Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2114 August 10, 2009                  shacbaan 19,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Dumar Waa Ninkeed Bila Iyo Ninkeed Bi’iya   Q-4-Aad

Dahabo iyo haybe waxay noqdeen reer meel yaal oo isku badhaadhay ilaahayna karajaynaya inuu caruur ugu deeqo hadaba haybe oo jeclaa inuu helo inan gaariya oo hawlkar ah oo aan ax iyo ux midna odhan oo uu intaana doobnimo ugu soo gaadhay siduu sahanka ugu jiray gabadh marwo ah aad heshid.

Hadaba hadal badane Muxuu kala kulmay haybe, dahabo?

Ilayn horaa loo yidhi ragu waa Nin naag helay iyo Nin naayaahe korodhsadaye.

Dahabo waxay noqotay marwo isgaadhsiisan oo siday gurigoodaba ku ahayd ama loogu yiqiin baro sii dheer waxay noqotay xaas walwaal, xilojano, raaswayn, dahabo waxay noqotay siduu kuriyoon jiray haybe ee waligiiba uu radin jiray gabadh tanoo kale ah waxay ku noqotay u qaadan waa iyo lama filaan haybe, waayo dahabo waxay bilowday hawlihii guriga iyo xolohiiba iyadoo aan caruuska bixin oo guntiga dhiisha gaysay kuna durdurisay hawlihii gurigeeda  dahabo siduu reerkii udhamaaba xanjeerbay dhag ku siisay ka dibna dhabarkay u ridatay, inaankii haybena eeg muun baa kasoo hadhay waxa uu moodayaa wali inuu riyoonayo oo hoostuu ka leeyahay malaa sidani dhab maaha tolow sidan malaguugu wadidoonaa?.

Dahabo waxay ahayd inan aad u dabeecad wanaagsan oo aanay cidna is diidayn yaab durbadiiba waxay is fahmeen sodohdeed oo isku milmeen ceeshow milixna noqdeen  yaab iyo amakaag gabadh iyadoon caruuska bixin sodohdeed laheshiisa lamaba arag intaa waxaa u dheerayd dahabo amaanta ay amaanayso sodohdeed markastaba waxa uu maqlaa haybe hooyadii oo aabihii kuleh “duco qabtaa illaahay afka inooga soo galiyay, alle dhawrtan oo kaleba waligay maan arag” intaa haybena wuu dhaga dhagaynayaa warkeeda markuu arkay sidan ay wax u kala wado oo waxa uu ka baadhayaa dhaliilo uqarsoni bal inay jiraan.

Hadaba  dumar iskuma jiraane dahabo waxay noqotay ninkeed bila ama kaaba oo gaari baal dheeri kataaganyahay, waxay ka bilowday aqalkeedii oo waxay bilowday maydhax soo diirkii oo durba waxay soohday xadhko buqulo ah oo ay ugu tala gashay inay ku dareeriso bahal caws ah oo isku joog ah, dhinacna waxay ka dareerisay kebad baraley ah, waxaasu waxba kuma aha oo waxay udhalatay hawlkarnimo, xilkastnimo, iyo firfircooni sidii ay gurigooda ku ahayd ee hooyadeed iyo aabeheedba ugu ducayn jireen ayuunbay kana ku noqotay oo sodohdeed iyo sodogeedba ducadii ugu miisayaan.

Dahabo intaa waxaa udheerayd dhaga nugaylka, daacadnimada iyo ixtiraamka ay ninkeeda kula dhaqanto Inanakii haybe wuu farxad dhaafay oo ilaahaybaa nasiibkiisii uwanaajiyay oo ragba intaasu dheeryahay ilayn horaa loo yidhi saddex waligaa magaadhid “ninkaa faras wanaagsan maalin galinkeed magaadhid, nin kaa beer wanaagsana sanad magaadhid, ninkaa naag wanaagsana waligaaba magaadhid” haybe markuu doobka ahaa waxaa halhays u ahayd oo markasta uu  odhan jiray “Allahayow nasiibkayga haka dhigin naq baaqsaday” oo uu uga jeeday allaahayow taan doonayo haygu guuldarayn ee iga dhig meel baadleh oo aan abid nabaad guurin oo hayga dhigin doog soo baxoo roob la’aani ku dhacdoo dabadeed baaqsada (dib u qaadha ) hadaba qofkastaba waxa uu ilaahay ka baryo ayuu helaaye.

inankii haybe waxaa uu helay dahabo oo tii uu rabay rabi uga dhigay, haybe qudhiisu wuxuu ahaa wiil raganimo badan oo aftahan ah maamuska iyo sharafta ooridiisu kamudantahayna yaqaan hadaba dahabo iyo haybe waxay noqdeen ul iyo diirkeed oo way isku badhaadheen iskuna qaboobeen wanaagii ay ku wada joogeena beeshii oo dhan waxa uu ka noqday far ku tilmaan.

Dahabo waxay ninkeeda u tahay gaashan oo raaliyo ah waxay u samayn jirtay soor damcad iyo dhadhanba leh markay u diyariso ee uu cunayana way la cuni jirtay oo ugu sheekayn jirtay ilaa intuu fandhaalka ama qaadada u danbaysa ka liqaayo oo sida caruurta yaryar loo sabaaleeyo ayay u sabaalayn jirtay iyadoo ku leh “Cun aad xaaji xubiyow xoogaysatid si aan  dadku iiga kaa ilqaadin ninkeeda waxba masiiso oo gaajuu la’maydhaq meerayaa” haybe ayaa  Oohin hoorsaday xubiga iyo kalgacalka uu u qabo dahabo awgii oo ku yidhi “marwo aniga igu halee inaan sida waraabaha wax u cuno maadamay sumcadeena iyo magacaaba kor u qaadayso cuntadaan cuno oo iga muqataa”

Ilayn horaa loo yidhi Marwo iyo ninkeed waa kuwii ismaqlee is macno oge.

dahabo iyo haybe waa laba shaqsi oo talada iyo tusaalahaba kala qaata. Waxyaabaha uu ku jeclaa haybe dahabo waxa kamid ahaa  Dahabo waxay saxartiri jirtay darmada ama saliga ninkeedu kuseexanayo, markuu ka toosana waxay isku laabi jirtay darmada, barkinta iyo huga uu huwanaayo kadib waxay ku xidhi jitay dhigdanbeeda aqalka guradiisa.

Qalinkii Nuura Maxamed Faarax [Nuura-Happ]