Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2117 | August 13, 2009 shacbaan 22,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Ururka Horseed Oo Ugu Baaqday Asxaabta Qaranka Inay Kulan Degdeg Ah Oo Lagu Maaraynayo Arimaha Jjira Iskugu Yimaadaan War-Saxaafadeed, Ururka Horseed Hargeysa, August 13, 2009 (Haatuf) - ururka Horseed ayaa madaxweyne Rayaale iyo xisbiga UDUB ee talada haya ugu baaqay inay doorkan tanaasul sameeyaan, isla markaana u hoggaansamaan go’aankii wakiiladu soo saaray doraad. Guddoomiyaha ururka Horseed Calawi Cabdi Gaboobe oo ku saxeexnaa war-saxaafadeedkan ayaa tilmaamay inay cadowga Somaliland ay qorshaynayaan inay mar uun dib u qabsadaan dalka, isagoo sheegay in loo midoobo danta dalkana laga horumariyo danta gaar ahaaneed. War-saxaafadeedkan oo dhamaystirana waxa uu u qornaa sidan:“Waxaanu soo dhawaynaynaa go’aanka ay shalay 11/08/09 soo saareen golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland ee ay ku hor joogsadeen tallaabadii guddida komishanka doorashooyinka qaranka iyo madaxweyne Rayaale ay ku laaleen diiwaangelinta dalka ka dhacday. Waxa kale oo lagama maarmaan ah in ay saddexda xisbi qaran ku xisaabtamaan duruufaha, dhibaatooyinka iyo khasaaraha aan la dhayalsan Karin ee ka jira dalkeena hooyo iyo kuwa ku xeeranba sida (1) duruufaha adag ee dalka ka jira ee madax xanuunka iyo wer werka ku abuuray bulshada dalka jamhuuriyada somaliland, gaar ahaana dhalinyarada oo ah xooga dalka oo qaar badan oo ka mid ahi ay isku biimeeyeen badaha talyaaniga iyo saxaraha Liibiya, iyaga oo raadinaya jaanis shaqo. Dadka ajaanibka ah ee buux dhaafiyey magaalooyinka dalka, ee sida sharci darada ah ku jooga, ee dhibka badan inagu haya oo aad moodo inuu jiro iswaydaar oo dadkii dhulkan lahaa ee uu ilaahay ku beerayna way ka sii qaxayaan oo way ka cararayaan dadkalana way ku soo qulqulayaan. 3. cadaawada xaasidiinta ah (faqash iyo argagixisada) ee inoo soo bu’aya ee mar kasta ka fikiraya ee hindisaya mu’aamaraadka iyo shirqoolada dhagareesan ee la doonayo in lagu wiiqo nabada, xasiloonida iyo horumarka dalka jamhuuriyada Somaliland, waxaana markhaati cad inoo ah warbixinta uu Gen:Galaal uu siiyey BBC-da shalay (doraad) 11/8/09 ee ku fashiliyey shirqoolada halista ah ee ay soo maleegeen hadhaagii faqashtii beri hore laga adkaaday oo ku riyoonaya inay mar uun dib u qabsadaan dalkii hore la isku odhan jiray somalia. Iyaga oo taageero iyo gargaarba la garab istaageen qaramada midoobay (UN), sidaa darteed, madaxweyne Rayaale iyo xisbul xaakimka UDUB waxa looga fadhiya inay doorkan iyagu tanaasul la yimaadaan oo ay aqbalaan una hogaan samaan rabitaanka shacbiga jamhuuriyada Somaliland Gebo-gabadii ururka Horseed ee gobolka Hargeysa, waxa uu ku talinayaa sidan: 1) in la raaco go’aanka golaha wakiilada ee soo baxay 11/8/09. 2) Inay hogaamiyeyaasha saddexda xisbi qaran kulan degdeg ah iskugu yimaadaan si loo maareeyo arimahan la isku maan dhaafsan yahay”. Guddoomiyaha ururka Horseed ee gobolka Hargeysa Mr: Calawi Cabdi Gaboobe. |