Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2125 | August 23 ,2009 Ramadan 02,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Furaha Quluubta Siiradii Rasuulka (SCW) Waa buug magaciisa la yidhaahdo “Furaha Quluubta”, oo uu qoray Qoraaga reer Somaliland ee Maxamed Xaashi Cismaan, waxaanu Buuggani ka hadlayaa Siiradii Rasuulka {SCW), islaamka ka hor iyo jasiirada Carabta. Haddaba Buuggan oo sannadkii hore ee si taxane ah ugu soo baxay wargeyska Haatuf ayaa codsi nooga yimid akhristayaasha iyo bilowga bisha Barakaysan ee Ramadaanta awgood aanu dib idiinku soo daabici doonaa qaybihiisa wargeyska Haatuf, haddii Eebe Idmo oo uu si xidhiidh ah ugu bixi doono. Qaybtii 1aad MUHIIMADA BARASHADA SIIRADA RASUULKA SCWNebinimadu waa deeq iyo hibo uu Ilaahay bixiyo oo aan lagu noqonin dedaal iyo kasbasho toona, balse waxa weeye xikmadda iyo garashada Alle inuu ka soo saaro halkii uu doono iyo ciduu u garto. Nebi Muxammedna SCW wuxuu u doortay inuu Risaaladda u qaado Caalamka oo idil, kiisa madoow, kiisa cad, insigiisa iyo jinkiisa, una doortay inuu qaado diin dhamaystiran. Kuna soo afjaray Risaaladdihii samooyinka, kana dhigay kii u dambeeyey Nebiyada iyo Rusushaba, iyo inuu ahaado qoraxdii hanuunka kelidii ilaa inta samadu dildilaacayso ee xidiguhuna daadanayaan ee samada iyo arlada loo bedalayo si kale. Ilaahayna wuxuu Nebi Muxammed SCW u soo igmaday farayna inuu ina soo gaadhsiiyo ammaanadii loo soo dhiibay, loomana wada qeexin isaga jidkii uu u raaci lahaa gaadhsiinta, iyo ilaalinta baaqiisaba, inkastoo dusha laga hagayey. Waxaana isaga loo dhaafay garashadiisa iyo dedaalkiisa qaabkii u hawsha u dhigi lahaa, soo degista waxyiguna muu xidhiidhsanayn oo qaybiba marbay soo degaysay muddo saddex iyo labaatan sanno ah. Qayb walibana waxay gaar ku ahayad arrin markaa taagnaa hadday tahay qirida Alle kelinimadiisa, sifooyinkiisa, iyo qaabka loo caabudayaba. Nebi Muxammed SCW wuu ina soo gaadhsiiyay Risaaladdii, waanu inoogu baaqay; wuuna hantay gudbintii baaqiisa iyo xorriyada baaqyahanadii asxaabtiisa. Wuxuu noqday hoggaamiyihii Ummda Islaamka, abbaanduulihii halganka, Janankii jihaadka iyo Macalinkii waxbarashada. Wuxuu dejiyey nidaamkii oo dhan min qoyska ilaa bulsha weynta wada shaqayntooda, isku xidhnaanshahooda iyaga iyo ummaddaha kaleba. Waxa uu nidaamyadaasi oo dhan ku dhisay sinaansho iyo caddaalad. Wax qabadkiisii oo idil waxa ku dheehnaa kana muuqday xikamad dareen firfircoon leh, go'aan qaadasho awood leh dhammaan wixii ka soo baxayey. Waxa ka soo booday ilihii cilmiga iyo garashada, ilihii aftahanimo ooy ka yaabeen madaxdii aftahanadu haybadiisii markay hor yimaadeen. Wuxuu arlada yimid tiiyoo wax waloo xun oo caqligu sawiri karo la samaynayo, dulmi iyo baaddilna laga gaadhay heerkii ugu sareeysay, Sanamyo farabadan oo Ilaahyo laga dhigayaana ay Jasiiraddii Carabta buuxiyeen, ilaa gudihii Kacbada. Waxaanu adduunyada ka tegay isagoo raalli ka ah hawshiisii raallina Ilaahay ka ah, iyo Muslimiintiiba. Markaasi halgankiisii muddada gaaban ahaa ee aanu habeen iyo maalin toona ka nasanin iyo midhaha uu dhaliyayba waxay ku jirtaa Siirada Nebiga SCW. Halgankaasi iyo dhacdooyinkiiba waxay u baahan yihiin barasho intii aad kartidna ku noqnoqotid Siirada Nebiga SCW. Barashadaasi waxay kuu furaysaa indhaha, laabta iyo dareenka caqligaba. Ilaahayna markii uu u soo diray Nebi Muxammed SCW inuu hanuuniyo caalamka, wuxuu dhanbaalkiisii ku soo daray Aayado iyo qodobo u furaya laabta ilaha garashada oo ay ku dhanyihiin wixii hore ee jiray iyo waxa imanayaaba. Barashada Siiradiisu waa furitaanka dhegaha, iyo kobcinta garashada maskaxdaba. Waxay ku baraysaa raad wal oo uu dhigay Rasuulkii SCW intii uu adduunyada joogay, Aayad waliba goortay soo degtay iyo goobtay ku soo degtay. Quraankana wuxuu Ilaahay SWT ku soo dejiyey qalbigiisa, waana Kitaabkii Rabbiga Caalamiinka ee loo soo diray qof kasta oo uu nolol ku soo gaadhay Jin iyo Insiba, si uu ugu toosiyo khayrka, uguna ilhaamiyo jidka hanuunka. Quraanku waa ruuxii Islaamka iyo maadadiisa. Aayadihiisuna waa sharcigii distoorkiisa iyo hordhicii dacwaddiisa, Ilaahay baana kafaalo qaaday ilaalintiisa. Sidaasi ayey isaga ugu dhan tahay xaqiiqada diintu, loona qoray inuu waaro weligii. Qofkii uu Ilaahay u doortay inuu gaadhsiiyo Aayadihiisa oo uu qaado Risaaladdiisa, wuxuu ahaa "Quraan" nool oo dadka dhex soconaya. Wuxuu u ahaa tusaale waxa uu Quraanku sheegay ee ah Iimaan, halgan, Jihaad, Xaq, Fiqhi iyo caddayn. Markaasi waxa weeye in hadaladiisa ficilkiisa go'aanadiisa, akhlaaqdiisa, axkaamtiisa, iyo dhinacyada noloshiisii oo idil lagu tiriyo tiir ka mid ah diinta, iyo shareecada. Siirada Rasuulka SCW waxaad ka baranaysaa noloshiisii min dhalashadiisii, soo diridiisii ilaa dhimashadiisii, nasabkiisii iyo dal ahaan halkuu ka soo jeedo. Waxa uu ku dhashay agoonimo rajaynimona way uga dambaysay, haddana tarbiyada iyo barbaaridiisuba waxay ahayd mid dhammaystiran. Waxa uu ku caan noqday run sheeg, caddaalad, akhlaaq wanaag, kana reeban nooc kasta oo xumaan ah. Sidaana waxa marag uga ahaa dhammaan dadkii yaqaanay soo diristiisa ka hor, kuwii rumeeyay isaga iyo kuwii ka kufriyayba. Laguma garannayo Nebiga SCW oo laguma sheegin wax ceeb ah hadday tahay odhaahdiisa, ficilkiisa, iyo akhlaaqdiisaba. Lagumana hayo oo may dhicin been, dulmi, iyo xumaan uu weligii sameeyay. Waxa ku dhammaa wanaag oo idil abuuridiisa, suuradiisa iyo ficilkiisaba. Waxa uu ahaa ummi aan waxna qorin waxna akhriyin, qoladiisuna ma garannayn waxay garannayeen reer Kitaabka Tawreed iyo Injiili. Ma uu akhriyin wax cilmiga dadka ah lamana fadhiisan cid u ehel ah. Mana sheeganin Nebinimada ilaa Ilaahay SWT u dhamaystiray afartan sanno. Dabadeedna wuxuu la yimid arrin noqday kii ugu layaabka badnaa arrimaha uguna weynaa, iyo hadal aanay maqal kuwii hore iyo kuwii dambeba ku la mid ah. Waxa uu sheegay arrin aan ka sugmin dhulkiisa, qoladiisa, jirinna cid garannaysaa ku la mid ah. Lama garannayo hortii iyo dabadii toona casri casriyada ka mid ah cid la timaada wuxuu la yimid, iyo cid shareecad ku baaqda ka dhammaystiran shareecadiisa. Diintiisu sida ay uga guulaystay diimihii kale haday tahay muddadeeda oo ka yarayd kuwa kale, kuna kor martay xoog iyo cilmi ahaanba. Waxa raacay oo ugu hor rumeeyey kuwii raaci jiray Nebiyadii horeba oo ahaa kuwa ugu jilicdasan dadka, waxaana beeniyay madaxdii talinaysay oo colaadisay doonayna dilkiisa sidii ay ku samayn jireen Nebiyadii horeba. Kuwii raacay kumay raacin hanti uu haystay in uu siiyo iyo xilal uu u dhiibay toona, waxayse ku raaceen Aayadihii uu la yimid oo laabtooda ka fayday daahii mugdiga, indhahoodiina ku arkeen iftiinkii xaqa. Manay haysan seef keliya ee seefaha, xoogga, iyo hantiduba waxay la jireen cadowgooda ka soo horjeeday baaqa. Kuwii Nebiga SCW raacay waxa ay gaaladu u dhibeen nooc kasta oo wax loo dhibo, iyaguna way samrayeen una adkaysanayeen qaab kasta oo loo dhibo, oo aanay ka noqonin caqiidadoodii ka dib markii macaanka Iimaanku iyo garashadu ku sugmeen laabbahoodii. Lasoco qaybta 2aad |