Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2089 July 12, 2009                  Rajab 19,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Badhasaabka Awdal Oo Lagu Eedeeyey Inuu Xabsiga Dhigay Haween 80 Jiro Ah Oo Ka Soo Jeeda Qoyska Reer Sh. Cali Jawhar, Dhulkoodiina Dad Kale Siiyey

“Waxan Illaahay Ka Baryayaa In Qofka Na Haysta, Illaahay Wax Kadeeda U Keeno” Faadumo Sh. Cali Jawhar

Boorama, July 12, 2009 (Haatuf) – Xubno ka mid ah  qoysaska caanka ah ee reer Boorama, ayaa guddoomiyaha Gobolka Awdal, Maxamuud Sh. C/laahi Cige, ku eedeeyey inuu kula kacay falal arxan darro ah, kana baxsan shuruucda dalka iyo kan diinta islaamka ah, kaddib markii uu xabsiga u diray haween da' ah oo ka soo jeeda qoysaskaasi, isla markaana dhul-beereed ay ku leeyihiin Boorama uu siiyey dad kale oo ay isaga dano kale ka dhexeeyaan.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar Sheekh, xubnahan ayaa sidoo kale badhasaabka Awdal ku eedeeyey, nin aan ku dhaqmin shuruucda dalka, isla markaana ciddii uu doonana xidhxidha, wax ka daba hadlaana aanu jirin, sidaa darteedna loo baahan yahay inay bulshada reer Somaliland iyo reer Awdalba kula taliyaan inuu dadka si caddaalad ah ugu xukumo gobolka.

Faadumo Sh. Cali Jawhar, oo ka mid ah saddex haween ah oo dhawaan loo qabqabtay muran dhul-beereed ay ku leeyihiin Boorama oo dad kale ku sheegteen qaybo ka mid ah, ayaa wareysi ay arrintaasi Haatuf ka siisay kaga hadlay arrimo door ah oo ku saabsan caddaalad darro, sharci la'aan iyo arrimo kale oo ay ka tirsanayaan gudoomiyahaasi, waxayna Faadumo Sheekh Cali Jawhar tidhi: ''Dhawr iyo sagaashan sano ayaan jiraa weligayna ma arag xafiisyo dawladeed, ama mid la iiga yeedhaba. Waxaan la yaabay waxa aniga iyo haween kale oo walaalahay ah naga qabsaday guddoomiyaha gobolka Awdal, oo beer aan weligayo Boorama ku lahayn na dul keenay dad aanaan wax naga dhexeeyaa jirin, kaddibna beertayadii badhtankeedii jago ka qabsaday oo leh qasab baan ku dhisanayaa. Waxa dhacday in maamulka dawladda Hoose ogyahay sharcigayaga dhulbeereedkaasi, cashuurtiina aanu bixinnay, isla markaana aanu ku dhaqaaqnay inaanu qayb ka mid ah dhisanno, kaddibna annagoo halkaa marayna ciidan iyo dad shicib ah nala dul keenay oo nalaga burburiyey dhismahayagii, isla markaana xabsiga saldhigga Bileyska nala geeyey. Markii aan nidhi maxaa nalagu haystaana la yidhi dhul baa la idinku haystaa, oo weliba badhsaabku cid uu wato ayaa idinku haysata, waxana nalagu yidhi ma dhisan kartaan. Intaa markay marayso ayaa habeennimadii dambe koox kale dhulkayagii qabsatay oo haddaan doonayo in dhulkayga xoog ku raadsanno, waxay tafiirtaydu maraysaa 72 qof, gabdhaha kale ee ila dhashayna waa intaa in le’eg, mana doonaynno inaan xaqayaga u dagaalanno. Dadkan ma garanaynno, dhul deris ah ma nihin, dhul nagama iibsan ilaa imikana waan garan la’nahay sida wax u socdaan iyo waxa badhsaabku annaga noogu haysto dhul jago ah oo uu dad la doonayo. Waxaan ummadda reer Somaliland, ummadda reer Awdal, muslimka dhulka ku nool, Golayaasha qaranka, iyo xukuumadda sareba ka codsanaynaa in arrintaasi badhsaabku nagu hayo ee tacaddiga iyo dulmiga ah wax laga qabto, loona sheego in dhulka ay shaqo ku leedahay dawladda Hoose, maxkamadda iyo meelaha kale ee sharciga dawladda laga hago, intaaba hanala horgeeyo, wixii intaa ka baxsan waxaanu u aragnaa gef iyo awood sheegasho iyo shaadhka dawladda oo nalagu dhacayo, waxaan Illaahay ka baryayaa in cidda dhibtaa nagu haysa Illaahay keligii meel ka siiyo wax kadeeda.”

Intaa kadib ayaan dadkii deriska la ahaa dhul-beereedkaasi wax ka weydiinnay sida wax u socdaan iyo cidda meeshaa isku haysta.

Ugu horreyn waxan wax ka weydiinnay nin la yidhaahdo Faysal C/raxmaan waxaanu yidhi “Meeshan waxan deggenayn muddo toban sano, dhulkan aan guriga ka dhisannay waxa naga iibiyey reer Sh. Cali, iyaga uun baan meeshan ku ogeyn, waxaanu maalin dhaweyd aragnay ciidan iyo dad kale oo muddo saddex saacadood na haystay, weligayna ma arag.”

Oday kale oo isna ka mid ah odayaasha xaafadda ee jaarka la ah beertaa ayaa isna yidhi “Annagu buuqa waan maqlaynay dadka meesha yimidna waan moodaynay inay reer Sh. Cali ka iibiyeen meesha, waxan ogaannay goor dambe in dadkani meel kale ka soo duuleen oo meeshan uun farta loogu fiiqay, waar Illaahay ka yaaba ayaan nidhi, weyna na maqli waayeen, reerkaasina iyagaan ka iibsannay jagadan aanu deggenahay.”

Si kastaba ha ahaatee muranka dhulka ee magaalada Boorama ayaa haatan cirka isku sii shareeraya oo kolba weji la imanaya, sharcigii dawladda ee lagu kala baxayeyna haatan waa la dhaafay oo waa la maqli waayey, waxayna u egtahay in arrimahan dhulku haddii ay sidan ku sii socdaan ay keeni karaan xasilooni-darro aanay cidi itaal u haynin xalkeeda, daawladdana ay ka soo gaadhi doonto dhibaato kale.