Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2112 | August 07, 2009 shacbaan 16,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Xoghayaha Arimaha DibedaMaraykanka Hillary Clinton Oo Sheegtay Inay Si WeynU Taageerayaan Dawladda Uu Hogaamiyo Sheikh Shariif “Sh.Shariif Oo Ka Diiday Su’aal La Waydiiyay Oo Ku Saabsan Inuu Gacan-Qaaday Haweenay Ajanabi Ah” “Dawladda Maraykanku Waxay Laba Jibaaraysaa Taageerada Ay Siiso Somalia Si Loogu Helo Dalkaasi Xasilooni” “Haddii Eriteria Ay Joojin Weydo Faragelinta Ay Ku Hayso Somalia Talaabo Cad Ayaanu Ka Qaadi Doonaa” Hillary Clinton Nairobi, August 7, 2009 (W.Wararka) - Xoghayaha arimaha dibeda Maraykanka Hillary Clinton ayaa sheegtay inay dawladda Maraykanka ka go’antahay taageerada dawladda Sheekh Shariif, isla markaana ay dawladdeedu wax kala qaban doonto dhismaha dawladda uu hogaamiyo Sheekh Shariif dhinacyada Dhaqaalaha iyo Siyaasada. Kulan maalintii shalay magaalada Nairobi ku dhex maray Madaxweyne Shariif iyo haweenayda ah xoghayaha arimaha dibeda Maraykanka oo sida la sheegay ahaa kulan Albaabadu u xidhan yahay oo aanay warbaahintu ka qayb gelin, kulankaasi alabaabadu u xidhnaayeen ayay labada dhinac isku weydaarsadeen fikrado iyo talooyin, iyada oo la sheegay in Madaxweyne Shariif uu warbixin ku saabsan xaalada dalka Somalia iyo baahida dawladdiisu u qabto taageerada Maraykanka u gudbiyey Hillary Clinton. Shir’jaraa’id oo ay kulankaasi ka dib ay wada jir u qabteen haweenayda Xoghayaha arimaha dibeda ee Maraykanku Hillary Clinton iyo Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ugu horayn Hillary Clinton waxa ay cadaysay inay dawladdeedu ay taageeri doonto dawladda uu madaxda ka yahay sheikh Shariif iyada oo arimahaasi ka hadlaysana waxa ay tidhi “Aniga iyo Madaxweyne Obama waanu sii balaadhin doonaa taageerada dawladda Somalia”, Mss Hillary Clinton waxa ay intaasi ku dartay “waxa aanu ka wada hadalnay Sheekh Shariif xidhiidhka labada dal ee ugubka ah, ujeedadayaduna waxa ay tahay in aanu gacan ka geysano sidii loogu heli lahaa Somalia Xasilooni, isla markaana ay dalalka deriska la ahi ay joojiyaan faragelinta ay ku hayaan Somalia”. Mss Clinton oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxa ay dalka Eriteria ku eedaysay inay dalka somalia ku hayso fara-gelin aan loo dulqaadan Karin, waxaana ay sheegtay inay Eriteria ay hubaynayso kooxaha Islaamiyiinta ah ee Somalia, iyada oo ugu hanjabtay dawladda Eriteria haddii aanay joojin fara-gelinta ay ku hayso somalia in talaabo cad laga qaadi doono. Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isaguna ugu baaqay dawladda Eriteria inay joojiso dhibaatooyinka ay ku hayso Somalia, isaga oo sheegay in haddii ay wax tabanayso ay miiska wada hadalka timaado “Dawladda Eriteria weli waxa ay haysataa fursad ay khaladaadkii ay gashay ay ku sixi karto” ayuu yidhi madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Kulankan labada dhinac oo ahaa mid intiisha badan diirada lagu saarayey arimaha Somalia iyo sidii dawladda Sheekh Shariif ay uga takhalusi lahayd kooxo lagu tilmaamay inay yihiin Islaamiyiin Mayala Adag oo ka soo horjeeda in Somalia dawladdi ka dhalato. Mss Hillary Clinton Xoghayaha rimaha dibeda dalka Maraykanka ayaa waxa ay ka dhawaajisay in ay laba jibaarayaan taageerada ay siiyaan AMISOM, iyada oo sheegtay in ay dawladda Maraykanku ku bixiso ciidamda AMISOM ee jooga Somalia lacag dhan ($150 Milyan), taas oo ay uga dan leeyihiin siddii ay ciidamada AMISOM ay u caawin lahaayeen dawladda taagta daran ee Somalia. Kulankan ayaa lagu tilmaamay in uu ahaa kii ugu sareeyey ee dhexmara dawladda Maraykanka iyo Madaxweyne Somalia Leedahay, tan iyo markii ay dhacday dawladdii Hore ee dalkii la isku odhan jiray Somalia sanadkii 1991-kii. Kulankan uu la yeeshay Sheekh Shariif Hillary Clinton ayaa waxa ku wehelinayey Wasiiro iyo xildhibaano door ah oo ka tirsan dawladdiisa, halka ay Clintona ku wehelinayeen masuuliyiin ka tisan wasaarada Arimaha dibeda, mudaneyaal ka tisan aqalka Congress-ka iyo Sariiro iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Maraykanka. |