|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2099 | July 23, 2009 Rajab 30,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Raga Ku Dhiiraday Inay Maalkooda Geliyaan Wershada Sibidhka Ee 19-Ka Sanadood Fadhiday Waa Talaabo Ku Dayasho Mudan Mana Geyaan Xajiimayn Qaar Ka Mid Ah Dadweynaha Saaxil Hargeysa, July 23, 2009 (Haatuf) – Qaar ka mid ah dadweynaha iyo Odayaasha ku dhaqan deegaanka gobolka Saaxil ayaa si weyn u soo dhaweeyey talaabada ay dhawaan qaadeen kaar ka mid ah Qanacsato reer Somaliland ah oo maalgashaday warshadai sibidhka ee berbera Sida uu noogu soo waramayo Weriyaha Haatuf ee Saaxil Axmed Aadan Dheere ayaa waxa ay soo saareen hadal ay ku taageerayaan waxaana uu u qornaa sedan:- “Hadaanu nahay Odayaasha, Ganacsatada iyo waxgaradka Magacyadoodu hoos ku saxeexan yihiin kana mid ah Bulshada Reer Saaxil/ Berbera, marka hore waxanu halkan ka hanbalyeynaynaa Ganacsatada Muwaadiniinta ah ee ku dhiiraday in ay hantidooda ku maalgeliyaan Wershada Sibidhka Berbera ee Mudada 19-ka Sanadood ah Burbursanayd, kuwaas oo aanu u aragno inay yihiin Geesiyaal qaaday Talaabo mudan ku dayasho, Ganacsatada Kale ee Wadaniga ahna waxaanu usoo jeedinaynaa in ay kaga daydaan oo ay gartaan in ay khayraadka Wadanka Maalgashdaan Ilaha Wax soo Saar ee Wadankuna kuma koobna Wershada Sibidhka oo keli ah ee way badan yihiin, horumarkuna sidiisaba wuxuu ku yimaadaa Dhiiranaanta iyo ku dhaca ee kuma yimaado Fulaynimo iyo horta ha lagaaga horeeyo. Sidaas oo ay tahay runtii waxa wax laga naxo ah in Odayaal waaweyn oo ka mid ah Bulshada Reer Saaxil ay u quudhan Ragaas Geesiyaasha ah inay Warbaahinta u mariyaan hadalo ay ku xajiimaynayaan Talabada ku dayashada mudan iyo dedaalka ay la yimaadeen, Macal asaf waanu ka xunahay Halkaaiyo heerkaamidna idinkamaanu eegayn ayaanu leenahay Odayaashaa haday idinka dhab tahay inaad danaynaysaan ka qayb qaadashada dib unoolaynta Wershaduna sidan aad u hadasheen idina idiinma wacna oo intaa waa laydiinka han weynaa ee dib isugu noqda, idinka oo eegaya baahida ay Dadkeenu u qabaan in ay mar uun wershadaasi kacdo tas oo aan filayno in anay idinka Daahnayn Duruufaha shaqo la,aaneed ee aafeeyay Bulshada Dalka idiinma quudhno inaanu idin canbaareyno ee Ilahay ha idin garansiiyo hilinka toosan gebagebada maqaalkayagan waxanu markale hanbalyeynaynaa Geesiyaashaa horseeday in ay ku dhiiradaan Maalgashiga Wershada Sibidhka ee aynu wada ognahay Culayska Maaliyadeed ee ay u baahan tahay Kicinteedu waxaanu leenahay ilaahay ha idinku garab galo. Yuusuf Meheriye C/laahi Cusmaan Raaxeeye Maxamuud Muuse Xirsi C/risaaq Dubad Maxamed C/wahaab Maxamed Ismaaciil Mustafe Axmed C/laahi Xamse Cabdikariim Mxamed Sanyare Farxaan Cayuun Cismaan Digaale Maftuux Ibraahim Macalin |