|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2119 | August 16 ,2009 shacbaan 25,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Madaxweyne Rayaale Oo Xilkii Ka Qaaday Xubno Wasiiro Ahaa,Qaar Kalana Magacaabay Wasiiradu Uu Eryay Rayaale Iyo Kuwa Uu Magacaabayba Waxa Ay Ka Soo Wada Jeedaan Hayb Kaliya Hargeysa, August 16, 2009 (Haatuf)- madaxweynaha somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay shaqadii ka eryey saddex wasiir oo ka mid ahaa Golahiisa wasiirada, isla markaana xilal u magacaabay shan Wasiir oo cusub, kuwaas oo buuxinaya xilalkii ay baneeyeen wasiiradaas shaqada laga fadhiisiyey iyo kuwo dhawaan iyagana xilka laga qaaday, kuwaas oo aanu hore cid ugu magacaabin. Madaxweyne Rayaale ayaa shalay wareegto madaxweyne ku soo saaray magacaabista 5 Wasiiro oo cusub, kadib markii uu xilalkoodii ka qaaday saddex Wasiir shalay, iyada oo ay hore u jireen Wasiiro uu eryey oo aanu Wasaaraddahoodina aanu cid u magacaabin, magacaabista iyo eriga xubnaha wasiiradan ayaa waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada, kaas oo uu ku saxeexanaa afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani, kaas oo u qornaa sidan : “Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Date: 15/08/09 . Warsaxaafadeed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu maanta isku shaandhayn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada, isaga oo Wasiiro cusub u magacaabay Wasaaraddo kuwo kalena xilkii ka qaaday. Madaxweynuhu, isaga oo ku dhaqmaya qodobka 90-aad, faqradiisa labaad eedastuurka JSL , isla markaana tix gelinaya ahmiyada weyn ee Wasaaradaha hoos ku xusani ay u leeyihiin dhismaha iyo horumarka qaranka, waxa uu magacaabay:- 1. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada inuu si rasmiya ula wareego xilkeeda Xasan Axmed Ducaale “Xasan Macalin” oo hore u ahaa Wasiirul dawlahaWasaaradda Arrimaha Gudaha.2. Farxaan Jaamac Ismaaciil inuu ahaado Wasiirul dawlahaWasaaradda Arrimaha Gudaha.3. Muuse Cabdi Maxamuud inuu ahaado Wasiirul dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha 4. Saleebaan Warsame Guuleed in uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga 5. Axmed Cali Warsame “Ubaxle” in uu ahaado Wasiirka WasaaraddaWershadaha. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu xilkii Wasiirnimo ka qaaday:- 1. Cabdillaahi Cali Ibraahim oo ahaan jiray Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga 2. Maxamed Saleebaan Maxamed oo ahaan jiray Wasiirka WasaaraddaWershadaha 3. Jaamac Cabdillaahi Nuur “Haybe” oo ahaan jiray Wasiirul dawlahaWasaaradda Macdanta iyo Biyaha. Madaxweynuhu waxa uu ku amray Wasiirada cusub ee xilka loo magacaabay inay sida ugu dhakhsaha badan xilka ula wareegaan. Alla Mahad leh.war saxaafadeedka Madaxtooyada ayaan lagu sheegin sababta Wasiiradan xilka looga qaaday iyo magacaabista Wasiiradan cusub toona, iyada oo dhamaan Wasiirada uu Madaxweyne Rayaale eryey iyo kuwa uu magaacaabayba ay isku beel keliya ahaayeen. Isku shaandhayn uu golaha Wasiiradiisa ku sameeyo Madaxweyne Rayaale ayaa ahayd mid xilligan la filayey, hase yeeshee lama filanayn tan uu shalay sameeyey oo kale, taas oo ay dad badani aad ula yaabeen, waxaana dadka arimahan ku dhaw dhawi ay tibaaxeen inaanay isku shaandhayntu ku ekeyn intan oo keliya, balse ay ku dabo jiraan xubno kale oo ka mid ah golaha Wasiirada oo iyaguna waayi doona xilalkooda maalmaha soo socda. Isku shaandhaynta Madaxweyne Rayaale ku sameeyey golahiisa Wasiirada ayaa ku soo beegantay xilli uu dalka ka jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya axsaabta siyaasada, kaas oo ka dhashay laalistii Komishanka Doorashooyinku laaleen diiwaangelintii codbixiyeyaasha. |