Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2021 | April 23, 2009 Rabiicul Thaani 27,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Qaybtii U Horaysay Mashruuca Dhaqaale Ee JNA Oo Soo Horaan-Yeelatay Iyo Weelka Musuq-Maasuq Ee Loo Sii Toshay Maxaa Laga Ogyahay Fadeexadaha Musuqmaasuq Ee Ay Iska KaashadeenXukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Qaar Ka Mid Ah Xafiisyada UNDP Hargeysa, Abril, 22, 2009, (Haatuf)- Mashruucii dhaqaale ee la magac-baxay JNA ee loogu talo-galay in lagaga shaqeeyo horumarinta iyo dhismaha adeegyada guud ee bulshada Somaliland, ayaa la sheegay inay qaybtii u horaysay soo horaan-yeelatay bilowgii sannadkan aynu ku jirno ee 2009, qaybtaas oo lagu magacaabo mashruuca horumarinta hayadaha adeegyada guud (Institutional development project), loona sameeyey xafiis iyo qayb si gaar ah looga maamulo oo ku yaal caasimadda Hargeysa. Mashruuca JNA-da oo ah mashruuc dhaqaale oo ay beesha caalamku ugu talo-gashay in lagaga shaqeeyo horumarinta adeegyada guud ee dadyawga ku dhaqan Somaliland iyo Somaliya intaba, waxay diyaarintiisa iyo yaboohdiisuba bilaabantay horaantii sannadkii 2008 waxaana dhinaca Somaliland loo qoondeeyey ilaa shan boqol oo milyan oo dollar ($500 Million-dollar). Hase yeeshee sida ay sheegeen warar hordhac ah oo ka soo baxay ilo xog-ogaal ah qaybtii ugu horaysay mashruucan oo xaddigeedu yahay ilaa boqol milyan oo dollar ($100 Million-dollar) ayaa loo ogolaaday somaliland, iyadoo uu markiiba ku talo-galku ahaa inuu mashruucaasi soo horyeesho sannadka 2009. Sidaa darteed boqolkii milyan ee dollar ee u horeeyey mashruuca JNA ayey qaybihiisii u horeeyey ee sannadkan 2009 soo gaadheen gacanta xukuumadda Somaliland, isla markaana waxay xukuumaddu diyaarisay qaabkii loo maamuli lahaa iyo gacmihii maamuli lahaa mashruucan. Sida ku talo-galku yahay mashruuca JNA-du wuxuu socon doonaa muddo 5 sannadood ah, hase yeeshee qaybta la soo daayey ee boqolka Milyan ahi waxay soconaysaa muddo sannad ah. Sidaa darteed cadadkii u horeeyey boqolkaa milyan (first Instalment) waxa la soo daayey bishii koowaad ee sannadkan 2009, iyadoo la sheegay inay lacagtaa boqolka milyan ee dollar ahi soo dhamaystirmi doonto ugu dambayn bisha Oktoobar ee foodda inagu soo haysa, xiligaas oo ah goorta ay ku egtahay muddada lixda bilood ah ee ay guurtidu xilka u kordhisay Madaxweyne Rayaale iyo xukuumaddiisa, waxayna wararku sheegeen in dhaqaalaha soo gaadhay gacanta xukuumadda lagaga shaqeeyey waxyaalo ay ka mid yihiin, xafiisyo la kireeyey, lana qalabeeyey, baabuur la iibiyey, mushahaarooyin iyo kharashaad kale, iyadoo la sheegay inuu xafiiskaasi bixin doono mushahaarooyin kumanaan dollar ah oo hadaba socda. Marka la eego qaabka ay xukuumadda Madaxweyne Rayaale ugu talo-gashay inay u maamusho mashruucan, waxa loo sameeyey qayb gaar ah oo lagu tilmaamay inay hoos tegayso wasaaradda maaliyadda, haseyeeshee waxay wararku tibaaxeen in maamulidda dhaqaalahaas loo diyaariyey weel gaar ah iyo gacmo gaar ah. Qaybta maaliyadeed ee loogu talo-galay inay maamusho dhaqaalaha mashruuca JNA-da waxa madax looga dhigay (Head of Unit) nin magaciisa la yidhaahdo Cumar Ibraahin Xuseen, oo la sheegay inay ooryo-walaal yihiin Madaxweyne Rayaale oo ay laba gabdhood oo walaalo ah kala qabaan, isla markaana Cumar Ibraahin waxay isku ardaa yihiin oo ay ilmaadeer yihiin marwada madaxweynaha. Cumar Ibraahin wuxuu xiliyada qaar joogi jiray dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo la sheegay inuu ka shaqayn jiray, hase yeeshee markii dambe wuxuu qaxootinimo isaga dhiibay dalka Kenada, halkaas oo uu Madaxweyne Rayaale uga yeedhay, iyadoo la sheegay inay Cumar Ibraahin waqtigan xaadirka xaaskiisu degan tahay magaalada Shariqa ee Imaaraadka Carabta, halkaas oo ay ku hayso caruurta Madaxweyne Rayaale. Cumar Ibraahin hadda ka hor ayaa debedda looga yeedhay, waxaana qandaraas lagu siiyey inuu soo iibiyo idaacad cusub oo ay yeelato Radyow Hargeysa, waxaana la sheegay in gacanta laga geliyey saddex boqol iyo konton kun oo dollar ($350-kun oo dollar), hase yeeshee sida la sheegay alaab duug ah oo qiimahoodu ka yar yahay boqol kun dollar ayuu Cumar soo iibiyey, taasina waxba kama bedelin tayadii liidatay ee Raadyow Hargeysa, iyadoo uu sharciga dalka u yaal dhigayo in marka qandaraas la bixinayo la soo bandhigo oo ay maamusho hayadda qandaraasyada qaranku, hadana taasi may dhicin ee qandaraaskaa waxa Cumar lagu siiyey si daba-ka dhiib iyo musuq-maasuq ah oo sharciga baalmarsan. Sidoo kale nin kale oo isna la yidhaahdo Xasan Jaamac X. Maxamud ayaa isna loo dhiibay jago kale oo muhim ah, waxaana loo magacaabay Xafiiska la yidhaahdo xafiiska ka talo-bixinta siyaasadda lagu maamulayo hawlaha (Physical Policy Advisor). Xasan Jaamac waxa isna looga yeedhay dalka Jarmal, waxayna ilmaadeer yihiin wasiirka Maaliyadda Cawil Cali Ducaale, iyadoo ay wararku sheegeen inuu wasiirka maaliyaddu markii hore isaga (Xasan) la doonayey inuu noqdo madaxa u sareeya ee xafiiskan (Head of Unit), hase yeeshee madaxweynaha ayaa taa wasiirka ku soo gacan geliyey oo ku bedelay ninka uu watey ee looga yeedhay Kenada. Hayadda UNDP oo sida la sheegay inay beesha caalamka wakiil uga tahay mashruuca JNA iyo xukuumadda Somaliland ayaa iska kaashaday diyaarinta xafiiska iyo qorista labadan sarkaal ee maamulaya xafiiska, hase yeeshee waxay warar xog-ogaal ahi sheegeen inaanay labadan sarkaal dariiqii sharciga ahaa u marin helista shaqada. Xeerka hayadda UNDP u yaal marka ay shaqaale qoranayso wuxuu dhigayaa in ugu yaraan la maro dariiqa ah: 1- In la naadiyo tirada shaqaalaha la qoranayo iyo shuruudaha looga baahan yahay. 2- Inay dadka shaqada soo doonanayaa araaji soo qortaan, iyagoo CV-yadooda ku soo lifaaqaya arjiga. 3- Inay hayaddu soo saarto liis ay kala soo dhex-baxday dadkii araajida u soo qortay shaqada ay naadisay (Short Liis) 4- In dadka ku soo baxay liiska kooban loo yeedho, ka dibna laga qaado Imtixaan (inter-view). 5- Iyo Inay qaadista Imtixaanka goob-joog ka yihiin dhinacyo ay ka mid yihiin: Hayadda UNDP oo wakiil ka ah, JNA, wasaaradaha qorshaynta iyo maaliyadda iyo hayadaha kale ee ku shaqada leh, sida hayadda shaqaalaha dawladda. Hase yeeshee sida ay sheegeen warar aanu ka soo xiganay ilo xog-ogaal ah labadan sarkaal shaqada kuma ay helin sifada noocaas ah, ee Madaxweyne Rayaale iyo wasiirka maaliyadda Cawil Cali Ducaale ayaa la hadlay sarkaal sare oo hayadda UNDP u fadhiya xafiiska Nayroobi, kana dal-badday inay labadaa sarkaal si toos ah u hawl-geliyaan, waana laga aqbalay. Waxa kale oo jira shaqaale loo qoray xafiiskan maamuli doona mashruucan, hase yeeshee shaqaalahani waxay iyagu mareen sifadii sharciga ahayd ee shaqo qorista, waxayna ka kala yimaadeen dhinacyada kala ah, wasaaradda maaliyadda, xafiiska hanti-dhawrka guud, xafiiska xisaabiyaha guud iyo wasaaradda qorshaynta. Saxeexa ugu muhimsan ee maamulka mashruucan waxa iska leh Cumar Ibraahin Xuseen, laakiin Madaxweyne Rayaale iyo wasiirka maaliyadda ayaa sida loo maamulayo mashruucan daaha dabadiisa ka hagaya, sidaa darteed xubnaha kale ee golaha wasiiradu waxba kama oga qaabka loo maamulayo mashruucan shanta boqol ee milyan ah, iyadoo ay xataa wasaaradda qorshaynta oo ahayd hayaddii xaqa u lahayd inay maamusho mashruucan dhinac la isaga duway, meeshii wasiirka qorshayntana lagu bedelay wasiirka maaliyadda. Sidoo kale waxay ahayd in boqolka milyan ee dollar ee la soo daayey sannadka 2009 la soo raaciyo miisaaniyaddii 2009 ee baarlamaanka la horgeeyey, taasina may dhicin. Sidaa darteed qaabka musuq-maasuq ee shaqada loo qoray labadaa sarkaal ee aynu kor ku soo xusnay waxa door firfircoon ka ciyaaray xafiisyada ay hayadda UNDP ku leedahay Nayrobi iyo Hargeysa, iyadoo qorista labadaa sarkaal loo jebiyey sharcigii hayadda UNDP u yaal ee dhinaca shaqo-qorista, ka dib markii uu Madaxweyne Rayaale cadaadis ku saaray inay sidaa u dhaqmaan. Waxa kale oo ay wararku intaa ku darayaan inaan gobollada iyo degmooyinka dalka si siman oo isu dheeli-tirran loogu qorshayn mashruucan, taasina hadii ay dhacdo waxay noqonaysaa ceeb kale oo meesha taal. Marka la eego baaxadda dhaqaale ee uu mashruucani leeyahay iyo baahida ay bulshada Somaliland u qabto wax ka qabashada baahiyaha xad-dhaafka ee la deriska ah, meesha ma qabato inay laba nin iyo wax la mid ahi god madow ku maamulaan dhaqaalaha xaddigaa leh, hadii ay taasi dhacdona waxay noqon doontaa khasaare iyo nasiib darro weyn oo ummadda ku habsadday, una baahan in laga hortago, dibna loo eego waxyaalaha hordhaca ah ee durba la jaan-qaaday bilowga mashruucan, iyadoo uu dalku ku jiro marxalad kala guur iyo doorashooyin, isla markaana ay waqtigan xaadirka ah aloosan yihiin qalalaase iyo khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya xukuumadda iyo mucaaradka, kuwaas oo ka dhashay dib-udhacyada soo noq-noqday qabsoomidda doorashada madaxtooyada. Sidoo kale mashruucani wuxuu soo af-yeeshay xilli ay dalka ka jirto duruuftii ugu adkayd ee nololeed, taas oo keentay inay da’yartii dalka ku dhaqnayd miciin-sadaan tahriib iyo dariiqa geerida, iyadoo loo baahan yahay inuu mashruucani noqdo mid wax ka tara baahida nololeed iyo shaqo la’aanta baahday ee dalka ka taagan, si taa loo helona waxa loo baahan yahay in laga hortago inuu dhaqaalaha intaa le’egi ku dhaco jeebabka laba-saddex qof. |