Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2019 | April 21, 2009 Rabiicul Thaani 2,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Kumanaan Tahriibayaal Ah Oo Buux-Dhaafiyey Caasimadda Itoobiya Ee Addis Ababa Iyo Duruufaha Argagaxa Leh Ee Ku Gadaaman “Waxa khasab igu qaba nin Liibiyaan ah oo Kiristaan ah, reerkayagiina waxa iigu dambaysay 1999-kii” Warbixin: weriye Maxamed Cabdi Ilig (Horn Cable TV) Addis Ababa, April 21, 2008 (Haatuf) – “Da’daydu waa 35 jir, waxa reerkayagii iigu dambaysay 20-kii Abril, sannadkii 1999-kii, qabiilkaygu waa Isaaq, Habaryoonis, Reer-xuseen, waxaan ku dhashay tuulo u dhexaysa Waraabeeye iyo Burcada-bari, waxa khasab igu qaba Nin Liibiyaan ah oo Kiristaan ah, waxaan u dhalay caruur”, sidaa waxa tidhi gabadh Tahriibtay 10 sannadood ka hor. Waqtigan xaadirka magaalada Adis-ababa waxa buux-dhaafiyey kumanaan oqf oo Tahriibayaal ah oo Somali u badan, kuwaas oo isugu jira reer Somaliland iyo reer Somaiyaba, waxayna Tahriibayaashani dalka Itoobiya uga sii gud-baan dhinaca dalka Suudaan ilaa Liibiya, iyagoo doonaya inay dalka Liibiya uga sii gud-baan dhinaca dalalka reer Yurub, kana talaabaan badweynta Medatareeniyanka. Dadka Tahriibayaasha ah ee Adis-ababa ku sugan waxa gud-biyaha oo arimahooda dhinaca Tahriibta ka shaqeeya niman Mukhalasiin ah oo lacag ka qaata, nimankaa mukhalasiinta ah oo dalka iyo wadooyinka la marayo aad u kala yaqaan, isla markaana waa niman badankoodu Afka Am-xaariga aad u yaqaan. Dawladda Itoobiya ma ogala nimanka mukhalasiinta ah ee arimaha Tahriibta ka shaqeeya, sidaa darteed hawlahoodu waa kootarabaan, waxayna mar walba halis u yihiin xadhig, waxayse inta badan xidhiidho hoose la leeyihiin niman saraakiil ah oo ka tirsan dawladda Itoobiya, Somalina u badan. Maamulka Itoobiya had iyo jeer isbedel ayuu ku sameeyaa saraakiisha iyo ciidamada ku sugan meelaha ay dadka Tahriibayaasha ahi ka gud-baan si ay meesha uga saaraan macaamilka dhexmaraya ciidamada iyo dadka Tahriibaya. Qofka ka tegaya Itoobiya ee u gud-baya dhinaca Suudaan waxa laga qaadaa lacag dhan &250-dollar (laba boqol iyo konton dollar) oo u dhiganta 3250 Birta Itoobiya ah, hase yeeshee lacagtaa waxa la dhigaa meel damaanad ah oo dhex ahaan loo dhigo, sidaa darteed hadii qofka jidka laga soo qabto lacagtiisii ayaa loo celiyaa, hadii kale oo uu qofku gud-bana mukhalaska ayaa lacagta qaata, iyadoo dadka intooda badan (80% ilaa 85%) laga soo celiyo jidka u dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan, waayo dawladda Itoobiya ayaa aad u adkaysay goobaha xuduudka ku yaal ee ay dadku ka talaabaan. Waxa kale oo dhacda in marka ay dadka Tahriibayaasha ahi tagaan degaanada ku yaal xadka ee ay ka talaabayaan ayey dadka degaanadaa ku dhaqani ka qaadaan lacago laaluush ah, iyagoo u hanjaba inay bilayska u sheegi doonaan hadii aanay lacag siinin. Dadka Tahriibayaasha ah ee ay ciidamada Bilayska Itoobiya soo qabtaan waxa la keenaa caasimadda Adis-ababa, waxaana lagu ridaa xabsiga, dabadeedna si qofkaa loogu masaafuriyo meeshii uu ka yimi hadii ay tahay dhinaca Somaliland iyo hadii ay tahay Somaliyaba waxa laga qaadaa lacag ganaax ah oo xaddigeedu yahay 3000 Birta Itoobiya, hadii kale xabsiga ayuu ku jirayaa. Ta kale hadii uu qofku mar labaad tahriibo oo la soo qabto waxa laga qaadaa lacag 5000 Birta Itoobiya. Dadka Tahriibayaasha ah ee isaga gud-baya Itoobiya iyo Suudaan waxa qaadda baabuur dheeraysa oo isugu Landcuiserro iyo basas yar-yar, wuxuuna socodkaasi qaataa ugu yaraan 24 saacadood ilaa 48 saacadood, inta badanna baabuurta Tahriibayaasha qaadaa habeen walba way baxaan. Sidoo kale dadka Tahriibayaasha ahi marka ay ka gud-bayaan dalka Suudaan, una socdaan dhinaca Liibiya waxa qaada baabuur, waxayna baabuurtaasi qofkasta nooli uga qaataan lacag $1000-dollar ah, ka dibna waxay tahriibayaashu jidka u dhexeeya Suudaan iyo Liibiya ku sii jiraan 8 maalmood ilaa 10 maalmood, waxaana lagama maarmaan ah inuu qofka tahriibayaa gacanta ku haysto dhaqaale ka gud-bin kara jidka dhibaatada badan ee uu sii marayo. Sidaa darteed dadka tahriibayaasha qaarkood dhinaca dalalka debedda ayey ehliyadooda ku maqani ka hagtaa oo had-ba lacag uga soo diraan, qaarkoodna waxay jidka ku sii maraan lacag ay ka soo xaddeen waalidkood, qaarkoodna waalidkood ama dad qaraabadood ah ayaa lacagta siiya. Sidoo kale dadka qaar baa albaabada u xidha meherado ganacsi oo ay lahaayeen, lacagtii ay haysteena ku tahriiba, halka ay dadka qaarna iibiyaan jago yar oo ay magaalada ku lahaayeen. Dadka Tahriibayaasha waxa aad ugu badan gabdhaha, dabadeedna marka ay gabdhuhu Adis-ababa soo gaadhaan way dhuuntaan, waxayna nimanka mukhalasiinta ahi geeyaan meelo qarsoon oo ay ku dhuuntaan, iyagoo ka dhuumanaya dadka eheladooda ah ee baadi-doonaya ama inay cid kale garatona oo warkooda gud-biso. Dumarka tahriibayaasha ahi waxay isugu jiraan kuwo caruuro leh oo ka baxsaday caruurtii iyo odaygiiba. Iyo gabdho dhallinyaro ah oo aan xaas ahayn Waqtigan xaadirka ah aad bay u badan yihiin dadka dhallinyarada ah ee isaga tahriibaya Suudaan iyo Liibiya, waxaana waqtiyadan dambe dhiiri-geliyey dhalinyarada Tahriibaysa ee isaga gud-baysa saxaraha balaadhan ee u dhexeeya Suudaan iyo Liibiya, iyadoo ay darawallada baabuurtu soo kordhiyeen adeegyada dhinaca isgaadhsiinta. Tusaale ahaan darawalladu waxay sitaan telefoonka sida tooska ah ugu xidhan Satelite-ka ee loo yaqaan Thuraya, sidaa darteedna hadii uu baabuurku ku xumaado saxaraha dhexdiisa waxa la dirayaa telefoon, dabadeedna markiiba waa loo soo gurmanayaa. Duruufo kala duwan oo aad u qalafsan ayey la kulmaan dadka tahriibayaasha ah ee Soomaalida u badani. Tusaale ahaan gabdhaha dhallinyarada ah qaarkood ayaa marka ay Adis-ababa gaadhaan markiiba ku jaho-wareera xaaladda adag ee ka hortimi, dabadeedna waxa dhacda inay qaarkood Adis-ababa iyo Itoobiya meelna u dhaafi kari-waayaan, oo ay halkaa iskaga noolaadaan sannado badan, kuna bartaan balwado kala duwan iyo suuqyada xun-xun oo ay galaan, halka ay qaarkoodna dib isaga soo noqdaan marka uu gidaar adagi ka horyimaaddo. Inkasta oo ay dhamaantood dadka Tahriibayaasha Soomaalidu la kulmaan dhibaatooyin aad u tiro badan, hadana waxay dhibaatadu si gaar ah u saamaysaa dumarka, waxaana dhacda inay qaar ka mid ah Tahriibayaasha, gaar ahaan dumarka ay qabsadaan dad reer Suudaan ah oo cawaan ah oo ku dhaqan degaamada ay ka gud-baan tahriibayaashu, taas oo ay dumarka qaarna kufsadaan, qaarna khasab ku guursadaan, sidoo kale dhinaca dalka Liibiya ayey iyana tahriibayaasha dumarka ahi kala kulmaan falalka kufsiga iyo in khasab lagu guursado, iyadoo ay jiraan dad badan oo tahriibayaal ah oo sannado badan la la’yahay, kuwaas oo aan la garanayn meel ay ku sugan yihiin iyo geeri iyo nolol midka ay yihiin. “Magacaygu waa Saynab Khadar Samatar, da’daydu waa 35 jir, waxa reerkayaga warkooda iigu dambaysay 20-kii bishii Abril ee sannadkii 1999-kii, qabiilkaygu waa Isaaq, Habar-yoonis, reer Xuseen, waxaan ku dhashay tuulo u dhaxaysa Waraabeeye iyoBurcada-bari. Waxa I qaba oo xoog igu guursaday nin Liibiyaan ah oo Kiristaan ah, wuxuuna igu qabaa meel beer ah oo uu leeyahay, waxaan u dhalay caruur, tan iyo mudadaasna meelna uma dhaafo beertaa dhexdeeda, mana arko qof Somali ah”, sidaa waxay gabadhaasi ku soo qortay warqad kooban, waxayna u soo dhiibtay wiil Soomaali ah oo ay muddo 9 sannadood ah markii u horaysay la kulantay sannadkii 2008-kii, ka dibna waxay warqaddaa koobani soo gaadhay magaalada Adis-ababa, waxaana markii dambe warqaddaa loo dhiibay Xil-dhibaan Duur oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland, oo dhowaan safar ku tegay Adis-ababa si uu ugu gud-biyo ehliyaddii gabadhaa. Xaaladda tahriibtu waxay aad kor ugu kacday ilaa bishii ama labadii bilood ee u dambeeyey, tusaale ahaan bishii labaad ee sannadkan oo aan Adis-baba tegay aad bay ugu yaraayeen dadka tahriibayaasha ahi. Hase yeeshee waqtigan xaadirka ah magaalada Adis-ababa waxay la ciir-ciiraysaa dad tahriibayaal ah oo u sii qul-qulaya dhinaca dalka Liibiya si ay dooni uga sii raacaan oo ugu gud-baan dalalka reer Galbeedka, iyadoo ay ujeedada dadkaa dabada ka waddaa yar iyo weyn-ba ay tahay nolol raadis, waxayna dadka halkaa ku sugani ka dhur-sugayaan sidii ay u bixi lahaayeen ee ay uga gud-bi lahaayeen saxaraha galbeed, ka dibna uga talaabi lahaayeen badda Madetareeniyanka. Dadka tahriibayaasha waxa ka mid ah kumanaan reer Somaliland ah oo u sii qul-qulaya dhinaca Tahriibta. Sidaa darteed safiirka Somaliland u fadhiya Adis-ababa oo aan xafiiska ku booqday subaxnimadii Salaasadii toddobaadkii hore ayaan waxoogaa kala sheekaystay xaaladda tahriibta, dabadeedna wuxuu ku tilmaamay xaaladda tahriibta qax aan hore loo arag, isagoo intaa ku daray inay adag tahay sida loo joojin karaa. Safiirku waxa kale oo uu ii sheegay inay maalin kasta xafiiskiisa ugu yimaadaan dad waalid ah oo baadi goobaya caruurtoodii, kuwaas oo aan qaarkood muddo sannado ah wax war ah laga hayn. Dadka tahriibayaasha ah wixii ay naftoodu ka bad-baaddo rafaadka iyo silica noocyada badan ee ay kala kulmaan jidka dheer ee beriga ah ee ka sokeeya dalka Liibiya waxay aakhirka isku guraan badweynta Medatareeniyanka, halkaas oo ay bil walba ku kharaq-maan doonyo iyo maraakiib ay saaran yihiin kumanaan tahriibayaal ah oo Somali u badan, kuwaas oo halkaa ku naf-waaya. Dadka nolol raadiska ah ee u tahriibaya dalalka reer Yurub marka ay doonayaan inay cagta saaraan jidka dheer ee tahriibta waxay Somalida tahriibayaasha ahi yidhaahdaan “Yurub waxa kaa xiga afar talaabo keliya oo aad qaaddo”, waxayna afartaa talaabo ku tilmaamaan, dalalka Itoobiya, Suudaan, Liibiya iyo Talyaaniga. Inkasta oo ay tahriibtu tahay aaffo xun oo dadka reer Somaliland iyo kuwa reer Somaliyaba ku habsatay, hadana ma jiro wax qorshe ah oo meel yaal ama soo muuqda oo wax lagaga qabanayo aafada Tahriibta ee ay kumanaanka qof ku naf-waayeen, kumanaan kalena hadda sii fool leeyihiin jidka geerida. (Maxamed Cabdi Ilig-Horn CableTV) |