Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2103 | July 28, 2009 shacbaan 6,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Natiijada Server-Ka Oo Muddadii Loo Balansanaa Dib Uga Dhacday Iyo Interpeace Oo Axsaabta U Soo Bandhigtay Kala Doorashada Saddex Qodob Si Doorashadu Wakhtigeeda U Dhacdo Interpeace: (1) In la qaato laguna hawlgalo tirada maanta Server-ka lagu hayo oo ah 1,146,832; (2) In khubaro dheeraad ah iyo software cusub la hawlgaliyo si waliba loo sii kala shaandheeyo tiradaas Iyo (3) In diiwaangelintii la laalo doorashadana lagu galo bilaa diiwaangelin Xisbiyada Mucaaridka Oo Isku Raacay In Natiijada Serverka Lagu Galo Doorashada, Kuna Eedeeyay Xisbiga UDUB Inuu Diiday Go’aankaas Hargeysa, July 28, 2009 (Haatuf) – Natiijadii codbixiyeyaasha isu diiwaangeliyay doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka dhacdo 27-ka September, ayaa dib uga dhacday wakhtigii kama-dambaysta ahaa ee loo balamay in Hay’adda Interpeace ku soo bandhigto natiijada rasmiga ah ee dadka is-diiwaangeliyey, taas oo ku beegnayd maalintii shalay ee 27-ka July, waxaanay taas bedelkeeda hay’adda Interpeace hordhigtay Axsaabta qaranka iyo Komishanka doorashooyinka saddex qodob oo ay sheegtay inay lagama maarmaan tahay in mid ahaan laysla qaato si ay suurto-gal u noqoto in doorashada la qabto wakhtigii loo cayimay. Kulan ay isugu yimaadeen Axsaabta Qaranka iyo Komishanka doorashooyinka ayaa Sarkaal ka tirsan hay’adda Interpeace oo magaciisa la yidhaahdo Samoro waxa uu ku soo bandhigay natiijada tirada dadka is-diiwaangeliyay ee hadda ku jira Server-ka, kuwaas oo uu tiradooda ku sheegay inay yihiin 1, 146,832 (Milyan, boqol iyo afartan iyo lix kun, siddeed boqol iyo laba iyo soddon), isagoo sheegay in kala-shaandheynta tiradaasi u baahan tahay khubaro dheeraad ah iyo barnaamijyo kumbuyuutar (Software) cusub oo la hawl-geliyo si ay tiradaas u sii kala shaandheeyaan. Hase yeeshee waxa uu Mr. Samoro axsaabta qaranka iyo komishanka soo hordhigay saddex qodob oo uu sheegay in loo baahan yahay in midkood la qaato, kuwaas oo kala ah in tiradaas hadda Server-ka lagu hayo lagu galo doorashada, in khuburo dheeraad ah iyo barnaamijyo cusub la hawlgeliyo oo la sii kala shaandheeyo iyo in gebi ahaanba dhinac layska dhigo diiwaangelinta oo doorashada lagu galo bilaa diiwaangelin. Inkastoo kulankaasi ahaa mid saxaafaddu dibadda ka joogtay haddana waxay wararku sheegeen in arrintaas ay axsaabta qaranku ku kala qaybsameen, iyadoo ay labada xisbi ee mucaaridku isku raaceen in tirada hadda ku jirta serverka doorashada lagu galo, halka xisbiga talada haya ee UDUB-na uu qaatay in kala-shaandheyn lagu sii sameeyo tirada Server-ka lagu hayo ee ay Interpeace soo bandhigtay. Komishanka Doorashooyinka ayaa la sheegay inay isku dayeen inay Axsaabtu qodob ku heshiiyaan, hase yeeshee taasi may suurto-gelin, waxaanay wararku sheegeen in xubnaha Komishanku ay maanta ahaan la kulmi doonaan Madaxweyne Riyaale oo ah ninka talada xisbiga UDUB ka gowdo. Lamase ogga in Madaxweyne Riyaale ogolaan doono in doorashada lagu galo tirada hadda Server-ku soo saaray ee ay xisbiyada Mucaaridku isku raaceen iyo inuu talo ka duwan taas soo bandhigi doono. Dhinaca kale, xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo KULMIYE, ayaa war-saxaafadeed ay wada-jir u soo saareen isla shalay waxay ku caddeeyeen inay go’aansadeen in la raaco heshiiskii ay hore axsaabta qaranku u wada galeen oo dhigayey in la aqbalo natiijada Server-ku soo saaro, waxaanay xisbiga talada haya ee UDUB ku eedeeyeen inuu jebiyay kana horyimid heshiis ay hore axsaabta qaranku ugu wada-gaadheen in la aqbalo natiijada ka soo baxda Serverka, waxaanay go’aanka xisbiga UDUB ku tilmaameen mid macnihiisu yahay inaanu xisbiga UDUB ogolayn doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhacda wakhtigii loo cayimay, isla markaana u sii gogol xaadhanayo muddo-kordhin mar kale loo sameeyo xukuumadda Riyaale. War-saxaafadeedka wada-jirka ay u soo saareen labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE oo ay ku saxeexnaayeen gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiye ku-xigeenka xisbiga UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf), ayaa waxa uu u dhignaa sidan: “Sida aynu wada ognahay dalkani waxa uu galay diiwaan galin buuxda bishii Octobar 2008 natiijadii diiwaangelintaasi aad bay inoogu raagtay hase yeeshee waxa la soo gaadhay gebogebadii diiwaangalinta. Maanta oo ay taariikhdu ahayd 27/7/09 Mr. Samoro oo ka socda hay’adda Interpeace wuxuu soo hordhigay saddexda xisbi qaran iyo komishanka natiijadii serverku soo saaray oo tiradeeduna tahay 1,146,832 oo ah tirada maanta la hayo. Mr. Samoro isaga oo ka duulaya wakhtigii doorashada loo muddeeyay oo gabaabsi ah wuxuu soo bandhigay saddex arimood oo doorashada wakhtigeedi lagu qaban karo: (a) In arintaas diiwaangalinta iyo serverka la soo af-jaro lana qaato laguna hawlgalo tiradaa kor ku xusan (b) In khubaro dheeraad ah iyo software cusub la hawlgaliyo si waliba loo sii kala shaandheeyo tiradaa kor ku xusan (c) In diiwaangalintii la laalo doorashadana lagu galo bilaa diiwaangalin Haddaba labada xisbi qaran UCID IYO KULMIYE iyagoo ka duulaya halgankii iyo kharashkii faraha badnaa ee loo soo maray diiwaangalinta, iyagoo ay ka go’antahay doorasho xor iyo xalaal ah, iyagoo tixgalinaya deeq-bixiyayaasha iyo taageerayaasha Somaliland ee ajanabiga ah, waxay go’aansadeen inay danta dalka, dadka iyo dimuqraadiyaddaba ay ku jirto in si kama dambays ah loo aqbalo tirada serverku soo saaray, sidaasna lagu hawlgalo doorashadiina loogu diyaargaroobo si ay u dhacdo wakhtigii loo muddeeyay. Waxa ayaan darro ah in xisbul xaakimkii shirkii uu maanta (shalay) uu ka cadeeyay inaanu ku kalsoonayn, aqbali doonina tiradaas uu serverku soo saaray, xisbul-xaaakimku wuxuu ka horyimid oo uu jebiyay heshiiskii hore loo kala saxeexday ee qeexayay in la aqbalo natiijada ka soo baxda serverka. Waxay nala tahay in go’aankaas xisbiga UDUB ka soo yeedhay in uu micnaheedu yahay inaanay u diyaar ahayn doorasho xor iyo xalaal ah oo dalkan ka dhacda una gogol xaadhayaan muddo kordhin danbe oo ka hor imanayaa go’aamadii guddidii dhex dhexaadinta khilaafaadkii siyaasiga ahaa ee la aqbalay inaanay korodhsiimo danbe dhicin. Labada xisbi qaran UCID IYO KULMIYE waxay qaylo dhaan u dirayaan ummadda reer Somaliland, goleyaasha qaranka, culimaa’udiinka, hoggaan-dhaqameeedyada, waxgaradka, ganacsatada iyo dhamaanba taageerayaasha Somaliland guddo iyo dibadba in loo soo gurmado samata-bixinta iyo badbaadada qaranka Somaliland, dedaal weyna looga galo in doorashadaasi wakhtigeedii ku qabsoonto iyadoo lagu salaynaayo natiijadaas serverku soo saaray. Waxaanu ka digaynaa cawaaqib xumada iyo burburka ka iman kara haddii lagu guul-daraysto in doorashadaasi ku qabsoomi waydo wakhtigii loo mudeeyay, waxa gidigeen ku waajib ah in laga hawlgalo lagana hortago ciddi ku talinaysa in doorashadaasi dib u dhacdo ee horseedaysa soo dedejinta burburka dalka. Waxaanu xusuusinaynaa xisbiga UDUB iyo Madaxweynaha Somalilandba inay hore u aqbaleen kuna balan qaadeen inay ogolaan doonaan natiijada ka soo baxda serverka iyo inaanay marna hiigsan doonin muddo kordhis danbe, ummadda Somaliland waxay ka filaysaa inay oofiyaan ugana fadhidaa inay fuliyaan go’aamadaas iyo heshiisyadaa ay hore u aqbaleen, waxaanuna xasuusinaynaa mar kale go’aanka ay maanta qaataan ee arintaa ku saabsan in taariikhdu xusi doonto, Allaha awoodda lihina kala xisaabtami doono. Ugu danbayn waxaanu ka codsanaynaa goleyaasha qaranka inay gutaan xilkooda distooriga ah ee ka saaran badbaadada qaranka iyo ka hortaga burbur qarran.” Dhinaca kale, xisbiga talada haya ee UDUB ayaan wax war ah ka soo saarin arrintan, isla markaana masuuliyiinta xisbigaas oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno si aanu arrintan wax uga weydiino ayaanay noo suurto-gelin. |