Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2120 August 17 ,2009                  shacbaan 26,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Ku Sababeeyey Laalista Diiwaangelinta In Qof Kali Ahi Uu Qaatay Soddon Kaadh

Hargeysa, August 17, 2009 (Haatuf) - Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil (Cirro), ayaa shacbiga uga digay wax uu ku tilmaamay Banaan bax sharci darro ah oo ay iclaamiyeen xisbiyada mucaaridka ahi.

Wasiirku wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu galabta ku qabtay Waraasaradiisa, waxa kale  oo uu taageeray go’aankii Komishanka doorashooyinku ku laaleen diiwaan gelintii oo uu tilmaamay inay fashilantay.

Md. Cabdilaahi Cirro oo ka hadlayay banaan baxa la sheegay waxa uu yidhi “Xisbiyada mucaaridka ahi waxay ku dhawaaqeen banaan bax maalinta Salaasada ah, ku dhawaaqidoodana waxa la socday erayo hanjabaad ah oo dadka lagu amrayo inay maalintaasi  Meheradahooda xidhaan, waxaan leeyahay dadku meheradahooda iyagaa u xor ah isagaana xidhana kara furana kara oo xaq u leh taasi waxa ka dhadhamaysa inay nabad gelyo xumo ka soo socoto, mar haddii banaan bax aan sharci ahayn ama aan ogolaansho haysan oo illaa imika aanay nala soo socodsiin Anagoo Wasaaradii Arrimaha gudaha ah, waxaanu go’aansanay inaanu dadka uga digno mudaharaadkaasi ay ku baaqeen xisbiyada mucaaridku inuu yahay mid aan sharci ahayn oo dadweynuhu aanay ka qeyb gelin meheradahoodana ay haystaan. Nabad gelyada doonaya inay khalkhalka ku abuuraan.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha wuxuu sababeeyay waxyaabaha Komishanka doorashooyinku ay u laaleen diiwaan gelintii codbixiyeyaasha, waxaanu yidhi “Maxaa Komishanka doorashooyinku ay u yidhaahdeen doorashada Madaxtooyada diiwaan gelin la’aan ha lagu galo. Ee xukuumaduna ugu raacday, markii Komishanku ay arkeen khaladaadkii ka soo baxay Server-kii kala shaandheynayay macluumaadka diiwaan gelinta ee Interpeace gacanta ku haysay fashilay ee ay is-diiwaan geliyeen carruur yar yar, markii la arkay in khaladaad ka soo baxay diiwaan gelintii oo dadka qaarkood ay qaateen 30 kaadh, xukuumad ahaan sidaasi ayaanu ugu raacnay komishanka in la laalo diiwaan gelintii codbixiyeyaasha, oo la galo doorashada madaxtooyada 27-ka September oo aanaan diyaar u ahayn in dib loo dhigo, oo wixii calafkayaga ah aanu qaadno.”

Md. Cabdilaahi Cirro, wuxuu axsaabta mucaaridka ah ku  tilmaamay inay ka baqanayaan doorashada madaxtooyada waxaanu yidhi “Waxaan u arkaa  nin aan isku kalsoonayn oo kalsooni darro hayso, wuxuu awalba odhan jiray diiwaan gelin la’aan ha lagu galo maanta haddana inuu hadal ka keeno. Xisbiyada  mucaaridka ahna waxaanu ugu baaqaynaa inay ka soo qeyb galaan doorashada. Dadweynahana waxaan la socodsiinayaa inay arkaan khaladaadka ku jira diiwaan gelinta, waxa doorashadana ku soo bixi doona ninkii calaf ku leh.”

 “Waxa aynu walaalaheena Somalia ku dhaafnay ee aynu halkan ku soo gaadhnay waa nabad gelyo, nabadgelyaduna  dadka oo dhan iyo dalka oo dhan ayay dan u tahay, waxaan leeyahay nabad gelyada ha la ilaaliyo. Nabad gelyo xumo haddii ay dhacdo qofna sharaf yeelan maayo,”ayuu yidhi Md. Cabdilaahi Cirro.

Waxaanu Wasiirka Arrimaha Guduhu soo bandhigay nin sheegay inuu is diiwaan geliyay in ka badan 30 jeer, oo Wasaaradaasi u keenay kaadhadhkii uu qaatay ee codbixinta doorashada.

S: Wasiir, Banaan baxa aad sheegtay inay xisbiyada mucaaridka ahi ku dhawaaqeen ee aan la idin soo ogaysiin, Miyaanu banaan baxu ahayn mid dastuuri ah oo sharci ah?

J: Banaan bax marka la samaynayo inuu qof kastaaba yidhaahdo banaan bax ayaan samaynayaa oo waan iska soo dhaqaaqo, Dastuurku wuxuu sheegayaa qodobo ka hadlaya qaabka banaan baxa.

Dastuurkeenu wuxuu inoo ogolaaday banaan bax waa wakhtima iyo tiradee? Waxyaabo badan baa ka dhiman, Marka aniga Xisbi igu yidhaahdo waxaan dhigayaa banaan bax, waa inuu Wasaarada yimaadaa dadka banaan baxa doonayaa oo aanu ka wada doodnaa damaanadi ay timaado.

S:Wasiir, Wasiir Faysal Cali Waraabe oo carruurtiisa iyo qoyskiisu degan yihiin Finland wuxuu dhawaan Madaxweyne Rayaale uu ku eedeeyay inuu carruurtiisii dhoofsaday, banaan baxana isagaa iclaamiyay maxaad arrintaa ka leedihiin?

J: Faysal  carruurtiisu waxay joogaan Finland isugana wuxuu haystaa Baasaboor Finland ah markaa inuu qof kale wax ka sheego oo uu yidhaahdo hebel baa carruurtiisii meel u raray, oo wax uu isagu ku  sugan yahay dad kale ku eedeeyo, waliba baasaboor ajanabi ah kuma ogin carruurta Madaxweynaha.

Wasiirka arimaha guddaha oo ay wasaaradiisu ka masuul ahayd ilaalinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha, isla markaana ay fuliso cidda khilaafta shuruudaha uu xeerka diiwaangelintu u ogol yahay in lagu qaato kaadhka Aqoonsiga iyo ka codbixiyeyaasha ayaa shalay Saxaafadda hor keenay nin uu ku sheegay inuu qaatay 30 kaadh kalidii, iyada oo ay ahayd in qofka caynkaas ah ay talaabada sharciga ogol yahay ka qaado oo la hor geeyo hay’addaha awooda u leh ayaa ceebta wasaaradiisa ku xeeran ku sababeeyey in diiwaangelintii codbixiyeyaashu ay u fashilantay arimahaa darteed.

Sida uu dhigayo xeerka diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee 37/2007 qof ka qaata hal kaadh wax uu xeerkaasi jidaynayaa in lala tiigsado sharciga, iyada oo lagu qaadayo xeerka ciqaabta.