Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2125 | August 23 ,2009 Ramadan 02,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Gelbis (1975). Abwaan Cali Xasan Adan (Banfas)
Gabeygan oo la magacbaxay Gelbis, waxa uu ku saabsan yahay habka guurka ee dhaqanka Soomaalida ee miyiga. Waxaana uu soo baxay sanadkii 1975kii markaasi oo uu abwaanku kaga qaybgaley tartan faneed balaadhnaa oo ay ka soo qaybgaleen dad aad u tiro badan oo gabya, waxaana tartankaasi magaciisu ahaa “Bandhiga Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed”, oo loo soo gaabiyey (BANFAS), waxaana uu abwaanku tartankaasi ka galay kaalinta koowaad. Waana sida ay ku timid naaneysta abwaan Cali Xasan ee ah Banfas. Gabeygii Gelbis waa kan: Marbaa geedi loo rari abaar geli habaas weyne; Mid halkuu gugii degaa mid kale deyrta gelayaaye; Ganuun ceel la fuuqsadaybaa mid kale dib u galshaystaaye; Hadba tuu Ilaah kugu galado gabadhi weeyaane; Nin kastaa miduu Gaasirow galab la haasaawey; Niyadiisu ay gow ku tidhi gooh u ladi waaye; Guurkeenu waa laba dariiq oo is garabyaalle; Waa gabadh la qaadiyo miday guurti bixisaaye; Guurtidu miday bixinaysaa geedka loo tagiye; Garcadaawe maahee shir waa gogoldhigiisiiye; Gadhweyntaba gadhweyn kale ayaa laga horgeeyaaye; Gole-baanistay heeti wali, gaafo hadashaaye; Ooy nimanku geeraarayaa, gabay ku sheegaane; Geel kagama joogsado ninkii caashaqeed galaye; Waayeel gadaal dhawrayaan, garabkku siineyne; Hadday lexejecladu geestahoo, la is afgaran waayo; Ama gabadh ka weyn lagu xidhiyo gaban horaan siiyey; Oo gabadhu wey doonantahay gawska ku adkaysto; Ama xeer gu’yaal hore soo taxnaa loo gu tirinaayo; Garta lagu xabaashoo, halkaa la is-girgirin waayo; Inankii gabiin iyo xanuun, laba gardaymooye; Inantiina goob kale ayey, geydha la qabtaaye; Kala gurashadoodiyo faqay, gees ka garataaye; Marka uu wax garadkii hadlo, eey talo go, aan joogto; Inta gooni loo kala baxaa, la is gun xaadhaaye; Garowshiinyo la iskula noqdaa, oo goddob la baajaaye; Soomaali waa gibin cidii, dhaqan ku gaadhaaye; Ducadiyo gabaatiga, markii la isku gacan qaado; Inankii gu’ddoonsaday, xileyn guudka laga saarye; Waa gob iyo caadkeed, iney gabadha hooyaane; Soddohdiina guubaabaday, dumarka gaadhsiine; Gol dalooladaa alag jiraa, gacalku taageerye; Maro goodi dheeriyo, xariir lagu gadaamaaye; Subaggeenii guunyada, iniin ugu galaalaane; Gadaal iyo hor baa laga maraa, labada goonyoode; Gaban loo xanbaarshaa, oo lagu gardaadshaaye; Gelbis iyo damaanshaad, aroos loo gimaamadiye; Gujiyee mid kale ayaan idin garwaaqsiinne; Gabadhii la qaadana, haddaan idin garwaaqsiine; Hadduu guunyo badan waayo, uu goosan kari waayo; Gidhligiyo gammaankoo lamadan, golaha keeneynin; Yaradkuu ka gabangaabsadaa, geed-fadhiisiga e; Kiiyoo Faygamuurtii sitiyo, laba go’oo maydhan; Dabadeed is gaaf-gaafayoo, ganafka taagaaya; Gaashaanka iyo Tooridiyo, Gamas intuu qaato; Geyiguu ka soo xulan, miday gobodu saarneyde; Ganaaniyo Galduur, iyo Nugaal Aradka Gaaroodi; Gadhka Seylac Geeskaa bariyo, Gaarisiyo Faafan; Hadii aan galbeed uga rogoon, Herer ku gaadhsiiyo; Gedh ilaa gedaankaa, ayuu gaadhka soo marine; Haddii guuto loo wada degiyo, jeesas kala gaar a; Gabal kama tegaayoo, dhulkuu galalafaayaaye; Sidii gaadaweynoow Libaax, guura bahaleeye; Hadduu gego banaan kula kulmiyo, garengar hoosteeda; Wuxuu gacanta soo qabanayaa, timo gamaanleye; Marka ay la garatay dharkiyo guran hugeediiye; Gaagaabsi baa loo dusaa, gaatin caarada e; Gigta jaanta bay dhowrayaan, geelu yuu didine; Geh haduu yidhaa ruux qufacay, wey gabanayaane; Muska giringirtiisiyo hadhkay, gudub u raacaane; Raadkooday gadayaan, hadhow yaan lasoo gurine; Kayn laba markii laga gudbee gaydhu kaba duusho; Guclo orod baa la holadaa, amase gooshaashe; Gelin reerka laga jiitaybay, socod gelaayaane; Geshigaa ninkii lagala tegay, raacdo waw geliye; Goor ay noqoto daynbaa u maqan, waase gudayaaye; Geli awdan geedo isku baxay, webiyo gaafkooda; Garbadiyo xeeliga Yaxaas gacanka soo raacay; Jeertuna gadoodaysooy, gurayso raadkooda; Wiyil geesleh gaatame Biciid, Goray hadaafaaya; Goodir xaradhleh Garanuugta, iyo Geriga dhaadheerba; Goosan Farow ah Doofaaradoo garab ka daaqaaya; Qarandida guclaynaysa ee gudub u rooraysa; Gantaashiyo Qodxaanyada Dhidada gaar u fidhimeystey; Coofaadhka gabangaabsaday, ee guladka buuraaya; Gurdankiyo qoobkaba, dhirtoo wada gariiraysa; Maroodiga dhex gaardiyiyo, goosha iyo aarka; Shabeel giir leh gunafaa dhurwaa, Harimacad guuxaaya; Golli Dacawo weer gaaban iyo, Dhidar garmaameysan; Guduudane cas, guluf iyo guuto amayaal ah; Mas gurguurta Good iyo Abees gulangulcaynaaya; Godka halaqa Goodaadadiyo, Bahalo guuraaya; Raq geylaansan, Haad soo gab yidhi, gaydhankiyo boodhka; Gorgor kacaya guumeysta iyo salamadh geesaas ah; Xuul galuuban geedaha saroo, guudka kaga joogta; Gocondhada iswadahaysatiyo, mici gabaarayda; Guulaamo roob soo onkoday, galowga ooyaaya; Gudooduu la soo jiidhayaa, go iyo haydaare; Marka lala galbado bay, haween galangalcoobaane; Ama kabuhu gooyaan, ooy socodka gaabshaane; Gaargaariyaan ooy kelyaha, gacanta saaraane; Gurmad qeylo-doon ah iyo kiiyoo gulufka yaabaaya; Fulahaa gariiroo yidhaa, lagugu soo gaadhye; Geesiga si loogala hadhaa, waa mid soo gudhaye; Hadii galowda warankaad ogayd, haanka lagu gooyo; Isna wuxuu galaaftaba, rag waa is garab-dhigaayaaye; Isagoo gedaa filanaya, iyo inuu ku guulaysto; Ma gabado’e Faadumo, ayuu soo hadhgeliyaaye; Gaagaa ku haasaawiyaa, gaajo yey tebinne; Googaa iyo cigalee, tiiyoo La Soco……………….. |