Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2131 | August 30 ,2009 Ramadan 09,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Xukuumadda Oo Awood Ciidan Oo Sharciga Baal-Marsan Ku Faro-Gelisay Hawl-Maalmeedkii Golaha Wakiilada “Waxaanu Ummadda U Sheegaynaa In Golihii Ay Soo Doorteen La Qabsaday,Taliyaha Bilaysku Wuxuu Nagu War-Geliyey In Ciidanku Haysto Amar Naga Sareeya”Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Hargeysa, August 30, 2009 (Haatuf)-Xarunta golaha wakiilada ayaa shalay subaxdii lagu waabariistay iyada oo ay ku gedaaman yihiin Ciidamo xoog leh oo bilays ahi, taas markii danbe sababtay in hawlmaalmeedkii golaha wakiiladu uu socon kari waayo, kadib markii ay Ciidanka bilaysku ay diideen inay golaha ka horjoogsadaan mudanayaal lix ah oo anshax marin lagu sameeyey, kadib markii ay dhawaan ku kaceen rabshad golaha dhexdiisa, kuwaas oo laga ganaaxay inay muddo saddex maalmood ah dibadda ka joogaan fadhiyada golaha wakiilada. guddoomiyaha Golaha Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa fadhigii shalay ku wargeliyey in mudanayaasha la anshax mariyey ay ka baxaan madasha fadhiga, taas oo mudaneyaashaasi oo madasha ku sugnaana ay diideen inay ka baxaan fadhiga, ka dibna uu guddoomiyuhu guud ahaanba ku dhawaaqay inuu xidhan yahay fadhigii goluhu, iyada oo xarunta golaha Wakiilada shalay subax la soo dhoobay ciidamo tiro badan oo bileys ah, waxaana xarunta golaha hortiisana isugu soo xoomeen dadweyne faro badan oo taageerayey shirguddoonka iyo xildhibaanada golaha oo ka biyo diidanaa ciidamada ay xukuumaddu soo dhoobtay xarunta Golayaasha Baarlamaanka. Guddoomiyaha golaha Wakiilada Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo guddoominayey fadhiga shalay ayaa furitaanka fadhiga waxa uu ka xaadiriyey lixda mudane ee la anshaxmariyey oo kala ahaa 1:Md:Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Xoog 2. Cali X. Maxamed Muuse 3.Xuseen Ismaaciil Yuusuf 4. Aadan X. Diiriye Dirir, 5.Axmed Xasan Wayse cadde 6. Maxamed Baaruud Shide Isaga oo Guddoomiyuhu uu ku amray in fadhiga golaha ay ka baxaan, maadaama muddo saddex cisho ah laga mamnuucay fadhiyada golaha, hase yeeshee mudanayaashaasi waxay kaga jawaabeen inay Saliga nabiga ka dhex qaadaan golaha dhexdiisa oo ay ka shalaadaan. Intaa ka dibna waxa uu guddoomiyuhu si rasmiya ugu dhawaaqay in fadhigu xidhan yahay, iyada oo Intaa ka dib, ay shirguddoonka golaha iyo xildhibaano ka tirsan goluhuba ay dibadda ugu soo baxeen dadweynihii hor tubnaa golaha hortiisa, taas oo ay dadweynuhuna socod ilaa Cisbitaalka hortiisa ah ay u galbiyeen shirguddoonka iyo xildhibaanada, iyagoo ku dhawaaqayey weedho ay ku taageerayeen shirguddoonka iyo xildhibaanada. Guddoomiyaha golaha Wakiilada Md:Cabdiraxmaan Cirro oo dadweynaha khudbad kooban uga jeediyey barxadda golaha hortiisa ayaa waxa ka mid ahaa hadaladiisii ‘ saaka (Shalay) oo aanu lahayn fadhi caadi ah, waxa lana soo dul dhigay ciidamo tiro badan oo bileys ah oo aanan dalban oo amarna aan naga qaadanayn ayaa la keenay xarunta golaha arintaas aad baanu uga xunahay fadhigii aanu maanta( shalay ) yeelan lahayna wuu noo suurogali waayey, shacbigana waxaanu ku wargelinaynaa in golihii Wakiilada ee ay soo doorteen maanta la qabsaday”ayuu yidhi guddoomiyaha Golaha Wakiiladu. Intaa ka dib waxay shirguddoonka golaha Wakiiladu soo saareen war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan ciidamada la soo dhoobay iyo waxyaabaha baajiyey fadhigii goluhu u balansanaa, waxaanu u qornaa sidan “Saaka (Shalay) oo Sabti ah (29/8/2009) Waxa Golaha Wakiilada JSL waxa uu lahaa fadhi caadi ah. Waxa jirtay in Goluhu anshax mariyey lix (6) mudane oo hanaan socodka shaqada Golaha khalkhal geliyey 24/8/2009. Anniga oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada waxaan amray ciidanka booliska in aanay lixdaas mudane u ogolaan soo gelidda fadhiga Golaha saddex (3) maalmood. Waxa yaab iyo amakaag nagu noqotay in Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland nagu wargeliyey in ciidanka boolisku amar naga sareeya ku haystaan inaan Golaha laga celin lixdaasi mudane lana fulin amarka Guddoomiyaha ee ka joojinta Golaha. Waxa taliyuhu noo soo jeediyey inaan la hadalo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Madaxda Sare. Waxa kale oo saraakiisha booliska iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland naga codsaday in Body Guards gaarka u ah shirguddoonka ka baxaan dhismaha Golaha oo kadinka laga soo galo ku sugaan shirgudoonku marka uu shaqada ka baxayo. Taas oo ah arrin cusub oon hore u dhicin. Hase yeeshe, markii aan ka wada hadalay Taliyaha arrintan waxaan isku waafaqanay in Body Guards joogaan gudaha dhismaha Golaha. Waxay u muuqataa ciidanka Booliska ee la keenay Golaha in la soo siiyey lixda mudane ee la anshax mariyey si ay khasab ugu soo galaan Golaha. Ciidankan Golaha la keenay maaha mid amar ka qaadanaya Guddoomiyaha iyo Shirguddoonka golaha oo ka mas’uul ah amaanka Golaha. Taasina waa arrin burburin karta Qaranimada iyo jiritaanka Somaliland khalkhalna gelin karta amaanka Somaliland. Waxaan shacbiga Reer Somaliland u sheegaynaa in golihii ay soo doorteen ciidan qabsaday. Waxay iska hortaageen saxaafadii iyo dadweynihii martida ahaa. Markii aan u soo jeedinay ciidanka in xildhibaanada laga baadho hub si loo sugo amaanka golaha way diideen, taas oo shaki gelin karta in sababta ay u yimaadeen Ciidanku Golaha ay tahay sugida amaanka.” Sidoo kale waxa la xidhay waddada hor marta madaxtooyada iyo golaha horteeda, iyadoo gaadiid iyo lugba loo diiday inay maraan, waxaana shalay ciidamadaasi galaafteen oo la xidhay inta la ogyahay Cabdilaahi Xasan Budul iyo Ibraahim Cabdiraxmaan Qaasim oo ka mid ahaa Suxufiyiintii shalay ku sugnaa xarunta golaha Wakiilada, balse waxa la soo daayey goor dambe oo habeenimo ah, sidoo kale waxa la xidhay kormeere wasaarada waxbarashada ka shaqeeya, isla markaana caan ku ah waxbarashada Mr: Xasan Qaxar, taas oo si weyn ay ciidamadu ugu tunteen isagoo markaa ku socday wakaalada biyaha oo uu lacagtii biyaha ku soo bixinayey, iyadoon la garanayn sababta macalinkaas loogu tacadiyey, waxaana lacagtii iyo Mobilekiisiiba ay markii la garaacayey ugu dambeysay, waxaanu qabaa dhaawacyo jidheed iyo burbur ay u geysteen ciidamada bileysku. wararka ayaa waxay sheegaeen in ay bilaysku tiro dad ah ay xidh-xidheen, kuwaas oo ay ka qabqabteen agagaarka xarunta golaha Wakiilada. Talaabadan ay xukuumadu Ciidamada ku dul dhigtay Golaha Wakiilada ayaa noqotay mid aan hore u soo marin Somaliland, waxaanay u muuqataa mid ay xukuumada Rayaale ku burburinayso Golaha Wakiilada oo ah Hay,adda keli ah ee haysata kalsoonida dadweynaha, marka loo eego golayaasha kale ee dawladda oo ay dhamaadeen muddadii la doortay. |