Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2022 | April 24, 2009 Rabiicul Thaani 28,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Shir Lagu Dhaleeceeyay Xildhibaanada Gobolada Bari Shirkoodii Ay Ku Qabteen Hargeisa Oo Ka Dhacay Laascaanood. Waxaa saaka shir balaadhan isugu yimi masuuliyiinta maamulka Somaliland ee Gobolka Sool,aqoonyahanada,cuqaasha iyo shacab wayne aad u fara badan shirkaas oo ka dhacay hoolka Dawlada hoose ee magaalada Laascaanood si wayna loogu dhaleeceen shir maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Hargeisa kaas oo ay qabteen xildhibaanada Gobolada Sool,Sanaag barri iyo Buuhoodle. Ugu horayn waxaa shirkaasi furay Taliyaha qaybta Police-ka ee Gobolka Sool Maxamed Saleebaan Gooni sagoo sheegay in shirkan maanta la isugu yimi uu yahay mid ay ku dhaleecaynayaan kagana soo horjeedaan shir maalin dhawayd ka dhacay magaalada Hargeisa kaas oo ahaa mid ay qabteen dad caadifadaysan kuna sheegay shirkooda in la cafiyo Beelaha daafaha Somaliland isagoo sheegay in uu hadalkaasi ahaa mid aysan garanayn ujeedadooda cid danbi gashay oo la cafiyona aysan garanayn. Sidoo Caaqil Cali Maxamed Kaarshe ayaa waxa uu sheegay inaysan ahayn arinkaasi mid qancisa qaadana karaan garnayn danbiga ay galeen Beelaha kalena waxa kala gala waligood dhamaysan jireen sidoo kale Caaqil Cali Faarax Cali ayaa sheegay in dadka hadalkaa yidhi ay yihiin dad fidmo gaar ah wada ayna Beelaha kale ay ahaayeen dad isku dhaqan ah isku masiirna ah. Caaqil Cali Ducaale ayaa waxa uu sheegay in haddii wiilasha yari ay wax tabanayaan aysan sida u hadlin ee ay si kale oo xushmad leh u hadlaan isagoo sheegay in aysan matelin Gobolka ugana tacsiyadaynayo Somaliland hadalkaa ay ku hadleen isagoo sidoo kalena sheegay in ay taageersan yihiin Go'aan Golaha Guurtida Maxamuud Axmed Abyan ayaa sidoo kale sheegay inay masuuliyadoodii ay jabtay xildhibaanadaa labada Golana usheegaaan inay kalsoonidii kala noqdeen. Ugu danbayntii ayaa waxaa microphone-kii lagu soo dhaweeyay Xuseen Axmed dalqaf oo sheegay inaysan ku raacsanayn loona baahnayn in dadka isku dhaqanka ah fool xumo la dhex dhigo sidoo kale C/laahi Xirsi Aadan ayaa sheegay in iyagoo wakiil ka ah Gobol aysan hadalkaa meel ka dhaca ah taageersanayn ayna shacabka Gobolka qaybihiisa kala duwani aad uga xumaadeen waxa ay ku hadleen budhcad siyaasadeedku. Ahmed Abdulahi Binow Isuduwaha wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland ee Gobolk Sool.
(Cidii Aan Isyeelyeelaynini Waa Ogyihiin Sababaha Keenay In Ay Doorashooyinka Madaxtooyadu Dib Ugu Dheceen).
Ka dib markaan arkay muranka ku saabsan howlaha Doorashooyinka Madaxtooyada ee beryahan ka jira Somaliland, oo runtii aan si fiican uga dheregsanahay sababaha keenay,ayaan wxaan gartay in aan soo saaro Warsaxaafadeenka:-
Waxaa haboon in marka hore Cilmi baadhis dhab ah lagu sameeyo xaalada guud ee Xilliga ay ku beegan tahay Doorashooyinka Madaxtooyada Somaliland,waxaa fiican in si gaar ah loo eego amase la tixgeliya Bisha RABADAANTA iyo Xaaladaha guud reer guuraaga iyo Cimilada ku beegan bisha ay qabsoomayaan Doorashooyinka Madaxtooyada. Waxaa haboon in dhexdhexaadintu noqoto mid dhexdhexaad ah,loo siman yahay oo aan cidna dhinaca saarin,balse si dhab ah u eegta howsha balaadhan ee Doorashooyinka. Waxaa haboon in aan maalin kasta laga hadal dhexdhexaadin balse meel lagu tiiriyo arimaha Doorashooyinka,loona daayo cidii loo igmaday,mana haboona in maalinba koox cusubi tidhaahdo anaga ayaa idin dhexdhexaadinayna. Waxaa haboon in cid kastaaba aqoonsato in Doorashooyinka ay dib u dhigeen duruufo adag oo dalka ka dhacay,sida Qaraxyadii,Diiwaangelintii,Deeq bixiyayaasha iyo dhamaan arimaha kale ee aynu ka wada dheragsanahay,haddii aan layska Indho tirayn. Waxaa haboon in aan laga hadal oo keliya Doorashooyinka Madaxtooyada ee laga hadlo Doorashooyinkii Deegaanka ee xilligoodii dhamaaday iyo kuwa Baarlamaanka ee xilligoodii soo dhow yahay. Waxaa haboon in laga hadlo meelna lagu hubsado, lana cadeeyo shuurcda dalka u taala iyo cida xaq u leh in ay Go,aamiso xilliga ay Dalka Doorashooyinka Madaxtooyadu ka qabsoomayaan. Waxaa haboon in Mucaaridku ay aqoonsadaan in Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenka ay bedeli karaan oo keliya lamaane kale oo la soo doortay,xataa haddii ay Doorashooyinka Madaxtooyadu ay ka dib dhaco Xilligeeda. Waxay aaminsanahay:- 1. In meesha laga saaro gebi ahaanba kooxaha Ururada sheeganaya sida Qaran iyo UDHIS oo aan qabo in ay yihiin kooxo xil doon ah,wax talo iyo ka hadalna kuma laha arimaha Doorashooyinka Madaxtooyada iyo mid kale toona. 2. Waa in gabi ahaanba la joojiyaa ,talaabo sharciyana laga qaadaa shaqsiyaadka ku faafinayaan qalabka war baahinta iyo Ururada ajanebiga ah dacaayadaha raqiiska ah ee lagu waxyeelaynayo Qaranimada iyo sumcada shacabka Somaliland. 3. Waxaa qabaa in dhexdhexaadinta , dhegaysiga muranka aan sharciga ahayn ay keeni karto dhibaato soo noqnota,balse waxaa haboon in shuruucda dalka lagu dhaqmo,cidii ka hortimaadana lagu qaado talaabo sharci ah. Ugu dambeyn waxaan shacabka Somaliland ugu baaqayaa in ay ilaashadaan Qaranimadooda,Nabadooda iyo Shuruucdooda ,cid kasta oo ka hortimaadana ay talaabo sharci ah ka qaadaan. ALLAA MAHAD LEH. Abdi M.Saleiman(Mingiste) abdi_saleiman@hotmail.com |