Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2055 June 02, 2009                  Rabiicul Al Awal 08,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Maayirka Xaafad Bariga London Ah Oo Jaaliyada Somalidu Xaflad Casho-Sharaf Ah U Sameeyeen 

London, June 2, 2009 (Haatuf) – Xaflad si aad u heer saraysa loo soo abaabulay ayaa habeenimadii habeen hore ka dhacday Hudheel la yidhaahdo Blue Ocean Restaurant oo ku yaala galbeedka magaaladan London. Martiqaadka xafladan oo ay soo qabanqaabisay shirkada Ziita Travel ayaa waxa uu ahaa mid laysku arkay oo dadweynaha reer London aanay u kala hadhin soo dhoweynta Mayor Ahmed oo hantay mansabkii ugu muhiimsanaa ee abid uu qof asal ahaan Somali ahi ka qabto wadamada reer galbeedka ee Soomalidu u soo hayaantay. Xafladda ayaa waxaa ugu horeyn lagu furay ayaadaha qur’aanka kariimka ah, ka dibna waxaa maykarafoonka lagu wareejiyey Gudoomiyaha ganacsatada Soomaalida ee London Ahmed Cadarre, isla markaana ah mulkiilaha shirkada Ziita Travel, isagoo ugu horayn Mayorka & marti sharafti kale ee xaflada ka soo qayb gashayba soo dhoweeyey, si guud marana uga waramay doorka ganacsatada ee bulshada, waxa kaloo uu Ahmed Cadare ka waramay aqoonta ay isu lahaayeen mudo dheer Mayor Ahmed Omar.

Sidoo kale marti sharaftii kale ee xafladaas lagu casuumay ayaa waxaa ka mid ahaa Suldaan Osman Suldaan Ali oo ka mida hormuudka salaadiinta reer Somaliland oo booqasho ku jooga cariga Ingiriiska. Suldaanka ayaa hadal kooban oo uu xalay xaflada ka jeediyey ku gubaabiyey shacabka Soomaaliyeed isku duubni si ay wax ula qaybsadaan qowmiyadaha kale ee ay wadamadan reer galbeedka kula nool yihiin. Mayor Ahmed ayaa isaguna Khudbad qiiro lahayd oo uu halkaa ka jeediyey habeenkii xalay si qoto dheer ugaga xog waramay marxalad adag oo uu u soo maray inuu halkan soo gaadho, waxaanu si shucuuri ku dhehan tahay ugu gubaabiyey dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada reer galbeedka khaas ahaan kuwa ku dhaqan wadankan Britain inay fadhiga ka kacaan oo masraxyada siyaasada ee wadankan ka muuqdaan wiilal & hablaba. Ugu danbayntiina mar saxaafadu wax ka weydiisey bal inuu talaabo kale hore u qaadayo oo uu mustaqbalka xubin Baarlamaanka wadankan Britain ah isu sharixi doono iyo in kale ayuu wuxuu ku jawaabay inuu halkan ku soo gaadhay isagoo aanu wax taageero ah oo la taaban karo ka helin shacabka Soomaaliyeed sidaa awgeedna aanay u qorsheysnayn inuu hada baarlamaanka isu sharaxo, balse uu go’aankaa qaadan doono marka uu garabkiisa ka arko siayasiyiin badan oo Soomaaliyeed oo golayaasha deegaanka ka soo baxa taasoo uu Mayor Ahmed muujiyey inay garab iyo gaashaan u noqon doonaan. waxaanu hadalkiisii ku soo gunaanaday dhalinyaradu axsaabta wadankan inay iska diiwaan geliyaan kana noqdaan xubno firfircoon.

Waxaa iyaguna xafladaan ka hadlay masuuliyiin ka socdey qaybaha bulshada oo ay ka mid ahaayeen ganacsade Mohamed Abdi & Awliyo Dadweyne. Dhanka saxaafadda ayaa iyaguna habeen hore si weyn uga dhex muuqday xafladda waxaana xafladdan ka soo qayb galay wargeyska Eastend life, Jamhuria, Somali Eye, Somaliland TV-Eroupe, & SOA Radio.

Source Mohamed Yassin SOA Radio-London