Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2094 | July 17, 2009 Rajab 24,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Somalia Oo Berbera Ka Soo Degay, Kana Digay Khatarta Somaliland Kaga Soo Fool Leh Kooxaha Xag-Jirka Ah Oo Ka Adkaaday Dawladdii Sheekh Shariif “Waxa Muhiim ah inay Somaliland runta isu sheegto, 18 Sanadood ayaa xaaladdan lagu jiray oo Aan aqoonsina Lahayn Ee Waa in Talo Kale La Helaa” “Wasiirkeena khaarajigu wuxuu dadka ku yidhaahdaa waa Qawlaysato, laakiin isagu boorso faaruq ah ayuu la dhoofaa lana soo noqdaa, oo yidhaahdaa aqoonsigii wuu soo dhawyahay” “Dagaalkaan anigu Somaliland u galay nin-na uma gelin Runtuna Dadku kuma sii jirayaan oo 20-kii Sanadood labaa ka hadhsan” “Aniga shakhsiyan Nin kolba dhinac u cararaya oo mabda’iisa beddelaya ma ihi, danta Dalka iyo ta Dadkuba waxay ku xidhan yihiin waa go’aanka shacbiga” Bebera, July 17, 2009 (Haatuf) – Cabdale X. Cali oo ka mid ah Xildhibaanada Dawladda Somalia ayaa shalay ka soo degay Madaarka Caalamiga ah ee Magaalada Berbera, Kadib markii uu muddo shan Sanadood Gaadhaysa uu ka tirsanaa Baarlamaanka Dawladda Somalia. Cabdalla Xaaji Cali oo mar Maayer ka ahaan jirey Magaalada Berbera ayaa sanadihii u danbeeyey ka mid ahaa Baarlamaanka Somalia, waxaanu Cabdalle Xaaji Cali uu sheegay inay Somaliland maanta Haysato fursad ay beesha caalamku doonayso inay wax kala qabato dhibaatada Somlia ka jirta, taas oo uu sheegay inay wax ka taayso ictiraafka, isla markaana lagaga hortegi karo khatarta ka soo socoto kooxaha xagjirka ah oo uu sheegay inay ka adkaadeen dawladdii sheikh shariif. Cabdalle Xaaji Cali Cali waxa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay in dib loo eego Somaliland, waayo 18 sanadood ayaa laga joogaa xiligii Somaliland lagu dhawaaqay welina waxba gacata kuma hayno, sidaas darteed waxa loo baahan yahay in dib loo eego, sidaana waxa uu ka sheegay mar uu shalay saxaafada kula hadlayey Magaalada Berbera waxaana hadaladiisii ka mid ahaa : “Maanta ayaan ka soo Degay Madaarka Berbera waan soo Guryo noqday waanan ka soo dhamaaday xagii ( Koonfur), wixii war ahna waxaan jeclahay inaan dib ka bixiyo ama halkan (Berbera ) ha ahaato ama Hargeysa, lakiin xaqiiqada meesha taalaa waxa weeye, maanta ayaan Imi Nairobi ayaan ka soo kicitimay Berbera oo kululna waan imid, kolay Hargeysana waan u gudbayaa maalmaha soo socda haddii Alle idmo, fadhiisinkaygu hadda waa Nairobi oo Reerku ii degan yahay, sidaan idiin sheegayna markaan nasto ayaan warami doonaa arin iyo aragtiba, waxaase doonayaa in aan in yar idiinka sheego xaalada koonfur ka taagan taasoo ah in waqtigan ay xoogaga mucaaridka ah ee Xisbul Islaamka Ama ALshabaabta ee Xagjirka ahi aad moodo inay aad ugu gacan sareeyan Dowlada taas oo aad moodo Dowladii inay iskaba dhamaatay, taasoo runtii aan odhan karo waxay ku jirta Marxalada loo yaqaano (Life Support) waa neefta yar ee qofku marka uu dhimanayo ay dhakhtaatiirtu ku qabtaan markaa Beesha Caalamka uunbaa Neeftaas yar ku haysa laakiin maha Dowlad isa soo tarysa, markaa haday ku gacan sareeyaan kooxahaasi Xagjirka ahi (Al-Shabaab iyo Xisbulislaamka) khatarta halkaas kazoo socotaana ma aha mid ku koobnanaysa Muqdisho oo keli ah ee waxa weeyaan sidii ay horeba u yimaadeen ila gobolada dhexe ilaa Gaalkacayo waxaan filayaa khatartoodu way u taalaa Somaliland in laga tashadona waa loo baahanyahay, Dowlad idinka caabiyeysa oo koonfur kula loolamaysaana ma jirto magac uun la sheegayo oo kola Jabuuti lagu samaynayo kolna Nairobi Weeyaan markaa halista Nimankaasi waa mid u baahan in lagafeejignaado oo lagasii fekero ka diyaargarowgooda. ” Ayuu yidhi Cabdale X. Cali intasi kadib ayaa wariyayaashu waxa ay weydiiyeen su’aalo dhowr ah, su’aalahaas iyp Jawabihii uu ka bixiyeyna waxa ay u dhaceen sidan:- S: Cabdale sida laga warqabo waxaad mudo dheer ka mid ahayd Xukuumada Federaalka Koonfurta Somaliya iminka oo aad soo guryo noqotay maxaa ugu weyn Sababaha keenay Inaad Bedesho Mowqifkaaga? J – Walaahi. . Mowqif iyo mabda’ ahaan runtii waxa weeye Somaliland runta inay isu sheegto ayaa Important ah Somaliland 18 Sanadood ayaa xaaladan lagu jiray aqoonsina inuu ka fog yahay mooyaane uma soo dhawa. S: Cabdale miyaa hadda la odhan karaa waad ka soo gun gaadhay Mabda’ii Federaalka Somaliweyn ee aad hore u aaminsanayd? J – Walaahi Mabda’a qof waliba fikirka iyo aragtida uu qabaa waa mid u gaar ah laakiin xaqiiqada Gooni isu taaga Somaliland ummadda ayay u taalaa haddii go’aankaas la qaatayna qofna kuma khasbi karo go’aankaas (gooni isu taaga Somaliland) la qaatay mid ka duwan, aniga shaqsiyana nin kolba dhinac u cararaya oo kolba mabda’iisa beddelaya ma ihi, waxa weeye danta Dalka iyo ta Dadkuba waxay ku xidhan yihiin waa shacbiga go’aankoodana iyagaa leh aragtidoodana iyaga ayaa leh. S: Shacbigu Cabdalle waxay aaminsan yihiin Somaliland iyo madax banaanidooda xoriyadooda ilaa inta ay ka gaadhayaan Aqoonsi ay Caalamka ka helaan taasaanay sutida u hayaan, markaa adigu weli ma waxaad aaminsan tahay Nidaamkii Fedaraalka Somaliweyn? J – Nidaamka Federalku runtii waa nidaam aan ku waafiqi karo ama aanan ku waafiqi Karin xaqiiqada meesha taalaa waxa weeye go’aankan 18 Sanadood ka hor ayaa la qaatay 18 –kaa Sanadoodna siyaasad lagu xaqiijin karo himilada go’aankaas lagu gaadhay oo ku soo biirtay waxa jirtay tusaale xilligii Marxuum Maxamed Ibraahin Cigaal inuu yidhi waxaanu sugaynaa in aanu la hadalo koonfurta, Koonfurtuna waxba kama soo jeedaan, sidii loo tashan lahaa ee Go’aanka iyo himilada loo meel marin lahaa ee loo xaqiijin lahaa Gooni isu taaga Somaliland-na ma aha in la kala baqo, ma aha in lagu cabsiiyo qofkii yidhaahda waar sidaas ayaan doonayaa in aynu wax ku taro ama aan ku xaqiijinaynaa Go’aanka Gooni isu taaga Somaliland ma aha in lagu cabsi geliyo waa Somaliland-diid, go’aanka shacbigaa leh shacbiguna meel bay dhigteen, sidii loo meel marin lahaa Go’aankaas shacbiga ee loo xaqiijin lahaana in lagu kala baqo ma aha waddadan aynu maanta ku jiraana ma aha tii lagu raadin lahaa. S: Sidee ka haboon ee aad qabtaa in lagu raadiyo? J – Waxa lagu raadinayaa in aynu dhegaysano Adduunku wuxuu inaga Doonayo “Dhabarkayga ii Xoq ana waan kuu xoqayaa kaaga” dan ayaa maanta timid Somaliland waa inay ka faa’iidaysato dantaas, dantaasi maxay tahay waxa weeye Khatar xagjirnimo oo Argagixisonimo ah ayaa ka soo baxday Somaliya oo koonfurta Soomaliya, Somaliland-na sidii ay uga faa’iidaysan lahayd ee danteeda ugu gaadhi lahayd ee ay uga qayb qaadan lahayd hawlaha ee mujtamaca gacanta ay isqabsan lahaayeen ayaa looga baahan yahay. S: Sidaa markaad leedahay ma waxaad u jeedaa in Somaliland ka qayb qaadato dagaalada Muqdisho ka socda? J – Al shabaab Somaliland qaraxyo ayay ka fulisay hadday Xamar soo dhaafaana waa is huranahay in aynu halkooda ugu tagno iyo in aynu meel dhexe isu taagnaana waa arin taladeedu inoo taalo waa in farsamo la keenaa. S: Cabdale markaad Somaliland ka tagtay ee aad Koonfur qabatay Xiligaa aragti ayaad ka qabtay Somalilnd, maata oo aad soo guryo noqotay shan sano kadib maxaad odhan kartaa way iska beddeleen Somaliland? J – Walaahi runta hadaad doonayso dhaliishaan kaga tegay weli wey taalaa waanan wadayaa, Saddexda xisbi qaran Maalin walba waan Daawanayey oo TV-ga ayaan kala Socday, kama hadlaan Issue kama hadlayaan waar dhaqaale sidee baynu u abuuraa oo ummadeena shaqo abuur ugu samaynaa lagama sheekaynayo waar side baynu aqoonsiga u raadinaa kama hadlayaan xisbigaynu doonaba aan ahaanee wax inaga wada dhexeeya ayaa jira, lam hadal hayo sidee baynu al shabaabta khatarteeda uga hortagnaa, waayo khatarta Itoobiya ka baqayso inagu maxaynu uga Baqan weynay, waxaad moodaa issues-kii dadka taabanayayba in aan loo baydhayn Madaarbaa la ii diiday …. xisbi hebel Dagaal buu doonayaa inuu dalka ka rido iyo Waxaanu ka soo Baxnay Xisbi Hebel oo waxaanu ku biiray Xisbi hebel, markaa runtii tii aan kaga tegay weli wey taagan tahay, Berbera Maalintaan ka tegay iyo Maanta maxay ku kala duwan tahay, waxaan odhan karaa maalintaan ka tegay ayay ka dad badnayd maanta oo laga joogo shan sanadood July 15 keedii shan sano ka hor ayaan idinka tegay maantana July waa 16 shan Sano horteed ayay Berberi ka dad badnayd Cuduro iyo dhibaatooyin iga danbeeyay oo Tahriib la yidhaahdo oo dhalinyaradii qaxayso ayaa iga danbeeyey ma jirin markaan joogay, markaa xaqiiqada runta aynu u baahanahay waxa weeye wax aynu wada leenahay oo aynu isaga garowno ayaa loo baahan yahay haday aqoonsi raadis tahay ha noqoto dhaqaale samayn waxa loo baahan yahay oo la inooga baahan yahay The Real Command Principal S: Waxa jiray rag kale oo Somaliland u dhashay oo aad ku wada jirteen Dawladda Federaalka Kumeelgaadhka ah ee Somaliya markaa ma jirtaa cid kale oo kaala mid ah Go’aankan aad ka qaadatay ee aad kaga soo googoosatay? J – Walaahi horta marwalba waxa weeye Raga halkaa tegay waxa jira rag badan oo is lahaa jid aad u dheer ayaa la qaaday oo aqoonsigii Somaliland loo maray ee Adigu hor qabatee oo mabda’iyanba aan aqoonsanayn Somaliland, waxaana weeye maanta waa la soo gungaadhay mid ku hadhay iyo mid ka yimidba guntana waxa la soo xaadhay in sheikh Shariif Dowladdiisani aanay Soconaynin Awoodo xoog badanina ay ka hor yimaadeen oo ay fashilmayso Fashilantayna. S - Cabdale adiga iyo Raga kale ee kula midka ahaaba waxa loo arkayey rag iska qowlaysi tegay maanta soo guryo noqod kaagani miyaan la odhan Karin waa nin soo caal waayey, kadibna soo noqday mabd’iisii horena aan ka noqon? J – Aan kuu waramo …Koonfur Somaliland Aqoonsigeedu gaar uma aha ee inaga iyo koonfur waxbaa inaga dhexeeya oo waxbaynu halkaa kala baxnay Xamarbaynu geeynay sidaynu Xamar uga soo celin lahayn ayaa falowgeed la doonayaa in la qabto xaqiiqadu waa taas, Ninka yidhaahda Somalind waa jirtaa waa kan iyo waa caynkan Cunaqabatayn 18 Sanadood ah ayaynu isa saaray inagu sidii aynu uga badbaadi lahayn ee aynu isu furfuri lahayn ee aynu Aqoonsigeena ku heli lahayn ayaa loo baahan yahay, taa ninka haya ee maanta keena waa ku tageeraynaa, laakiin xaqiiqada meesha taalaa waxa weeye Adduunkii haday Mareykan tahay iyo haday cidkale tahayba Waar Somalilandeey si gaar ah wax nagala qabta Somaliyada Koonfureed ayaa meesha taala, taasi waa mid ta qowlaysatadana Wasiirkeena khaarajigu Boorso madhan ayuu sitaa marna la baxaa marna la soo noqdaa, wax alaale iyo wax ka soo baxana ma jiraan, isagaa dadka ku yidhaahda Qawlaysato. . laakiin boorso faaruq ah oo marna lala baxo marna lala soo noqdo oo la yidhaahdo Aqoonsigii waa soo dhow yahay That Is not True, wax yaalahaas oo kale in laysku yidhaahdaana ma haboona waxa weeye Dagaalkaan anigu Somaliland u galay nina ma gelin ee aan Xamar ka soo galay iyo khataraha aan u galay, aniga oo Somalilnad u dagaalamayana waxaan odhan karaa Nina ma gelin, doonista Somaliland aanu doonaynay umay gelin, Runtu waxa weeye halaga hadlo Issues Dadku kuma sii jirayaan 20-kii Sanadood labaa ka hadhsan kuma sii jirayaan inay sugaan ilaa Maalintii Ina X. Ibraahin Cigaal joogay ee Distoorka la ansixiyey Aqoonsigii waa kan baa la lahaa, waa imisa Sanadood Toban sano ka badan ilaa maalintaa doorashada kal danbe Ictiraafkiibaa ku xiga. . No!! dib haloo eego, hala qiimeeyo, ha laysu sheego hala yidhaahdo waar maxaa inaga khaldan, halkay ka joogtaana waxa weeye hadaad Dadka Hargeysa Isugu keento sidii Maxamed X. Ibraahin yidhi anagaa dadka shir u qabanayna Ictraafkaagu wuu soo dhawaanayaa, ma aha in aynu kala baqano oo nidhaahno haddii aad sidaa tidhaado waxa lagu odhanayaa waa Somaliland diid, Somalidu waxay ku maah maahdaa Dumaal Nin ka xishoodaa kama Ilmo dhalo, waxa loo baahan yahay hadday Udub tahay Haday Kulmiye Tahay iyo Haday Ucid Tahayba in Talo laysugu yimaado Oo Issues laga Wada hadlo ee ma aha in la yidhaahdo Reer hebelbaa xisbi hebel ka soo baxay oo xisbiga hebel ku soo biiray |