Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo
Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee
Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga
Afrika
Kulmiye oo cadeeyey
mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay
Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa
Madaxweyne Obama Oo
Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub
Xukuumadda Madaxweyne
Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay
Koox Suxufiyiin Ah Oo
Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka
Iyo Nabada
Sirdoonka Iyo Habka Uu U
Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo
Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009
Dhalinyaradu Marnaba Ma
Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda
Dawladdu Xayaysiiska Caano
Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso
Wadooyin Ay Iska Kaashadeen
Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka
Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey
Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka
Curtay Somaliland
Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad
Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna
Galay
|
|
Hogga-Tusaaleyntii Weriye Cawke
Iyo Qosol-Gariirkii Ardayda.
“Waxaad Arkaysaa Nin Weyn Oo TV-Yada Isa Soo
Taagay Oo Lagu Leeyahay Wuu Ku Dhilay Xisbigii” “Anigu Arabikhi La Dhilo
Ayaan Arki Jiaraye’e Hadal La Isku …..” Axmed Xasan Cawke
Hargeysa, April 24, 2009 (Haatuf/Ramaas) – Weriye Axmed Xasan Cawke, oo
ka mid ah Suxufiyiinta ugu caansan Soomaalida oo ka soo jeeda
Somaliland, ayaa sheegay inuu aad ula yaabo marka uu Dalka ku arko rag
waaweyn oo inta ay TV-yada soo fadhiistaan caytamaya.
Mr Cawke wuxuu sidaasi ka sheegay xaflad dhawaan loo sameeyay qalin
jabinta 150 Arday, oo muddo laba sanadood ah luuqadaha Ingiriisida,
Carabiga, xisaabaadka iyo Kombuyuutarka ka baranayay dugsiga gaarka loo
leeyahay Al-Khayr ee magaalada Hargeysa.
Weriye Axmed Xasan Cawke, wuxuu hadal uu ardayda u jeediyay si qoto
dheer uga waramay xuquuqda waalidku ku leeyahay ilmihiisa, waxaanu yidhi:
“Da’daan ahay waad aragtaan Aniga Hooyaday ayaa nool, fasaxayga wadanka
iyada ayaan u imaadaa, saaka ayaa u dambeysayoo waxay lahayd Anigoo
da’daas ah Hooyo maalmahan rag waaweyn ayaad raacdaaye, oo habeenadan
anigoo soo jeedana ma timaadide Hooyo hore u soo hoyo. Waxaanay igu
tidhi xaggee baad ku kalahaysaa waxaan ugu jawaabay meel xagaas Hargeysa
ah, waxaanay tidhi ilaahayoow ku soo nabad celi, Aniguna iyadii ayaan
ilaalinayaa oo aan isleeyahay kolba rog, iyaduna Aniga ayay ileedahay
habeenkii toloow kii yaraa waa kan fuuf-fuufta hayeen gam’i waayaye
maxaa helay oo uu la saxeexan waayay waa ninkayga intaas leeg ee awoowga
ah, kuwaan dhalay kuwii ay sii dhaleen
ayaa jooga iyadiibaa ayeeyo sadexaad ah.”
Weriye Axmed Xasan Cawke, wuxuu ardaydii ku booriyay in ay ilaaliyaan
xuquuqda ay waalidku ku leeyihiin waxaanu yidhi “Hooyadu ciyaar ma aha
waalidkuna ciyaar ma aha, ciddii ku barbaarisaana ciyaar ma aha.
Akhlaaqda ayaana ka kow ah. Annagu barigii aanu yar yarayn qofka dadka
caaya waa la necbaa.”
Mr. Cawke, oo ka hadlayay shakhsiyaadka TV-yada iska aflagaadeeya wuxuu
yidhi: “Hadda waxaad arkaysaa cayda waa la iskugu faanaaba, awalna waa
laga durki jiray. Imika waxa lagu odhanayaa hadda waa nin weyn oo TV-yada
isa soo taagaya wuu ku dhilay Anigu dhilniinka awal wax kale ayaan u
haystoo, Arabikhi la dhilo uun baan arki jiraye, hadal buu ku dhilay
illayn wuu ku eryay weeyaan. Waxa lagu odhanayaa ma arkaysay siduu
xisbigii ugu qaad qaaday. Waa nin weyn oo Tv-yada isa soo taagay oo
caytamaya, siduu berri madax iigu noqon karaa. Qof wax caayay madax maba
noqon karo waa akhlaaqiyaad ilaahayna wuu neceb yahay. Waxaad doonayso
si fiican baa loo sheegtaa waxaan Ardayeey idinkula dardaarmayaa
akhlaaqda ilaaliya oo dhawrsanaanta ilaaliya.”
|