|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2063 | June 11, 2009 jamaadul Thani 17,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Rayaale Oo Maanta Ka Qaybgalay Aaska Wasiirkii Xidhiidhka Golayaasha, Kana Muquurtay Duruufo Badan Oo Reer Boorama Uga Caban Lahaayeen. Boorama, June 12, 2009 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti culus oo uu hoggaaminayey ayaa shalay kumanyaal qof oo reer Awdal iyo reer Somaliland ahba kala qaybgalay aaska marxuum Cabdi Xasan Buuni, wasiirkii Xidhiidhka Golayasha oo toddobaad ka hor ku geeriyooday dalka UK. Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar Sheekh, aaska marxuum Cabdi Xasan Buuni, ayaa sidoo kale waxa ka qaybgalay madaxda xisbiyada qaranka, shirguddoonka Baarlamaanka, xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Xildhibaanno ka tirsan goleyaasha baarlamaanka (Wakiilada iyo Guurtida), aqoonyahanno, siyaasiyiin, salaadiin, cuqaal iyo dadweyne aad u farabadan oo ka kala yimid daafaha Somaliland iyo dalalka debeddaba. Subaxnidii hore ee shalay markii ay meydka marxuumkaasi diyaarad khaas ahi ka keentay dalka Djibouti, ayaa isla goobtii loogu tukaday salaatul jinaasa, iyadoo ka hor intii aan la aasin uu Madaxweyne Rayale ka furay calanka Somaliland ee ku duubnaa meydka Marxuumka. Madaxweynaha oo hadal tacsi ah ka jeediyey xabaasha marxuumka lagu aasay ayaa tacsi u diray guud ahaanba shacbiga Somaliland, qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka tegey marxuum X. Cabdi Xasan Buuni, isagoo ilaahayna uga baryey inuu jannadii ka waraabiyo intii uu ka tegeyna samir iyo iimaan ka siiyo. Aaskaa kaddib ayaa madaxweynaha iyo weftigii ka soo kicitimay Hargeysa iyo madaxdii xisbiyada qarankuba ku nasteen huteel Rays, halkaas oo uu madaxweynuhu kulan gaar ah oo ku saabsan aaska marxuum Cabdi Xasan Buuni uu kula yeeshay hoolka shirarka ee Huteelkaasi, kadibna Madaxweynaha iyo weftiga ka socday xukuumaddu qado u tegeen guriga martida Boorama, oo wakhtigaa ay ka muuqatay dayac badan iyo arrad sannado badan soo hayey, xilna ka saaran yahay maamulka dawladda Hoose ee Boorama. Qadadda kadib, cabaare 3:30 galabnimo ayaa madaxweynaha iyo weftigiisuba dib ugu soo laabteen magaalada Hargeysa, iyadoo qaybo badan oo ka mid ah dadweynaha Boorama ay weli u haysteen in Rayaale aanu si dhakhso ah uga tegeyn maadaama uu toddoba sano kaga maqnaa caasimadda Hargeysa. Haddaba markaad eegto miisaanka weftiga madaxweynuhu kaga qaybgalay aaska marxuum Cabdi Xasan Buuni, iyo sida degdegga ah ee uu ugu soo laabtay Hargeysa ayaa ahayd laba shay oo kala fog, iyadoo maalmahanba magaalada Boorama laga hadalhayey in madaxweyne Rayaale Boorama iman doono isla markaana joogi doono muddo aan ka yarayn laba toddobaad, balse sida muuqata Madaxweyne Rayaale aanu ku soo talogalin wax ka badan aaska marxuum Cabdi Xasan Buuni oo uu ka qaybgalo, wax olole siyaasadeed ahna aanu gelin. Balse dhinaca kale markaad eegto waxa Boorama ka socday dhaqdhaqaaqyo ay samaynayeen xubno isugu jira ganacsato, salaadiin, iyo qaar ka tirsan maamulka dawladduba, kuwaas oo ujeedadoodu ahayd inay ugu yaraan Madaxweynaha u sheegtaan duruufo maamul, kuwa dhaqaale, iyo kuwa siyaasadeed oo gobolka Awdal ka jira, isla markaana Rayaale dhegeysto ama wax uga qabto, isagoo dhinaca kalena Madaxweynaha iyo weftigiisuba maanka ku hayeen inaanay isku furfurin cabashooyinka buux-dhaafay, tabashooyinka iyo abaal-sheegashooyin kaga iman lahaa bulshada uu toddobada sano ka maqanaa ee ku dhaqan gobolka uu ka soo jeedo. Dhinaca wufuudda aaska marxuum Buuni ka soo qaybgashay ayaa waxa kala hoggaaminayey madaxda saddexda xisbi qaran, oo kala ah Jaamac Yaasiin Faarax oo hoggaaminayey weftiga xisbiga UDUB, Faysal Cali Waraabe, oo hoggaaminayey UCID, kana mid ahaayeen weftigiisa ku-xigeenka guddoomiyaha xisbigaasi, Aadan Maxamed Mire Waqaf, afhayeenka xisbigaas Xasan Xuseen, iyo xubno kale, halka xisbiga Kulmiye-na uu horkacayey Ku-simaha guddoomiyaha xisbigaas, ahna guddoomiye ku-xigeenka koowaad Muuse Biixi Cabdi, isla markaana ay la socdeen Guddoomiye ku-xigeenka labaad Cabdiraxmaan Cabdi-qaadir, Maxamed Kaahin Axmed, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Muj. Maxamed Xasan Jidhif, Cabdikariim Xinif iyo xubno kale. Shir-guddoonka Golaha Wakiilada oo si buuxda uga soo qabgalay aaska marxuum Buuni, ayaa waxa horkacayey Guddoomiyaha baarlamaanka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo ay la socdeen labada guddoomiye ku-xigeen, Cabdi-Casiis Maxamed Samaale iyo Baashe Maxamed Faarax. Dhinaca kale magaalada Boorama ayaa laga dareemay miisaanka weftiga madaxweynuhu kaga qaybgalay aaska marxuum Cabdi Xasan Buuni, isla markaana martida ka soo qaybgashay aaska marxuumku qariyeen dadweynihii Boorama, iyadoo dhinaca kalena la arkayey odayaal iyo siyaasiyiin reer Boorama ah oo ku sii qulqulayey Huteel Rays oo loogu sheegay Madaxweynaha iyo weftigiisa, balse badankoodu ku hungoobay markii loo sheegay in Rayaale ka baxay magaalada. Si kastaba ha ahaatee waxa meesha ka maqnaa shirgudoonka Golaha Guurtida, oo aan aaska ka muuqan, gaar ahaan Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Ku xigeenkiisa Sh. Axmed Sh. Nuux, iyo guddiyada joogtada ah xubno ka socdaba. Wasiirada Madaxweyne Rayaale ku weheliyey socdaalkiisan ayaa kala ahaa wasiirada Daakhiliga, Cabdillaahi Ismaaciil Cirro, Madaxtooyada Nuur Aamin, Xanaanada Xoolaha, Idiris Ibraahim Cabdi, Caafimaadka Cabdi Haybe, Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir, agaasimeyaal Guud iyo madax ka tirsan ciidamada amniga. Soo dhaweynta weftiga Madaxweynaha iyo qabanqaabada aaska marxuum Cabdi Xasan Buuni ayaa waxa dhinaca maamulka dawladda isku xilsaaray guddi ka kooban guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Sh. C/laahi Cige, iyo maayarka Boorama Cabdi Shide. iyo xubno ka soo jeeday qoyska uu ka geeriyooday marxuum Cabdi Xasan Buuni. |