Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2063 June 11, 2009                  jamaadul Thani 17,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Yaqiinsi – Gabay

Gabaygan oo la magac baxay Yaqiinsi, wuxuu soo baxay 09.01.2009, maalmihii ay ugu darnayd ee Yuhuudu xasuuqa ka waday QASA ee aduunka oo dhami daawanayey sida loo xasuuqayo Falastiiniyiinta dhimashadu waxay ku dhawayd ilaa 2000 ( laba Kun) dhaawacunu wuxuu kor u dhaafay ilaa 5000 ( shan kun) Gaal iyo Islaam cid u gurmata ama ka daaya tidhaana may jirin, haday jirtayna way yarayd.

Waxaa kale oo gabaygu ka hadlayaa

2) Diiwaan galintii Somaliland oo dhamaatay, Guusha iyo horumarka ay Somaliland gaadhay.

Waxaan ku hal qabsanayaa nin aanu saaxiib nahay la yidhaahdo Maxamuud (Halwad) oo ka mida Fanaaniinta Dhalinyarada ah oo degan magaalada Coventry ee cariga Ingiriiska.

Wuxuu yidhi

Ya’ley gabay Hal-wadow baryahan, uma yaloosnayne

Markii yaab aftahaniyo murtida, Yeekaba loo waayey


Ee yarowga biigiyo shax-yare, yiiska ku walaaqay

Ay Yurub ku ayn faadaybaan, jaray yadhoohdeede

 

Mar hadaadse Yuusufow I tidhood, yuugtay arartiisa

Waa lagu yad-sooraa nin ragga, Yaanka maansada

Yufadiisa qabo caawaan marin, ku aad la yaabtaaye


Afartaa yagdheeyaye waxaan, yeda ka raacsiiyey

Halwadow Yahuud iyo Kufraa, yuuqay dunidiiye

Rag nimaan yaqiintooda marin, way ya’kulayaane

Yaanbaday ku gooyaan ninkaan, yeelin amarkoode

Hadba kay yu’daanbay Iskaat, yoow-le ku ridaane


Yar-yarkii Islaamkiyo naflihii, yoolku salabeeye

Yaacaha sayruukhiyo Af-gaan, yaadh-kufraa jaraye

Soomaalaa Yiciis iyo Amxaar, Yuubku cunayaaye

Yeman iyo Sudaanbaa walaal, Yuufle loo diraye

 

Sidii loo yakeeyey Jeejniya, yuus kamaad maqale

Yoobsantii Carbeed waa horey, yarad u qaateene

Ciraaqbay yamleysada u wadheen, yacay ha waayaane


Yoonis Dooba, Yix caruur le, yoos-cade gaboobey

Inta Yeeg la qalay Falastiin, waad yax-yaxaysaaye


Yahuun li’idi waa waxay Islaam, ku yar-yaraysteene

Yur hadaanad weeraha ku odhan, wuu ku yudhayaaye

Iyagoo Yamiinkii walaalkood, yatiinkiis la laynaayo

Ayuunbaa sidii yaabsan dumar, ay yulqamayaane

Ragna yicibta waxaa nooga dhigay, waa yag-yaaglaha e


Jeeray Yaasiinka diintiyo, yaqiin wada raacdo

Jeeray Yacquub dooratiyo geesi, Yeeka taliyeena

Jeeray yaboohsigiyo baryada, yuugsiga ka faanto

Jeeray yamiiniyo noqdaan jidh-qudha, yeda bidixeed


Jeeray yicibta tuurtiyo hungada, yacayga loo daadsho

Jeeray yaanbada qaadatoo, yaabista wadaagto

Yaw sheekha, Yaahuu la tolay, Yaxaas iyo Gaade

Iimaan-yuugiyo jeeray dilaan, gaalku nimuu yeeshay

Yudh-yudhkaasi uunbay ku jiri, yuus iyo baroore


Waxba ya’du yay ila durkine, waxaan kusoo yeelay

 

Yixda Burco, yaalaha Sanaag, Yaroowiyo Sheekh

Yabantii Laas-caaniyo Caynaba, yiilka Ceerigaabo

Yoocada Laas-dhuuriyo Dhubato, yaaqa Bula-xaar

Yarka Saylac, yoocada Berbera, yaabislaha Maakhir

 

Yalacleydii Boorame ilaa Dila, Yeel-cuna dusheeda

Yoom-laha Wajaaliyo Gabiley, yuururada Deeble

Yurubtii Hargeysiyo Xareed, Sheekha Cumar Yuusuf

Yed-sanbaa diwaan loo gashoo, yaalka lagu duugye


Yabaal lalama doodiyo nin gudhan, kii yulqami-uune

Kol hadii yariyo kii fara lahaa, lays yaqiinsaday


Yeedhaa-faaney oo dambaanan, yaa ka gurahayne

Yaacdada taariikhdiyo ku duug, year-laha suugaanta.


Yuusuf Dhamac Xasan

Aar9923@hotmail.com
Coventry, UK