Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2011 April 12, 2009                  Rabiicul Thaani 16,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Waa Naxli Fogaadey Iyo Xanuun Dhoof Dalka Ku Yimi!!!!!!!!.

Muj. A.S.Botan.

Waxaan hambalyo iyo boggaadin u dirayaa Saxaafadda badaxabannaaan dhammaantood, weliba kuwa ku shaqeeya Nidaamka War-sugnaanta iyo Eexla'aanta. Kuwa aan ugu jeclahayna waxaa ka mid ah Hadhwanaagnews, Jamhuuriya, Ramaasnews, Haatuf, Geeska, Oodweyne iwm. Waxaan dhammaan idin rajeynayaa inaad ka sii badisaan intaas weliba, waxaan kaloo taas dhigeeda ah, inay kuwa gaabiyey ee gabay dhex-dhexaadnimadana inay gartaan waajibka ay seegeen iyo eexda ay galeen kuna gabood-falleen, sida Waddankooda, dadkooda iyo qofnimadaba, kuwaasna waxaa ugu horeeya Qarannews oo maalmo ahayd meelaha ugu akhriska badan, maantana ay ku adeegtaan rag yar oo aan Dadka Somaliland qiimo badan ku lahayn. Iyagana waxaan kula talinlahaa inay ku soo noqdaan dhex-dhexaadnimo iyo gobanimo guud waa iga talo!!!!!!!!!!!!.

Waxaan maanta maqaalkaygani ku saabsan yahay maqaal ku soo baxay Jamhuuriya oo aan aad ugu bogey ahaana Deymada Wargeyska oo ay kaga hadlayeen weedhii ka soo baxay Xoghayaha cusub ee UDUB iyo Siyaasadda cusub ee ka soo safriyey Waddanka Faransiiska, iyo Naxli horleh oo uu ninkaasi waddanka keenay, hawlgeliyeyna muddo yar oo gaaban, isagoo aan la sugin caga-dhigashoba!!.
Horta, waxa u fiicnayd inaanu ka noqon waxa uu ka qabay marxuun Cigaal iyo kuwa kale uu tilmaamayba, waayo waa Rayi, layskulama yaabo laakiin waa laysa saxaa oo haddii aad qabtey mid qaldanna waa la saxi lahaa, hadduu sax yahayna waa taariikh uu qofkaasi sameeyey, lama dafirayo,laakiin jawaabtu waxaa weeye maanta ka hadalkeedu mayaalaa, mise mayaalo?
Marlabaadka maxaad maanta oo midkale oo ka duwani taalo aad ugu hadli kari ladahay, oo weliba maaraheedii lagaa rabo adiga oo weji cusub ah oo diidi kara xumaanta, wax wanaagsana ku soo kordhin kara Dadkaaga, Dalkaaga, Xisbigaaga oo bur-buray iyadoo weliba lagaa eegayey aqoon hor leh oo wax u tarta Dadka ioy Dalkaba iyo weliba Siyaasad ka duwan kii kaa horeeyey oo furfuran!!!!!!!!.
Waan run inay dalka iyo dadka wallaala ah laga sameeyey isku dhacyo sokeeye loona baahnaa in la baadho raggii ka dambeeyey, waxay u dhaceen, loon ciqaabo rag badan si aanay mar dambe ciddina ugu kicin wax taas la mid ah ugana waantawdo xitaa dareenkeed iyo inay ku fekerto isku kicin dambe. haddiisa uu isagu taa hore ka nabad qabo oo uu ka xunyahay muxuu ka bilaabay saacadii la doortay, Burco ayuu tegey, isaga iyo rag kale maxaysameeyeen??????????.

Yaa dadka kala qaybiyey, maxuu ka yidhi Burco? Maxuu CAWIL ka yidhi? maxuu ina Sulub ka yidhi? Maxuu Wasiir kuxigeenka Ganacsigu ka sameeyey? waxaas oo dhan taariikhdu miyaanay qoreyn? maxuu soo kordhiyey Yaasiin cimrigiisa,aqoontiisii maxay Dadka iyo Dalka keeneen? Ha isweydiiyo isagu, waad maqnayd maalintii la xasuuqayey, ee dhiigoodu dhulka qulqulay maxaad uga hadli waydey? maxaad u xusiweyday maalintii Haadka iyo Haanraawuhu ka dhergey ee ka darayd maalintaas aad ka hadlayso? Intaas aad sheegtay iyo naxli ka badan Cawil baanu ka haynaa iyo weliba Xasan Sulub oo kaa soo horeeyey intaasayna keeneen adna ma ku soo biirtay Inaadeeraw!!!!!!!.

War la qabaa xiiso ma leh ayey Soomaali tidhaahdaa wax NIN ku hadlo keen, magaccaa BE ayaad soo dhoofisay, miyaanad ka yaabayn in laguu bixiyo NAXLI SOO DHOOFAY!!.

Waxaanu kuu haysana dhammmaan dadka reer somaliland waxa uu ku hadlay Suldaan Maxamed c/qaadir iyo naxliga ka dambeeya iyo siyaasada kala qaybinta, iyo Dastuurka layska indha tirayo intaas iyo waxii dhibaato ah ee ka yimaada waxaa kaqaadan doona 5 nin oo aad ku jirto adiga iyo Cawil, waxaan la ilaabi doonin waxaad sameynaysaan kuwaas oo aanay ka fekerin shantii ina Siyaad Cidhib-xumida badan illaahayna waxaan ka baryayaa inuu sharkeeda idnka idin ku koobo.

Waxaan doonayaa inaan EREY qudh ah idhaahdo Suldaan Maxamed horta adiga iyo Cismaan Buurmadaw dhoobadiina meel baa laga wada qaaday, waxaana tihiin rag wallaalo ah, sidaad wax u waddaana Nin wayn iyo nin Saldanad u saaxib ah midna mamariyo waxaad tidhina waa wax Afba ka wayn, waxase Adeer kugu idhi dadka aan laynoe Beel tidhi Somaliland iyo sharcigeeda doonimaayo maanu, maanu maqal, laakiin rag sharciga jebinayaa waa jiraan xagga Dawladdaba ha u badnaadeene, waxaanu kaa sugaynaa kuwaanu kula layno iyo Hubka aynu u isticmaalayno sida Warmo, Toorayo, Bakoorado, hubka daran-dooriga u dhaca, jeedal iwm. Haddii aad beelo gaar ah ama Beel gaar ahi adiga kuu callaamadaysan tahayna noo soo sheeg dee arrinka waanu kula eegiye!.

Waxaan kaloo Ereykale leeyahay Cali Maxamed Waran-cadde waxaad ahayd nin ka duwan Cawil iyo kuwa lamidka ah laga soo bilaabo dhibaatadii adhiga waxaad ku milantahay kuwa aan daneynin Danta guud, dadkuna waxaad ahayd nin ay tirsadaan, maantana ma dhaantid kuwa u nool dhibaatada Ummadda iyo aflagaadada SNM maxaa Dhacay?

Ummad yahay midooba, una midooba danta guud ee dalkiina iyo dadkiinaba, ha kuna jaahwareerin hadalka Qaybiyaha, iyo dhuuniqaataha,ogaada waxii idin soo maray maalmihii qadhaadhaa, iyo inaad dhammmaantiin EHEL qudha tihiin,waynu soo aragnay dhibaatada qaybinta,waxa maanta ka dhacaya Ceel-Berdaale waa waxii ay ku aaseen NNStii Siyaad Barre halkaas oo aan shaqa-qaran iyo marlabaad shaqaaleba ka ahaa, Gebilay, waxii dhacayna maanta marba la soo fadhayo iydoo aan laga talinayn maanta waxa nool!!!!!!!!!!!!!!!!!.

Iyana waxaan leeyahay waar maanta iyo wixii nool eega, joojiyana dagaalka aan waxba kordhinayn!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!.
a-botan@hotmail.co.uk