan dadkooda. Ugu danbaytii waxa halkaas shahaado sharafyo lagu gudoonsiiyey ka soo qayb galayaashii qaar ka mid ah sida dhakhaatiirtii ka socotay Kings College iyo kuwo kale dhakhaatiirta cusubna waxa la siiyey shahaadadii ay ku qalin jabiyeen. |