Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2091 July 14, 2009                  Rajab 21,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Ciidanka Bilayska Oo Xabsiga U Taxaabay Laba Masuul Oo Ka Tirsan Idaacada Radio Horyaal.

Qabashada Suxufiyiintan Ayaan Loo Marin Sida Sharciga Ah Oo Waaran La’aan Xabsiga Loo Taxaabay

Hargeysa, July 14, 2009 (Haatuf) - Xukuumada Somaliland ayaa shalay galinkii dambe xabsiga u taxaabtay laba masuul oo ka hawl gala  Idaacada Madaxa banaan ee Radio Horyaal, kuwaas oo ciidanka bilaysku ka qabtay xarunta idaacadaasi ee Magaalada Hargeysa, xilli ay ku gudo jireen hawshoodii shaqo.

Masuuliyiintan xabsiga loo taxaabay ayaa kala ahaa Agaasimihii Idaacada Radio Horyaal Maxamed Cismaan Mire (Sayid) iyo Madaxii wararka ee idaacadaasi Axmed Saleebaan Dhuxul, arrinta qabashada suxufiyiintan ayaanay  ciidanka bilaysku  u soo marin dariiqa  sharciga ah, iyada oo aanay sedan Ciidankii bilayska ee qabtey waaran ay Maxkamadi u soo jartey, hase ahaatee waxa lagu xidhay amar soo qabasho ah oo ciidanka Baadhista dembiyada CID-da ka soo baxay.

"Gaadhi Xaajiyad ah oo ay ka buuxaan ciidanka Bilayska ayaa soo galay gudaha xarunta idaacada Radio Horyaal, waxaana sarkaal ka tirsan CID-da oo la socday uu ku war geliyay inuu u sido amar soo qabasho ah, ka dibna sidaasi ayaa lagu kaxeeyey labadan Suxufi, waana xadhig xaq darro ah,"sidaa waxa yidhi Weriye Khadar Xaaji Xuseen, oo goob joog ka ahaa markii ay ciidanka bilaysku  qabteen labadan suxufi.

Lama oga ilaa hadda waxa uu daaran yahay  xadhiga suxufiyiintani iyo sababta, balse waxa la filayaa inuu dabo socdo go,aan ay dhawaan xukuumadda Rayaale ka soo saartay shaqaaqada Ceelberdaale, kaas oo qodobadii xukuumada uu ka mid ahaa qodob lagu amrayo in warbaahinta qaarkeed oo la sheegay inay u dhaqmeen si masuuliyad daro ah talaabo deg deg ah laga qaado, iyada oo aan si toos ah loo cadayn hay,adaha warbaahinta ee loola jeeday, waxaanay arintani ka mid tahay talaabooyinkii xukuumada Rayaale mar marsiinyaha uga dhigan jirtey xadhiga Suxufiyiinta iyo saxaafada madaxa banana, markasta oo ay ku fashilanto hawlaha ay ummaddu u igmatey.

Maaha markii koowaad ee labadan suxufi ee Maxamed Cismaan Mire( Sayid )  iyo Axmed Saleebaan Dhuxul ay Ciidanka bilaysku xabsiga u taxaabaan, balse sanadkan oo keliya waa markii saddexaad oo si sharciga baalmarsan xoriyaddooda ay bilaysku ka qaadaan,  xabsigana loo taxaabo, iyada oo aan marna Maxkamad la horgeyn.