Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2094 July 17, 2009                  Rajab 24,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Taariikhda Aabihii Waxbarashada Somaliland Maxamuud Axmed Cali

Waxa igu takhlan wax badan. Waxaan tebanayaa wax badan. Waxaan tiigsadaa wax maqan, waxana tasoobi kara wax badan. Tilmaanta lagu soo baadi sooci karo magaca Maxamuud Axmed Cali in ay tahay Aabbihii Tacliinta ummaddeenna waa arrin lagu wada qanacsan yahay oo aanu maanta muran ka taagnayn. Hase yeeshee waxa tabashada dareenku sii kordhaysaa, guhaad iyo canaan kobocsan oo qalbiga ogoggiisa ka soo go’ayna kugu taagmayaan marka intaas hoos looga sii daadego ee wax la iska weydiiyo sooyaalka iyo taariikh-nololeedkii shakhsiyaddaas mudan, shakhsiyaddaas magaceedu maamuuska iyo milgaha leeyahay, shakhsiyaaddaas maqaamka sare ku leh taariikhda ummadda, godka ma-guuraanka ahna ka fadhiisata sooyaalka ummadda iyo dhigaalladeeda ay ku dhaashato, kuna indha kuulato ee hiraalkeeda ku astaysan.

Dad badan oo weliba u togan inta isku tirisa in ay aqoonta ehel u yihiin, waxna barteen, ayaa waxa aanay ogayn ama aanay soo rogan karin wax dhaafsiisan ama ka durugsan in Maxamuud Axmed Cali ahaa Aabbihii waxbarashada, waxana suurta gal ah in dad badan oo jiilasha dambe ka mid ahina aanay xitaa intaasba haynin, in xitaa magacuba aanu maskaxdooda ku jirin, soona hor marin ogaalkooda. Miyaanay suurta gal ahayn in magacuba tasoobo, in da’faceedda hadda koraysa iyo kuwa soo socdaaba aanay la kulmin magaca Maxamuud Axmed Cali iyo inta kale ee inta badan ka mudan! Ma jirto dunida guudkeeda meel iska bannaani. Halka wax ka baxaan iskama bannaanaato ee waxa buuxiya wax kale. Tolow maxaa dhacaya haddii magaca Maxamuud Axmed Cali iyo hebello kale halkooda ka baxaan? Miyaanay suurta gal ahayn in wax sawaaban oo taban, boolina ahi soo baxaan oo halkooda fadhiistaan! Ummad aan taariikh sugan lahayni waa ummad aan jiritaan sugan lahayn!

 

Halistaas bidhaamaysa ayaa joogtaynaysa in loo hollado in la raadiyo, waxna laga qoro duug-yaal badan oo tiir-dhexaad u ah taariikhda ummadda iyo hidde-sidayaasheeda ay ku dhaadato. Maxamuud Axmed Cali Alle ha u naxariistee waxa uu ka mid yahay tiirarkaas waaweyn ee sooyaalka ummadda, waxanu macagiisu buuxinayaa oo lagu soo baadi-sooci karaa tilmaansi-ahaan nuxurka ereyadii Alle ha u naxariistee C/laahi Qarshe : Aqoon la’aani waa iftiin la’aan. Waxa uu Maxamuud ahaa aasaasihii iyo hirgeliyihii waxbarashada casriga ah, waxanu ahaa macallinkii suurta geliyey in ay tacliin qaataan oo wax bartaan, aflaxaanna koox ahaan in badan oo ka mid ah qalinleydii ugu horreysey ee soomaalida.

 

Maxamuud Axmed Cali waxa uu ku dhashay gobolka Togdheer, degmada Burco hilaad-ahaan kala guurkii labadii qarni ee tegey (dhammaadkii qarnigii 19aad iyo bilowgii qarnigii 20aad). Waxa uu Maxamuud waxbarashadiisa aasaasiga ah ku qaatay magaalada Berbera dugsi ku yaalley oo wax lagu bari jirey arday isugu jirtey Carab iyo Hindi. Waxa uu ka mid ahaa arday fara-ku-tiris ah oo soomaali ah oo dugsigaas loo oggolaaday. Sannadkii 1919kii waxa waxbarasho loogu diray waddanka Suudaan, waxanu tacliintiisa ka bilaabay magaalada Khartuum kulliyad lagu baran jirey macallinnimada oo loo yaqaanney Bakhta Al-Ruda. Dhammaadkii tobanlihii 1920aadkii ayaa Maxamuud Axmed Cali ka soo laabtay waxbarashadaas.

Markii uu gumaysigu soo galay arlada soomaalida waxa la yimi oo weheliyey kooxo horseed u ahaa waxbarasho ka soo jeedda oo laga soo dheegtey Diinta Kiristaanka. Waxa 1891 dugsiyo noocaas ah oo Baaderi (wadaad masiixi ah) madax u yahay laga furay magaalada Berbera iyo Bulla-xaar. 1905-tiina waxa laga furay magaalada Saylac. Waxa dugsiyadaas ugu caansanaa Dhaymoole oo ahaa duleedka Berbera. Dadkii soomaalidu waxa ay ka hor yimaaddeen furitaanka dugsiyadaas. Waxa soomaalidu la diiddanayd ubadkooda in la baro diin aan ahayn diintooda Islaamka, waxana soo baxay dareen muujinaya in qasdiga ka dambeeya iskuulladaasi uu yahay mid la xidhiidha fidinta Diinta Kiristaanka. Sidaas darteed way xidhmeen muddo ka dib dugsiyadaasi. Iskuulladaas Baaderiga raggii ugu horreyey ee waxbarashada ka bilaabay waxa ka mid ahaa Alle ha u naxariistee Xaaji Faarax Oomaar, Xuseen Kaatoli, Ciise Faranji, Axmed Cali (Maykal Maryama aabbihii), Fideer, Maxamuud Diiriye Suulaawe iyo qaar kale. Waxa markii dugsiyada Baaderigu xidhmeen nimankaas loo qaaday dhinaca magaalada Cadan oo looga sii ambaqaaday tacliintaas Baaderiga.

Markii uu Maxamuud Axmed Cali waxbarshada Suudaan ka soo laabtay, waxa uu noqday shaqaale dawladeed. Waxa uu Maxamuud ku baraarugsanaa ahmiyadda ay waxbarashadu leedahay, waxanu ka dheregsanaa oo fahansanaa khilaafka dhex-yaallaa soomaalida iyo maamulayaashii gumaysiga. Sidaas darteed waxa uu ka fekerey in ubadka soomaalidu ay helaan waxbarasho ka duwan taas fashilantay ee Baaderigu hormuudka u ahaa. Waxa uu isku taxalujiyey in gumaysigu taageero u fidiyo rugihii waxbarashada ee soomaalida oo ahaa malcaamadihii qur’aanka, si la isugu soo taago oo ubadka loogu oggolaado in ay ka qayb qaataan barashada aqoonta kale ee caadiga ah oo Maxamuud Axmed Cali uu gadh-wadeen ka ahaa. Waxa uu Maxamuud Axmed Cali la noolaa dadkiisa, waxanu hiil u ahaa, una taagnaa sii horu marintiisa. Waxa uu daba joogey dedaalkii soo taxnaa ee Sh. Yuusuf Kownayn ee Alif wax maleh, Ba’ hoos ku hal leh ama Alif la’ kor-dhabey, Alif la’ hoos-dhebey, Alif laa godey, waxanu ku qanacsanaa in hore halkaas looga sii heetiyo oo tallaabo kale la sii ruqaansado.

Lasoco……………..