Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2108 August 03, 2009                  shacbaan 12,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Xusuus Qorkii Xabsiga

Axmed Ismacil.(Ahmed Deeq).

Maqalka xabsi waxay dibnahaaga kusoo dedajinaysaa dareen baqasho,waxana maankaagu suuraynayaa dhib,rafaad,iyo mushkilado aan la soo koobi karin.Iyada oo ay taasi jirto haddana dadka qaar waxay u arkaan dhibta ka sakaw fursad qaaliya oo ay ugu ban baxaan inay qabsadaan howlo hor leh .Waxaanay dadkani ka duulaan aragti shiinays ah oo leh "mushkiladu waa furaha fekerka....Fekerkuna waa furaha aqoonta...Aqoontuna waa furaha guusha".Waxa kale oo aad markaaba isweydiinaysaa qofka maxaa lagu xidhey........,muxuuse sidaa u sameeyay ee uu sidaa u samayn waayay,waxanse kuu sheegayaa in qaraarka saliimka ahi yimaado waayo aragnimo ka dib,waayo aragnimaduna  timaado qaraar qaldan oo aad hore u qaadatay ka dib.Inaad qaldanto ceeb iyo canaan midna kuma lihid,waxaadse ku ceebaysan tahay oo doqoniimo iyo damiinimo kuu ah inaanad qaladkaagii ka faaiidaysan oo aanad garawran,gadaalna ka sixin.Akhriste  waxaan arkayaa hordhaca xusuus qorkayga oo ila sii taraaraxaya,iyo adiga oo deg degsanaya dulucda qoraalkayga,waxaanse ku leeyahay waa kane.

"shifo ku afsaar oo shar kuuma le".

Muddo badan ayuu maankayga daashadey,ka fikirka,ka wer werka iyo ku foognaanta sidii aan passporkayga dukhuuliyad ugu samayn lahaa.Si aan hawlo badan oo iga qabyo ah u dhamaystiri lahaa,himilooyin aan higsanayayna u hirgalin lahaa.Waxaan ka dhignaa shinbirka DAA,UUSka oo markuu jamaal iyo jookh isku hubsado iskuna caleemo saaro boqorka quruxda uu ka war helo nabarka aan bogsan ee bogga kaga yaala ka dibna hankiisu dabaysha raaco.

Ma yara inta barnaamijyo ii hirgalay awgood aan farxad la duuli gaadhey, waxase farxadaa riyo u rogi jirtay xusuusta passportkaa aan meherku ku oolin ee cadeysimaha ah.Haddaba si aan warankaa wadnaha igaga likaysan iskaga fujiyo waxaan talo ku gaadhey inaan hawshaa hore u galo,waxay doontaba ha qaadatee.Baahidaydu laba arin bay ahayd oo kala,dukhluuliyad iyo iqaamad.Horaase loo yidhi "dhacamo oodeed siday u kala sareeyaan baa loo kala guraa", ee waxaan ku horeeyay dukhuuliyadii,nin aanu sxb nahay iyo nin caraba baana hawsha galay oo kala tuuray,intaa ka dib waxay noqotay inaan u tafo xayto sidii aan iqaamad iyana u soo guri galin lahaa.Tiina ku dhaqaaqay oo wixii waraaq iyo saxeex loo baahnaa hadday jaamacad tahay iyo haddey meel kale tahayba soo dhameeyay iskuna diyaariyay inaan isku shubo ceelka laga waraabiyo passporada, lagana qaybiyo iqaamadaha ee "MUGAMACA".

Badiyaaba hawlaha cul culus markaan galayo waxa ii caado ah inaan qof kaxaysto.Sii ogaysiin la,aan barqadaa waxaan jiifka ka kiciyay C/raxman Ismail Cabdi, oon ku tiriyo walaalkaygii  yaraa iyo wehelkaygii rumaad,waxanan ka dalbadey inuu i raaco, isna hadal iguma soo celin ee haye iyo hawraarsan buu iigu jawaabey.

Alla ha u naxariistee Qaasim ayaa ku maansoodey "cashadii gashaba waagu waa caynad gooniya". Waxay ahayd maalin Isniina, bishuna tahay 21/06/2009,goorta aanu guriga ka soo baxnay oo ku aadanayd 10:40 barqanimo,cirka caad laguma ogayn,qoraxduna falaadheheeda oo dhinbiil ka kulul bay dhulka ku soo ganaysay,dhulkana saxmad dadeed iyo sawaxan baabuur baa bus iyo omos ka kiciyay,foolka dadka dhibco dhidid ah baa ka tifiqlaynaya,baabuurtuna ma guux iyo hoon yara.

Waxanu baabuur ka degno oo ku kaleba raacnaba ,markaanu hawl aan sidaa u sii ridnayn suuqa ka qabsanay ayaanu isku shubnay halkii hadafkayagu ahaa oo ahayd "MUGAMACA".Waxaanu gaadhney abaara 12:00 duhurnimo.Meesha ninkii tegay baa arkaye,form baa la buuxbuuxiyaa,ka dibna sarkaal shaarubyo dheer,garabkiisana garaado ku tolan yihiin baa lagu celiyaa si  uu qalinkiisa kuugu saxeexo,anna sidaa uun baan sameeyay.Form kii hadduu iga qabtay wuxuu iga dalbay passportka ,isna farta ayaan ka saaray,markaa ka dib isagii ayuu aad u baadh baadhey,dhan walba waa ka eegay, waaxanu isha aad ugu biniiniyay bartay ku taalay dukhuuliyadu,markan anigu hoosta waan ka naxsanahay isagase waan u been guurayaa oo nin caadiya baan iskaga dhigayaa,wuu kacay oo naag halkeer ka soo jeeday buu ula tegay,malahayga shikigiisa ayuu kala soo tashanayay! hadduu soo noqdayna telephone buu wacay,nin baanu dalbaday inuu u yimaado.Markan ogaadey inaan arinku wacnayn,eegayna Cabdi yare oo aan dareenkiisu wanaagsanayn ana waa la igu sii kordhey.Waxa u yimid nin oofo weyn oo markii danbe magaciisa Maxud iigu sheegay,dhegta ayuu wax ugu sheegay,waxayse ahayd passportkana hebel u gee ninkana waa iskeenee gacanta ku qabo,ninkii midigta ayuu i qabtay markaasaa iigu danbaysay Cabdi yare,waxaanan xasuustay sheeko baralay soomliyeed oo u dhignayd sidan"Orgi adhigiisa la jooga ayaa aroornimadii ku yidhi tunkayga iyo tagoogayga ku daaq oo cidna ha ka baqina,markiise galabtii la gaadhey ee dhulku soo madoobaadey riyuhuna weli isaga isku halaynayaan ayuu yidhi cabsi darteed "Giirooy dabadaa i gii gii leh", Cabdi intii hore kashka ayuu ii qaboojinayay oo ha baqin buu lahaa markayse talo faroo ka haadey buu ka huleelay halkii,wuxuuse isla markiiba la hadlay asxaabtii oo uu la socodsiiyay arintanan aan faraxada ahayn ee soo if baxday.Waxay noqotay aniga iyo nimankii la ii geeyay,waxana na kala gaadhey sheekadan....................La soco cadadka danbe.

Axmed Ismacil.(ahmed deeq).

awliyo177@hotmail.com