Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2038 | May 13, 2009 Rabiicul Al Awal 18,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab Oo Xasan Daahir Aweys Ku Amray Inuu Soo Wareejiyo Hubkii Indho-Cadde Iyo Korneyl Goobaale Al-Shabaab Oo Ka Digtay In Dagaalyahaniinta Ajaanibka Ee Muqdisho Ka Dagaalamaya Loogu Yeedho Ajnebi Muqdisho, May 12, 2009 (Haatuf/W. Wararka) – Hoggaamiyeyaasha ururka Argagixisada ah ee Al-Shabaab ee aan dhalasho ahaan ka soo jeedin Beesha Hawiye, ayaa la sheegay inay ku amreen Xasan Daahir Aweys inuu ku soo wareejiyo hubkii iyo saanadii Milateri ee ay ku wareejiyey Yuusuf Indho-cadde iyo Korneyl Goobaale. Yuusuf Indha-Cadde ayaa habeen hore idaacaddaha Muqdisho u sheegay inuu hubkiisii ku wareejiyey nin ay walaalo yihiin oo aanu magaciisa sheegin, hase yeeshee warar xog-ogaal ah ayaa tibaaxay in Indho-Cadde hubkiisa ku wareejiyay Xasan Daahir Aweys oo ah hoggaamiyaha ay si adag iskaga soo horjeedaan Sheekh Shariif Sh. Axmed, Madaxweynaha dawladda dhowaan Somalia loogu soo dhisay Djibouti, kaas oo hadda loo tirinayo inuu yahay ninka ka dambeeya dagaalada muddada toddobaadka ku dhow ka soo cusboonaaday magaalada Muqdisho. Amarka hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ayaa laga cabsi qabaa inuu keeno isku dhac dagaal oo dhexmara kooxaha uu hoggaaminayo Xasan Daahir Aweys ee ka soo jeeda Beesha Hawiye, gaar Caydh iyo kooxaha Al-Shabaab ee aan dhalasho ahaan ka soo jeedin beelaha Hawiye. Saraakiisha Xisbul Islaam garabka Xasan Daahir ayaa waxaan la qaadan karin ku tilmaamay inay Tiknikadda Indhacadde iyo Goobaale ku wareejiyaan Al-Shabaab hase yeeshee hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab waxay Aweys ugu baaqeen inuu 48 saacadood ku soo wareejiyo waxay ugu yeedheen hubka laga qaniimaystay cadowga Alle. Xasan Daahir Aweys oo xaalad ammaan ugu baxay dhinaca degmadda Afgooye ee gobolka Shabeeladda hoose ayaa sheegay inaanay Indhacadde iyo Goobaale ahayn cadow illaahay balse ay yihiin Mujaahidiin u soo halgamay dalka Somalia. "Indha-cadde iyo Goobaale maaha cadow illaah, waana Mujaahidiin, cidii hubkooda u soo hanqal taagayso waxaanu u aragnaa koox fidno wada" ayuu yidhi Aweys oo ergo ka socotay Shabaab la hadlayay. Xasan Daahir wuxuu laba sannadood fadhiisin ku lahaa Magaaladda Asmara ee Eritrea, isagoo ka mid ah ragga ku jira liiska argagixisada ee Xukuumadda Washington faafisay, waxaanu dhawaan dib ugu soo laabtay Muqdisho isagoo soo maray dalka Suudaan, waxaana la socday markii uu ku soo laabta Muqdisho rag uu ka mid ahaa Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac-Yare). Dhinaca kale, kumanaan dagaalyahaniin ajnebi ah oo isugu jira dhalasho ahaan Afghanistaan, Pakistaan, Hindi, Carab iyo waddamo kale ayaa lagu arkay iyagoo ka qayb-qaadanaya dagaaladii maalmihii u dambeeyay ka dhacayay magaalada Muqdisho, kuwaas oo loo malaynayo inay yihiin dagaalyahaniin ka tirsan ururka Al-Qaacida ee xidhiidhku ka dhexeeyo ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Somalia. Dhinaca kale, Ururka Al-shabaab ayaa ka digay in dagaalyahanada Ajaanibka ah ee Somalia ka dagaalamaya lagu tilmaamo Ajnebi, iyagoo sheegay inay dagaalyahaniintaasi yihiin Muslimiin ay sheegeen in ay u soo gurmadeen ummadda Soomaaliyeed. Madaxa siyaasadda iyo arimaha gobolada ee ururka Al shabaab Xuseen Cali Fiidoow oo warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa ka digay in dad ajaanib ah lagu tilmaamo muslimiin uu sheegay in ay u soo gurmadeen ummadda Soomaaliyeed xiligii dhibaatadu ay haysatay ee ciidamada Itoobiya ay gadaha dalka Somalia ku sugnaayeen. “Markii ummadda Soomaaliyeed iyo dalka Somalia ay ku soo duuleen ciidamada Itoobiya iyo kooxihii ashahaado la dirirka ahaa ee Ummaddu ay islaamka u qaylo dhaansatay ee dadkii u soo gurmaday ee guryahoodii iyo reerahoodii uga soo tegay ee naftooda u huray ee qaar ay ku shahiideen halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen in maanta la yidhaahdo Ajinabi waa arrin khaldan, waxaanuna shacabka uga digeyanaa in aan la khaldin” ayuu yidhi Mr. Xuseen. |