Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2089 | July 12, 2009 Rajab 19,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Weligaa Jin Ma Ku Caawiyey? Sacad Ciise Cumar Marka hore waxaan salamayaa dhamaan shacabka xalaasha ah ee reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan marka xigta waxaan salaamayaa saxaafadda kuwooda u adeega danta dalka iyo ta dadka.. Waxaan maanta jeclaaday in aan soo bandhigo arrin xili hore iga yaabiyey. Waxay ahayd 1996 mar aan booqday dhulka baadiyaha ee gobolka Saaxil bari ka xiga ayaa waxa dhacday in aan habeen u hoydey reer ka kooban nin iyo xaaskii oo aan wax ubad ah markaa haysan, laakiin haysta in yar oo adhi ah iyo awr, waxaan u imid waqti salaad maqrib ah, markii aan salaamay ayuu ninkii igu yidhi waar daalbaa kaa muuqdee iska fadhiiso oo iska joog, aniguna waan aqbalay oo waxaan fadhiistay meel bacaad ama ciid tuulan dusheeda, markii aan salaadii tukanay ayaa sida reer miyiga caadada u ah ninkii I haybsaday anigoo isu sheegay isla markaana u raaciyey in aan ku socdo reer aanu isku qoys nahay oo degan miyiga kana codsaday hadii uu garanaayo reerkaa ama uu og yahay meesha ay yaaleen uu ii sheego, ninkii si fiican ayuu ii gartay reerkiina meeshii ay yaaleen wuu ii sheegay waxaana uu igu yidhi berito ayaan is raacaynaa oo aniga ayaa kuu geynaaya reerkiiye hadii alle idmo, markii aanu intaa is dhaafsanay ayuu xagii guriga soo qabtay waxaana uu ii keenay darmo ama saliga lagu seexdo barkin iyo buste, aniguna runtii waxaaba aan xiisaynayaa ciidan aadka u nadiifta ah ee aan dul fadhiyo waxaana aan ku idhi walaal ciidan ayaan cabaar fadhiyayaa ee halkaa ii dhig. Ninkii dib ayuu u noqday wax yar kadibna waxa uu ii keenay raashin lagu iidaamay caano iyo subag, markii aanu cashaynay ayuu igu yidhi iska seexo walaal kolay waad daalan tahaye, aniguna runtii waan daalanaa waan iska seexday.. Maxaa haddaba dhici doona markii habeenka inta badani tagtay Markii saacadu ahayd qiyaas 2.00 habeenimo ayuu ninkii oo ordayaa hurdadii iga tuusiyey waxaanu igu yidhi walaal kaalay xaaskii ayaa dhacday ama suuxdaye aad quraan igula akhridide, si degdeg ah ayaan u soo kacay markii aan dul imid gabadhii oo xoog u baxaa-deygaysa ama rafanaysa ayaan la qabtay oo aanu quraan ku akhrinay ilaa 10 daqiiqo markii aan quraankii ku akhrinaynay ayuu igu yidhi walaal labadaa gacmood hay wadaad ayaa u imanaayee oo ka saaraaya waxa ku jira, aniguna waxaan ku idhi mayee quraanka aan ku wadno inta wadaadku inoo imanaayo, anigoo sii raaciyey oo goorma ayaad u yeedhay wadaadka ma in badan ayey gabadhu xanuunsanaysay maxaad aniga ii soo kicin wayday. Waxaanu iigu jawaabay maaha waddaad meesha uu joogo la garanaayo ama meel aan uga yeedho ay jirtee iska hay waa waddaad jin ah. Markii uu sidaa yidhi ayaan shakiyey oo waxaan is idhi malaha reerkuba maaha insi ee waa jin, tallo ayaa iga cadaatay marba wax baan maskaxda iska weydiiyaa walina gabadhii gacmaha ayaan hayaa, waxaanse go’aan ku gaadhay in aan wixii dhacayaaba ha dhacaane aan goobta joogo, waayo haddii aan carar isku dayi lahaa wax aanad arkayn ka carari kari maysid. Markii aanu qadar yar sidii u aamusnayn ayey gabadhii codweyn ku tidhi salaamu calaykum, iyadoo joojisay dhamaan xaraadkii oo dhan noqotayna sidii qof hurda oo kale ninkiina waxa uu ugu jawaabay calay kuma salaam Sh Xasan, markaa ayuu igu yidhi sii daa walaal gacmaha haddaba waa kaa wadaadkii u yimiye, anigana waxa iga soo hadhay naxdin iyo yaab, walina waxaan is leeyahay dadkani maaha Insi ee caawa waxaad ku jirtaa xero jin, markii wax yar oo kale aanu aamusnayn ayuu ninkii waddaadkii Sheekh Xasan waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaaya la galay, waxaana uu ku bilaabay sidan: S: Sheekh Xasan xagee hadda ka timid? J: Anigoo Hindiya booqasho ku jooga ayaa la ii sheegay in ay gabadhii dhacday S: Ma marti qaad ayaad ku joogtay mise hawl gal ayaad u tagtay Hindiya? J: Mayee marti qaad ayaan ku tagay S: Ka waran dagaalkii cuslaa ee gaalada idiin dhexeeyey hada halkee marayaa? J: Dagaalkii waa socdaa haddana wuu ugu cuslus yahay arinta dagaalka ayaan Hindiya u joogay? S: Dhulkii dagaalku ka dhacay hadda ayaa gacanta ku haya? J: Dagaalku wuu balaadhan yahay oo dhulna waanu ka qabsanay dhulna way naga qabsadeen laakiin dagaalku wuu socdaa. La soco qaybta danbe oo xiiso badan Sacad Ciise Cumar E-mail f_bihaary@hotmail.com Berbera Somaliland |