Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2015 April 16, 2009                  Rabiicul Thaani 20,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Aqoonyahano Iyo Siyaasiyiin Ka Soo Jeedda Beesha Ciida-Gale Oo Xaal Ka Bixiyey Hadal-Haynta Dagaalkii Sokeeye Oo Soo Noqnoqotay 

Haddii Aanu Nahay Beesha Ciidagalle Cid Aanu Ciil U Qabno Oo Aanu Ka Aargoosanaynaa Ma Jirto.” Cabdilaahi Bidhaan, Wasiirkii Hore Waxbarashada

Hargeysa, April 16, 2009 (Haatuf) – Aqoonyahano iyo siyaasiyiin magac weyn leh oo ka soo jeedda beesha Ciidda-Gale ee degaanka Koonfurta Hargeysa ayaa xaal ka siiyey Bulshada Reer Somaliland hadalhaynta beryahan dambe soo noqnoqonaysa ee dagaalkii Sokeeye, hadaladaas oo ay ashkhaas kala duwan warbaahinta dawladda dhawr jeer ka tiraabeen inay beeshaasi eeganayso beelkasta oo isku dayda inay ka hortimaado xukuumadda Riyaale, iyagoo taas ku garbinaya khilaafka ka taagan muddadii sharciyadda xukuumadda Riyaale ee dhammaatay iyo muddo-kordhinta lagu muransan yahay ee ay Golaha Guurtida dhawaan aqlabiyadda yar lixda bilood ugu kordhiyeen Riyaale iyo ku-xigeenkiisa.

Sidaana waxa ay aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta Beesha Ciidda-Gale ku sheegeen shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen Hotelka Dalxiis ee magaalada Hargeysa, kaas oo ay kaga hadleen arrimo badan oo la xidhiidha xaaladda dalka ka taagan iyo hadalada xajiinta leh ee warbaahinta dawladda sida ku noqnoqoshada shacabka looga baahinayo.

Shirkan jaraa’id ayey sidoo kale xubnahani aad ugu dhaliileen isla markaana ku cambaareeyeen hadalo dhawaan ka soo yeedhay qaar ka tirsan salaadiinta iyo odayaasha beeshooda, hadaladaas oo ay sheegeen inay xaal ka siinayaan shacbiga Reer Somaliland ee dhegahoodu maqleen.

Wasiiru dawlihii hore ee wasaarada waxbarashada Somaliland Cabdillaahi Ismaaciil Bidhaan oo ugu horeyn shirkaas ka hadlay ayaa aad u dhaliilay isla markaana cambaareeyay hadalada uu sheegay inay ka soo yeedheen Salaadiinta iyo odayga ugu da’da wayn beesha ee Xaaji Cabdi Xuseen Cabdi Waraabe, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi: “Waxaanu ka hadlaynaa hadalo badan oo rag beeshayada ka mid ah oo dadka ka soo gaadhay oo aanu qaadan weynay, muddo badan ayaa salaadiintayada iyo odayaasha beeshayada ee Ciidagalle wanaagsanaan jireen, oo Salaadiintayada Somaliland iyo dadkuba ay u tagi jireen. Illaahay noogu wadi maayo oo dadkayaga kale ayuu noo geline’.

Salaadiintayada iyo Odayaashayadu tiriibkan way sillan yihiin Meel aan marinkooda ahayn ayay mareen wax aan marinkooda ahayna way ku hadleen dhawr nin oo Suldaamo sheeganaya iyo Xaaji Cabdi Waraabe oo noogu weynaa wax aan daw ahayn ayay yidhaahdeen” isagoo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Anagu haddii aanu Beesha Ciidagalle nahay cid aanu ciil u qabno cid aanu ka aargoosanaynaa ma jirto, waa la is dilay dagaalkii sokeeye waxaanan is leeyahay tolow idinka daalac ma la idiin raaci. Waxaan sidaas u leeyahay Anagu dhimashadana waanu naqaanaa heshiiskana waanu naqaanaa, laakiin waxaanu is leenahay dad aan dhimashada aqoon baa ku jiray dadkaanu isdilayoo tollow mid midkii ka dhintay may ka samri, illayn anagu haddii wax badani naga dhintaana waanu ka samraysaane,”Ayuu yidhi C/Laahi Bidhaan

Wasiirul dawlahii hore wasaaradda waxbarashada Cabdilaahi Ismaaciil ayaa intaas ku daray “Salaadiintayada iyo odayaashii beeshayada ee hadlayay reerkayaga gudihiisa lagama soo dirin, reer markii horeba nagu shaqaystay oo aanu is xigno ayaa Wasiiradoodii ku shaqaysteen maantana Aniga iyo Xaaji Cabdi Waraabe maryo alool ayaanu ahayn oo dawladda ayaanu la soconay, waxaanu diidanayn oo way nala xumayd in reerkayaga lagu shaqeysto. Imikana niman Wasiiro ah oo aan ahayn kuwayaga ayaa ku shaqaystay.”

Wasiirul dawlihii hore wuxuu Madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay inuu doonayo inuu dalka ku soo rogo nidaam xukun deg-deg ah “Waxa kale oo jira in dadku caqli yeesho waayo dadkii dagaal baala wadaa bay dawladu leedahay dagaal cida wadaa malaha dumarka iyo caruurtu way garanayaan, cida dagaal wada waa ninka ku dhagayaa madaxnimada ee la doortay ee ay ka dhamaatay ee loo kordhiyey ee laga xishooday ee ay u dhamaatay ee haddana sugaya wax kale.

Waxaan filayaa Ninkaas odayga ahi (Rayaale) malaha xukun deg-deg ah ayuu doonayaa inuu dalka ku soo rogo, oo marna askartiisa ayuu baastoolad u soo dhiibaa oo uu yidhaahdaa dadka ku soo laaya, marna askartiisu waxay tooganayaan shacabkii, Aniga waxa ii muuqata in Baarlamaanka iyo Guurtidaba la kala diray oo xukun degdeg ah la soo rogay.”

Dr: Maxamed Axmed (Cago weyne) ayaa isaguna jawaab ka bixiyey hadalkii X. Cabdi Waraabe dhowaan ka soo yeedhay kuna taageerayey hadalkii Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxaanu Dr. Cago-Weyne yidhi: “Xaaji Cabdi Waraabe isagoo 19 jira ayaa la yidhi Aabahaa u soo Aar, tii muu samaynin’e gobonimo ayuu ka qaatay oo wuu saamaxay ninkii soo dil la lahaa, qorigiina wuu siiyey, maanta oo ay boqol sanno ka dambeysayna wuxuu leeyahay waanu aarsanaynaa, oo waa lana laayey, waxaan leeyahay Xaajiga ma barigii hore ayaad hagaagsanayd mise imika ayaad hagaagsan tahay, ninka maanta isagoo 90 jir ah boqol sano ka dib I leh, waanu aarsanaynaa. Arrin kalana dhallinyarada ayaan leeyahay ama guurtida Raaca ama tahriiba, waxaan idin leeyahay wax kala garta oo caqligu ha idin shaqeeyo.” ayuu yidhi Dr: Caga weyne.

Dr: Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog) oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi: “Masuuliyinta TV-ga ka hadashay laba qodob uun bay runtii ka hadlayeen, midi wuxuu ahaa nabada ha la ilaaliyo, nabada waa in la ilaaliyaa waa waajib waa waxa qudha ee ay Somaliland haysato qiimaha ay ugu fadhidana waa la garan karaa cida ka qarsoon tahay ma jirto markaa ninka leh nabada ha la ilaaliyo mid ilaahay dartii u leh oo qiimaha nabadu Somaliland ugu fadhido uun sidiisa ay ula weyntahay oo aan ceeb kale ku jirin wuu noqon karaa kaasi haddu jiro wuu mahadsan yahay, wuxuun baanu leeyahay dhinacaaga ka ilaali dhinac walba waa laga ilaalinayaa oo ummada Somaliland way usoo jeedaaye” ayuu yidhi, isagoo sii watana waxa uu yidhi “ waxaan leeyahay beeshani way ka garasho roon tahay in lagu guro oo mar labaad meel la jiidhsiiyo oo cid muraad lihi ku guurto, waxa weeyi nabada gaar ahaan markii dagaalkii sokeeye Hargeysa ka dhacay beeshu nabad bay qaadatay dagaalka gartiisi lama naqin oo cid qaladkiisu uu ku cadaadayna ma jirto, waxaa loo arkay wax Somaliland ama gaar ahaan reer Hargeysa ka wada xumaatay, waana laysku yimid oo laysa saamaxay, gacmahaana lays qabsaday.

Beeshu iyadoo aan waxba gocanayn ayey nabada qaadatay, shisheeye iyo sokeeyaba beesha way is dili jireen marka la kala food qaadana wax cuqdad ah kama qaadi jirin”

Md Maxamed Muuse Abees, oo ka mid ah Golaha Dhexe Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE horena uga tirsanaa Golihii hore ee Wakiilada, oo shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay shacbiga Somaliland uga digayaan colaado hor leh oo uu tilmaamay inay xukuumada Madaxweyne Rayaale ay abaabulayso “Waxaanu ummadda u sheegaynaa nimanka waxa laga yaqyaqsoodo ku hadlaya ee colaada hurinaya waxaanu uga digaynaa shacbiga, waxaana aanu leenahay iyaga ayay ku kooban tahay ee cid la wadaagtaa ma jirto. Waa ayaan darro in dadku ay kala garan waayaan cida doonaysa inay meel biyo leh furto iyo cida doonaysa in ummada dib loogu celiyo wax habeen walba ka baxaya TV-ga Qaranka.”

Sidoo kale, waxa isna shirkaasi hadalo kooban ka soo jeediyay, Dr Ismaaciil Cali Jaamac oo ka tirsan Golaha dhexe KULMIYE iyo C/raxmaan Axmed Guun oo ah gudoomiyaha dhaliyarada isbedel doonka ee beesha Ciiddagale