Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2009 April 09, 2009                  Rabiicul Thaani 13,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Ciidamo Ka Goostay Puntland  Oo Isu Soo Dhiibay Somaliland

Wararka aanu ka helayno Xarunta Madaxtooyadda Garowe ayaa wax ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan Ilaalada Madaxweyne ku Xigeenka Puntland ay saakay la goosteen gaari qori saaran yahay.

Gaarigigaan oo sida la sheegay ah Nooca uu saaran yahay Qoryaha Dagaalka ayaa wax uu maantay Barqanimadii gaaray degaanka Taleex oo Garowe dhanka Waqooyi kaga Beegan .

Gaarigaan oo ay saaran yihiin Tiro 9 Dhalinyaro ah oo intooda badan ahaa Ilaada Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa wararku sheegayaan in tani timid ka dib markii ay doorbideen in ay ka baxaan Nolosha Aadag oo ay ku jiraan.

Halka warar kalena sheegayaan in Goosashada Dhalinyaradaan ay timid ka dib Muran Xoog badan oo maalimihii ugu dambeeyay ka taagnaa Xarunta Madaxtooyadda oo xataa ay dhacday Dhawaan in Mar Madaxweyne Ku xigeenka loo diido in uu gudaha u galo xarunta.

Taliyaha Ciidankaan Hogaaminayey ayaa waxaa lagu sheegay in lagu magacaabo Madoobe isla markaana uu ahaa Taliyaha gaarka ah Madaxweyne ku xigeenka  C/samad Cali Shire.

Ciidankaan oo gaaray Taleex ayaa wax halkaas ku soo dhaweeyay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Somaliland oo mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa Taleex kaas oo sida la sheegay lagu magacaabo Col.Cali Baale.

Col.Cali Balse ayaa Mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa Taleex isaga oo halkaas ka waday Qorshayaal uu doonayo in uu Maamulka Soomaaliland ay gacanta ugu dhigaan degaano kale oo ka tirsan Puntland.

Laakiin Arimahaan oo jira oo dhan ayaa haddana Maamulka Faroole weli wax ay ku Mashquuleen Bosaso oo ay awoodi kari waayeen in ay xasiliyaan ka dib Markii ay soo Baxeen Hogaamiyeyaal cusub oo sheegnaya in ay iyaga ka taliyaan Bosaso.