Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2041 | May 17, 2009 Rabiicul Al Awal 22,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
BADHEEDHAHA Muqdisho: Mar Kale Iyo Laba Hoggaamiye-Kooxeed Oo Yeeshay Muuqaalkii Jeneraal Caydiid Iyo Cali Mahdi Horaantii 1991-kii markii magaalada Muqdisho ee caasumaddii Soomaaliya laga eryey taliskii Siyaad Barre waxa maalmo yar ka dib magaalada Muqdisho ka bilaabmay dagaalo riiq dheeraaday oo lagu hoobtay, dagaaladaa waxa kala hogaaminayey Janaral Maxamed Faarax Caydiid oo hogaaminayey Jabhaddii USC ee xoogga lahayd. Sababtii la doono haloogu yeedho ama tafsiirkii la doono halaga bixiyee xaqiiqda biyo-kama dhibcaanka ah ee uu ku salaysnaa dagaalkii u dhexeeyey Janaral Caydiid iyo Cali Mahdi waxay ujeedada iyo nuxurka dagaalkaasi ku fadhidey loollan dhinaca awoodda ah, taas oo uu Caydiid iyo Cali Mahdi mid waliba doonayey inuu isagu meesha qabsado oo madaxweyne ka noqdo. Marxalado badan oo kala duwan ayuu soo maray hirdankii adkaa ee u dhexeeyey Caydiid iyo Cali Mahdi oo sannado badan socday. Ugu yaraan ilaa laba-saddex goor ayaa Cali Mahdi marba loo cumaamaday derejo madaxweynenimo, hase yeeshee madaxweynenimadii Cali Mahdi meelna umay dhaafin qaar ka mid ah xaafadaha Muqdisho, wuxuuna far kala bixi-waayey hogaamiye-kooxeedkii awoodda badnaa ee ka soo horjeeday Janaral Caydiid oo taageero ka haystay qabiilka Habar-gidir ee uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, halka uu Cali Mahdi laftiisuba badhi saaray qabiilka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ee Abgaal. Balse sheekadu intaa kuma dhamaan ee Janaral Caydiid laftiisii ayaa beri dambe xidhay cumaamadii madaxweynenimo ee uu u halgamayey, kuna dhawaaqay dawlad, hase yeeshee dawladdaasina may dhaafin xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana halkoodii ka soo socday dagaaladii, waayo waxa ka horyimi hogaamiye-kooxeedkii Cali Mahdi oo taageero ka haysta qabiilka uu ka dhashay iyo kooxihii ay isbahaysan jireen. Sheekadu waxay socotaba aakhirkii Janaral Caydiid waxa lagu dilay shirqool loo soo maleegay, waxaana toogtay nin dhallinyaro ah, laakiin Cali Mahdi laftiisa inkasta oo aan la dilin, hadana atmosfeerka siyaasadda si tartiib-tartiib ah ayuu uga baxay markii uu Caydiid dhintay, waayo mar hadii uu meesha ka baxay ninkii uu ku gud-bannaa ee laga horgaynayey, sababtii u jiray meesha way ka baxaysaa, wuuna ka baxay, waxaana meeshoodii bedelay oo samaysmay hogaamiye-kooxeedyo yar yar oo uu ninba xaafad ku amarku-taagleeyo. Laakiin hogaamiye-kooxeedyadii waxay muddo xaafadaha ay xukumaan ku amarku-taagleeyaanba waxa iyagana subixii dambe khaarajiyey kooxo isbahaystay oo la magac-baxay midowga maxaakiimta, kuwaas oo ku qaaday guluf dagaal oo xooggan, kana saaray Muqdisho iyo meelihii kale ee ay ka talinayeen. Kooxaha la magac-baxay midowgii maxaakiimta waxay ahaayeen kooxo ku kala duwan dhinac afkaarta, waxayna kala siteen magacyo kala duwan oo diimeed, hase yeeshee waxay isu bahaystay hogaamiye-kooxeedyadii gacanta ku hayey Muqdisho, kuwaas oo ay doonayey inay xukunka kala wareegaan, taasina si hawl yar bay ugu suuragashay, waxayna ahayd sababtii ugu waynayd ee ay maxaakiimtu uga adkaadeen hogaamiye-kooxeedyadii taageero laxaad leh oo ay ka heleen dadweynaha ku dhaqan Muqdisho iyo gobollada kale ee Koonfurta Somaliya, waayo dadku waxay khaati billaahi ka joogsadeen hogaamiye-kooxeedyada, waxayna filayeen inay wax kasta oo dhibaato ah, gaar ahaan dagaallo ku daato iyo nabadgelyadarro iyo qalalaase siyaasadeed intuba meesha ka baxayaan mar hadii ay culimadii diinta islaamku xukunkii la wareegeen. Sida la ogyahay ururkii la magac-baxay midowga maxaakiimta ee ay hogaaminayeen Xasan Daahir Aweys iyo Sheekh Shariif marxaladdo kala duwan ayey soo mareen, waxaana ugu xiisa badnaa marxaladihii soo maray dagaalkii dhexmaray xoogaggii maxaakiimta iyo ciidamadii Itoobiya ee weerarka ku soo qaaday markii ay Muqdisho qabsadeen, dagaalkaas oo keenay inay ciidamada Itoobiya burburiyaan xoogaggii maxaakiimta, hogaamiyeyaashoodiina ay debedaha u cararaan. Labadii hogaamiye ee maxaakiimta Xasan Dahir Aweys iyo Sheekh Shariif markii ay debedda u baxeen waxay sameeyeen urur cusub oo la magac-baxay isbahaysiga dib u xorraynta Somaliya, waxayna sii wadeen dagaalkii hubaysnaa, waxayna mar walba shardi adag ka dhigi jireen inay dagaalka joojin doonaan hadii ay ciidamada Itoobiya dalka ka baxaan, hase yeeshee waxay sheekadu soo gaadhay in hogaamiyihii ugu sareeyey ururkii midowga maxaakiimta Sheekh Shariif loo doorto madaxweynaha Somaliya iyo inay ciidamadii Itoobiya gebi ahaanba ka baxaan dalka Somaliya, dabadeedna markii ay sheekadu halkaa soo gaadhay waxay dad badani filayeen inay dhamaan kooxihii maxaakiimtu taageeri doonaan dawladda Sheekh Shariif maadaama uu yahay hogaamiyahoodii, sheekaduna halkaa ku dhamaan doonto. Hase yeeshee madaxweynenimada Sheekh waxa markiiba si weyn uga cadhooday Xasan Daahir Aweys iyo kooxda la magac-baxday Al-shabaab, waxayna Sheekh Shariif iyo ragga taabacsan ku tilmaameen niman riddoobay oo ka baxay diinta Islaamka. Kooxda Al-shabaab waxa lagu tilmaamaa niman dhinaca afkaarta aad u durugsan oo aanay mawaaqiifka muxarim ka tahay mabaadi’da ku salaysan gorgortan iyo isu tanaasulid, sidaa darteed waxay markiiba bilaabeen dagaallo ba’an oo ay kaga hortegayaan Sheekh Shariif iyo dawladdiisa, waxayna qabsadeen gobollo iyo degmooyin ka mid ah koonfurta Somaliya, kuwaas oo ay hadda ka taliyaan. Xasan Daahir Aweys muddo ayuu baaqi ku ahaa dalka Ereteriya, hase yeeshee toddobaad ka hor ayuu markii ugu horaysay magaalada Muqdisho, waxaana ayaamahaa dhinaca Sheekh Shariif ka soo yeedhayey dhawaaq odhanaya wada-hadal iyo xal nabadgelyo ayaan ugu baaqayaa dhinacyada iyo kooxaha dawladdayda ka soo horjeeda. Sidaa darteed markii uu Xasan Daahir Aweys Muqdisho tegay waxay dad badani rumaysnaayeen inuu kolleyba wada hadal dhexmari doono isaga iyo Shariifk, wada-hadalkaasina uu aakhirka ku dambayn doono heshiis iyo xal nabadgelyo, balse sida ay sheegeen wararka Muqdisho ka soo baxayey Xasan Daahir Aweys shirar is-daba joog ah iyo abaabul xaammi ah ayuu markiiba bilaabay, wuxuuna markiiba ku dhawaaqay urur la magac-baxay xisbul Islaam oo uu isagu (Xasan Daahir) hogaamiyo, isla markaana waxa magaalada Muqdisho ka qarxay dagaal aad u kulul oo faraha lagaga gubtay, dagaalkaas oo lagu tilmaamay mid ka mid ah dagaaladdii ugu am-xaqsanaa, uguna dhiig-daadis badnaa ee Muqdisho ka dhaca wuxuu sababay dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakac xoog leh. Sida ay sheegeen wararka Muqdisho ururka Al-shabaab iyo ururka Xisbul-islaam ee Sheekh Aweys inkasta oo la she gay inay xagga afkaarta ku kala fog yihiin, oo aanay iyaga laftoodu is-bixinayn, hadana iminka way iska bar-bar dagaalamayaan, waxayna isu bahaysteen Sheekh Shariif iyo dawladdiisa. Hase yeeshee sida ay hoosta ka xariiqayaan wararkii u dambeeyey ee Muqdisho ka soo baxay dagaalka hadda taagani wejiyo badan oo siyaasiya ayuu yeeshay, waxaana ka mid ah, inay Sheekh Shariif iyo Xasan Daahir Aweys dagaal aanay waxba isula hadhayn si toos ah foodda isu dareen. Waxa kale oo la sheegay inuu dagaalkani debedda u soo saaray xamaasad xoog leh oo qabyaaladaysan, taas oo la sheegay inuu Sheekh Shariif taageero weyn ka haysto qabiilka Abgaal ee uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, sidoo kale Sheekh Aweys wuxuu isna badhida saaray qabiilka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ee Habar-gidir, gaar ahaan Jilibkiisa hoose ee Cayr, taasina waxay xaaladda Muqdisho dib ugu celisay halkii ay taagnayd 19 sannadood ka hor, waayo labada xilli waxay iska shabbahaan duruufo iyo midabbo badan oo siyaasiya. Marka hore 91-kii labadii nin ee uu dagaalku dhexmaray waxay ahaayeen Janaral Caydiid iyo Cali Mahdi, oo ka soo kala jeeda Habar-gidir iyo Abgaal, maantana labada nin ee dirirayaa waa Xasan Daahir Aweys iyo Shariif Sheekh Axmed oo midna ka soo jeedo Habar-gidir, midna Abgaal. Sidoo kale Maxamed Faarax Caydiid asalka mihnadiisu waxay ahayd Janaraal ciidan, halka Cali Mahdi ka ahaa nin ganacsade ah, maantana Xasan Daahir Aweys asalka mihnadiisu waxay ahayd Kornayl Ciidamada ah, halka uu Sheekh Shariif yahay Shibil ah. Ta kale xiligii 91-kii ee uu dagaalku qarxay Cali Mahdi wuxuu sitay cimaamad madaxweyne, taasina waxay ahayd tii ka cadhaysiisay Janaral Caydiid oo isu arkayey inuu kursigaa kaga xaq leeyahay Cali, maantana Sheekh Shariif ayaa sita cumaamadii madaxweynenimada, taasina waa ta ka cadhaysiisay Xasan Daahir Aweys oo isu arka inuu kursigaa kaga mudan yahay Shariifka iyo waxyaalo kale ayey iska shabbahaan. Hase yeeshee waxa keliya ee ay ku kala duwan yihiin qoladii hore iyo qoladan cusubi waxa weeye shaadhadhka siyaasadeed ee ay kala sitaan iyo dhawaaqyada ay ku sababaynayaan dagaalka socda, waayo Janaraal Caydiid wuxuu lahaa halgankii ummadda ayey koox Maanofesto ahi afduubeen, halka uu Cali Mahdina lahaa niman askar ah oo dagaal iska doonaya weeye, iyadoo uu baytal-qasiiskuna ahaa loollan dhinaca awoodda ah iyo kursiga anigaa ku fadhiisanaya. Sidoo kale maantana Xasan Daahir Aweys wuxuu Sheekh Shariif iyo raggiisa ku eedaynayaa inay halgankii diinta ka baxeen oo ay yihiin cadaw diinta ka riddoobey, halka uu Shariifna leeyahay waa niman dagaal iyo dagaal fawdo isaga hammuumaya oo aan doonayn nidaam iyo nabadgelyo midna, iyadoo uu baytal-qasiiskuna yahay loollan siyaasadeed iyo kursiga anigaa ku fadhiisinaya. Waxaase looga baahan yahay hogaamiyayaasha iyo kooxaha ku hirdamaya Muqdisho iyo nawaaxigeeda magaca ay doonaan ha yeesheene inay joojiyaan dagaalada lagu hoobtay, dadkoodana uga tudhaan dhiigga da’aya iyo saxariirka nololeed ee ay geyeysiiyeen. |