Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2095 July 19, 2009                  Rajab 26,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Munaasabad Ay Xilka Kula Kala Wareegayeen Wasiirkii Hore Ee Ganacsiga Iyo Ka Cusub

“Waxa Jiray Siraha Inoo Dhexeeyay Mar Aad Damacday Inaad Shaqada Ka Tagto Oo Anigu Aan Kaa Baajiyey…..” Wasiirka Hawlaha Guud Siciid Sulub

Hargeysa July 19, 2009 (Haatuf)-Wasiirkii hore ee wasaarada ganacsiga Cismaan Qaasim Qodax ayaa shalay xilkii ku wareejiyey wasiirka cusub ee wasaaradaas loo magacaabay Abiib Xasan Filfil. Munaasabad loo sameeyay xil wareejintaasi labada wasiir ay kula kala wareegayaan ayaa lagu qabtay xarunta wasaarada ganacsiga ee magaalada Hargeysa.

Munaasabadan ayaa waxa ka soo qayb galay wasiiro, xildhibaano, masuuliyiin kale iyo shaqaalaha wasaarada, ayaa ugu horayn munaasabadaas oo uu ka hadlay wasiirku xigeenka wasaarad ganacsiga Cabdi Xaliim ayaa ka waramay hawlaha wasaarada iyo muddadii uu joogay wasiirkii hore wada shaqaynta fiican ee ka dhaxaysay isaga iyo shaqaalaha, isla markaana ay soo dhawynayaan wasiirka cusub.

Ugu horayn wasiirkii hore cismaan Qaasim Qodax oo halkaa ka jeediyey hadal kooban, ayaa ka waramay muddadii uu hayay xilka iyo hawlihii uu soo qabtay iyo heerka ay hadda taagan tahay wasaarada, waxanu sheegay oo kale in xilku uu yahay meerto isla markaana aanu ka xumayn xil ka qaadistiisa, balse uu ka tirsan yahay xisbigii UDUB, waxana ka mid ahaa hadalkiisa “Wasaaradan Ganacsigu waa halbowlaha dalka hawsheduna tahay horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, waa wasaarada aad iyo aad u ballaadhaninkasta oo ay aad u yartahay miisaaniyadda wasaaradu leedahay marka loo eego hawsha ay u xilsaaran tahay, taasina waa dhaqaale yaraanta dalka ayaa sabab u ah. Caqabadaha u waaweyn ee wasaaradan hor yaala waxa ka mid ah kow aqoonsi la’aanta dalka ayay la kowsatay waayo ma dhacayso ganacsigeena in loo sameeyo LC-yo la furo oo dawlada la ictiraafsan yahay ma nihin” ayuu yidhi, waxanu intaas raaciyey “anigu lix sanadood iyo badh baan wasiir ahaa, su’aal baa la i weydiiyey maalintii dhaweyd ee xilka la iga qaaday aan maalintii xilka la ii dhiibay la i weydiin, la ima odhan maalintaa muxuu madaxweynuhu wasiir kaaga, laakin maalintii dhaweyd waxa la igu yidhi, muxuu kaaga qaaday.

Midna waan idiin sheegayaa intaan wasiirka ahaa askar maan kaxaysan jirin oo imika markaan suuqa tago la i odhan maayo askartii ku daba socotay meeday, taa waaan ka nabad galay, la iodhan mayo waadigii naaxay ee maxaa ku caateeyay.

Su’aasha sadexaad ee aan la I odhanayn waxa weeye ma xilkaad UDUB ku ahayd waadiga imika UDUB caayaya’e taana cidi i odhan mayso”ayuu yidhi Cismaan Qaasim Qodax, intaa ka dib waxa isaguna munaasabadan hadal kooban ka jeediyey Wasiirka hawlaha guud Siciid Sulub, isaga oo sheegay in wasiirkii hore uu ahaa nin muddo soo shaqaynayay ay aadna isugu dhowaayeen saaxiibtinimadoodu, waxzana ka mid ahaa hadalkiisa “Cismaan Qaasim, saddex wasaaradood buu ka so shaqeeyay, waa nin firfircoon anagu aad baanu saaxiib u ahayn, wananu ahaanaynaa, dardaaran badan odhan mayo, balse waxaan xasuusinayaa uun muddadii aynu xilka haynay hawlo badan baynu soo wada marnay waad garanaysaa ciddii horukacaaga nebcayd iyo ciddii wx kula qabanaysay, imika hadaad dibada tagtana beer laxawsi badan baa kuu iman oo waynu isgaranaynaa taana inaad ka calool adaygto ayaan aad u jecelahay.

Waxa jirtay siraha inoo dhexeeyay mar aad damacday inaad shaqada ka tagto oo anigu aan kaa baajiyey, oo aad adigu markhaati ka tahay, rag laga yaabo inay iga qaadeen khiyaano ay kugu jiidhjiidhayaan markaa inaad ka baxdo. Soomaalidu hore ayay u sheegtay oo nin baa laga hayey Dadwaa xigto, ka dib nin xakiim ah oo la joogay baa  yidhi Dad xigto maaha ee waa ciddii neeftiinu is ogolaato” ayuu yidhi Siciid Sulub.

Ka dib waxa munaasabada hadal kooban ka sheegay xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, waxana ka mid ahaa hadalkiisa “  aad baan ugu faraxasanahay inaan idin kala soo qayb galo xafladan xilwareejinta ah, markaa wasiirka cusubna waan soo dhoweynaynaa, wasiirkii hore ee hayayna aad baan ugu hambalyaynayaa sida quruxda badan ee uu ugu wareejiyey iyo hadalada fiican ee uu halkan ka yidhi anagu hore isumaanu aqoon laakiin maanta ayaanu saaxiib noqonaynaa oo saddex hadal oo wanaagsan oo uu halkan ka yidhi ayaan anigu kula saaxiibayaa” ayuu yidhi Xasan Cawaale.

Ugu dambayn munaasabdan waxa hadal kooban ka jeediyey wasiirka cusub ee wasaarada ganacsiga Abiib Xasan Filfil, waxana ka mid ahaa hadalkiisa, “xilkan cusub ee la ii magacaabay oo dhammaantiin aan ka codsanayaa inaad horta iigu ducaysaan in Ilaahay ii fududeeyo waddada toosana igu toosiyo, waan ka gudoomay marka hore wasiirka xil wareejinta uu igu wareejiyey, marka labaad anigu waxaan ballanqaadayaa wixii siyaasadayda ah, aqoontayda ah daacadnimadayda ah inaan banaanka soo dhigo ooaan ku hogaamiyo hawlaha wasaarada” ayuu yidhi wasirka cusub.

Wxa kale o iyaguna halkaas ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaarda ganacsiga Cabdi Xaliim, K/s agaasimaa guud iyo gudoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland C/raxmaan Faarax Sugaal, dhamaana waxay ka warameen hawlaha wasaarada iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa shaqaalaha iyo wasiirkii hore dadaalkiisii badnaa imikana ay wasiirka cusubna u rajaynayaan inuu ilaahay u fududeeyo xilka loo magacaabay.