Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2046 May 22, 2009                  Rabiicul Al Awal 27,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Maxaa Djibouti Looga Xusi Waayey 18 May, illeyn Inaguba Waatii Aynu Ina Cumar Geelle U Heesnaye?!

Cali Kayse Kabadhe - Amsterdam

Waxaan Salamayaaa Dhamanba Shacabka Somaliland Meelkasta oo Ay Joogaanm,Waxanan Ugu Hanbalyeynayaa Maalinta 18 MAY Ee La Soo Noqoshadii Somaliland .
Waxaan aad iyo aad ula yaabay in ay jiraan dad Somalilander ah oo aan aqoonba Cadowgooda iyo cidda ka soo horjeeda jiritaanka Somaliland,
Laga soo bilaabo xiligii ururkii xaq u dirir ka ahaa ee SNM uu Dagaalkii Xaqa ah kula jiray Rajiimkii Siyaad Barre Dalka Djibouti wuxuu ahaa cadowga ummada Somaliland, 1987 waxaad ogaydeen in Dalka Djibouti uu Heshiisiiyey Ethiopia iyo Siyaad Bare taas macnaheedu ahaa in ururkii dhaqdhaaqa Wadaniga Somaliyeed SNM in laga soo saaro gudaha Dalka Ethiopia kadibna aanay helin meel ay gaboodka dhigtaan ama ay dagaal kaga soo qaadaan Rajiimkii Siyaad Bare iyo dowladiisii, Waxanay ahayd Hiiil cad oo Djibouti ugu hiilaynayso Gacanku dhiiglihii Siyaad Barre,Xiligaa Djibouti hadii ay wado dan ummuda Somaliyeed waxay heshiisiin lahayd SNM Iyo dowladii,laakiin may wadin wax dan u ah ummada Somaliyeed ee waxay ahayd uun nacaybka Dadkii degi jiray Goboladii waqooyi imikana ah Jamuuriyada Dimuquraadiga Somaliland.

1988 Markii Gobolada Waqooyi la duqaynayey Diyaaradii Hargeysa ka kacaysay hadana ay dib u duqaynaysay shacabkii Reer Hargeysa ee ka qaxay duqayntii Diyaaradihii dowladii dhiigya cabka ahayd Dalka Djibouti wuxuu Sameeyey in uu dadkii maatada ahaa ee ku soo qaxay ay dib ugu celiyaan meeshii lagu laynayey, taasi waxay ahayd cadaawada iyo nacaybka soo jireenka ah ee Dalka Djibouti u qabaan Shacabka Somaliland.

Markii ururkii Xaq u dirirka ahaa ee SNM duruusta lama ilaawaanka ah u dhigay dawladii Siyaad Bare ee uu ku guulaystay in aynu Dawladnimadii 1960kii luntay aynu dhidibada u aasno Sidaana shacabkii Somaliland gacmaha isku qabsadeen Burcona 1991- 18- MAY- lagaga dhawaaqay Somaliland in ay Xoriyadii ka luntay dib ula soo noqotay oo aanay Somaliya midnimo danbe la gelayn, dalka Djibouti in yar ka dib wuxuu soo abaabulay shirkii lagu caleemo saaray ninkii la odhan jiray Cali Mahdi Iyada oo Dalka Djibouti ujeedada ay ka lahaayeen tahay in la dhiso dawlad Somaliyed oo Somalilandtan leh waanu ka noqonay Midowgii aanu la galay Somaliyana Cadow ku noqota ficil ahaan iyo siyaasad ahaanba, Sidaas oo kale Dalka Djibouti intaa Somaliland marna SNM ahayd marna Burco ku shiraysay waxay Djibouti ka shaqaynaysay halgankii in uu bur buro oo aanu midho dhal noqon shirkii Burcona in lagu kala yaaco oo aan waxba ka so bixin.

Markii hadana ay Shaqayn Wayday Dowladii Cali Mahdi ee Caydiid ku kacay ee sheekadii Cali Mahd Qabiil Qabiil isu Rogtay Mudo dheerna laga soo wareegay Somalilandna wax u kordha mooyaane aan waxba ka xumaan hadana Djibouti waxay soo abaabushay Koox kale oo uu hogaaminayo Cabdi qasab oo ah ninka imika meelahaa ka yidhaaha waa nala xansuuqay oo Ethiopia iyo Cabdilaahi Yusuf ayaa na laayey, Sidoo kalena ah Wasiirkii Arimaha Gudaha ee xiligii 60ka qof ee Somaliland u dhashay Xeebta Jasiira lagu laayey ee aan mar keliya juuq iyo jaaq midna odhan, Djibouti hadana Mr Cabdi Qasab ayay Cumaamad u xidhay oo tidhi madaxwayne ayaad tahay Djibouti intaa waxay doonaysaa maha somalinimo ee wax keliya ee ka maqan waa in ay hesho cadow Somaliland yeellato.!

Cadaawadii iyo Nacaybkii Djibouti ee soo jiraanka ahaa illaa xiligiii halgankii SNM weli waa socdaa waxaana u danbeeyey sanadkan bilowdiigiisii markii ay hadana koofiyad u xidheen sheekh shariif oo markii hore flim ka wadaadnimo ku metelayey imikana aan arkayey isaga oo HEESAYA OO leh ii garaaca Soomaliyeey Toosooo isku tiirsada, intii aanu xilka qabana lahaa Ciyaaraha in la daawadaa waa xaaraan film-mada in la gallaa waa xaaraan, imikana aad arkaysan in uu xitaa Koofiyadii sii tuurayo, Waxa keliya ee ay saaxiib ku noqdeen ama heshiis kuwada yihiin Sheekh Shariif iyo Djibouti waa Cadaawada Somaliland, Hadaba Waxaa iswaydiin mudan intii Somaliland jirtay Sidee ayaynu u arkayney cadaawada minjo xaabinta Djibouti ku hayso Somaliland?

Ninka Neceb Sinaantiina

Adna Diid Sarayntiisa

Sedka Waa Wadaagtaane

Ma sagaashanbaa Tiisu

Waxaa jiray Xiligii uu Madaxweynaha ahaa alle naxariistii jana haka waraabiyee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal in uu Debada u dhoofay kadibna isaga oo debada ku maqan Djibouti Doorasho ka dhacday kadibna Dictator Ismaaciil Cumar Gelle lagu doortay, Waxaana Madaxweyne ku xigeenka ahaa markaa Somaliland Ina Riyaale BBCDA laanta afka Somaliga ayuu Riyaale ka hadlay wuxuuna yidhi waanu hanbalyaynaynaa ina Geelle, Taasi waxay ahayd ama dadka Somalilanderka u muujinaysay in Riyaale yahay nin aad u jecel Dowlada Ciisaha iyo ina Geelle waxa kale oo ay muujinaysay in aanu aqoonba Cadowga Somaliland iyo saaxiibka Somaliland. Alle ha u naxariistee Cigaal ayaa soo noqday waxaanu yidhi isaga ayay ku kooban tahay hanbalayada uu u diray ina Geelle.

Jacaylkii ina Riyaale u qabay Djibouti wuxuu laba laxaadsaday Markii uu Madaxweyne ka noqday Somaliland oo run ahaantii aanu garanaynba Meesha ay ka timid iyo sida ay ku timid Somaliland iyo cidda u cadowga ah, lama soo koobi karo xubiga uu Ina Riyaale u hayo Djibouti iyo nacaybka Djibouti u hayso Somaliland bal aan soo qaadano labadan sano ee ugu danbeeyey.

1- Dowlada Eretria iyo Djibouti ayaa dagaal dhexmaray waxaa Riyaale oo aad moodo in Geelle yidhi hadal uu Eretria ku eedeeyay oo wuxuu yidhi DAGAALKA GARDARADA AH EE ERETERIA WADO WAANU KA SOO HOR JEEDNAA HIIL IYO HOOBA WAANU LA GARAB TAAGANAHAY DJIBOUTI
Riyaale ma og tahay in cadowgaaga cadowgiisu in uu saaxiibkaa yahay? maya ma ogid sababtu waxay tahay Dowlada Ciisaha iyo ina Geelle ayaad jecehashay.

2-Iyada oo Hooyadii Dhashay Mujaahid MAXAMED XAASHI DIIRIYE (LIXLE ) aad aragteen nolosha ay ku nooshahay cida iyo ciirsiga u maqanina tahay Somaliland, Cashuurtii ka soo baxday Dalkii inankeedu u dhintay waxaad ogtihiin in INA Riyaale 2000 oo neef oo adhi ah Djibouti u siiyey taasina waa JACAYLKA Riyaale u qabo.

3-Dekedii Geeska Africa ugu waynayd ee Berbera waxaad ogtihiin in Riyaale Djibouti u wereejiyey oo imika aan kiish ka soo degin Dekadii Berbera sababtu waxay tahay Madaxweyne Riyaale Horumarka Somaliland Wuxuu ka Jecel yahay Horumarka Djibouti.

4- Imika Waxaynu maraynaa in la yidhaaho waxaynu u heesaynaa Ismaaciil Cumar Geelle oo Dakhligii Somaliland loo isticimaalo in aynu Cadowgeena xaflado ugu qabano sidii tii Hutel Maansoor iyo tii kale ee Boorama oo labaduba Dowlada SOMALILAND Lacagta lagu maamulayey Bixisay.!

5- waxaad ogaydeen Markii Riyaale Adhiga ugu deeqay Djibouti Dhowr casho Kadib in Aadan Mirre Waqaf oo Ah Gudoomiye Kuxigeenka Kowaad Ee Xusbiga UCID oo ku safrayey Passport Somaliland laga soo celiyey oo la yidhi Ku gelimaysid Dalkagayaga.

6-18 MAY ka waa maalintii ay Somaliland cagaheeda isku taagtay waana maalin ku qaaliya shacabka Somaliland sida oo kalena laga xuso dunida oo dhan meelkasta oo Qof Somalilander ahi joogo ama cid taageertaa Joogto Djibouti oo Adhigeenii iyo Dekediiniiba Isku darsatay 18 sanodood oo Somaliland jirtay lagama xusin xitaa dadka Somalilanderka ah ee degan Djibouti looma Ogolla in ay xusaan  xuska maalintaa.

Ugu danbeyntii Shacabkba Somaliland waxaan waydiin lahaa madaxwaynaheena Riyaale Somaliland Iyo Djibouti kee buu jecel yahay Tolow? Riyaalena Waxaan odhan lahaa Djiboutina Jeclaanmaysid Somalilandna Madaxwayne ka aahaanmayside labadaa Soo Kala Dooro?

Cali Kayse Kabadhe

Calikayse@live.com
Netherlands/Amsterdam