Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2065 June 14, 2009                  jamaadul Thani 20,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Ganacsatada Iyo Gaadiidleyda Ka Shaqaysata Xeebaha Galbeed OoLooga Digey Inay Tagaan Dekeda Macmalka Ah Bullo-Caddo.

Boorama, June 14 2009 (Haatuf) – Ganacsatada iyo Gaadiidleyda ka shaqaysta xeebaha galbeed ee somaliland ayaa looga digey inay tagaan dekeda macmalka ah ee Bullo-caddo oo u dhaxaysa degmooyinka Lughaya iyo Saylac, halkaas oo todobaadadii aynu soo dhaafnay lagu qabtay Gaadiid laga leeyahay Boorama, kuwaas oo la sheegay inay halkaas ka qaadayeen badeecado Kootara-baan ahaan kaga soo dega dekedahaas Macmalka ah, iyada oo ay wararku tibaaxeen in arintaasi loo xidhxidhay dhawr qof, balse markii dambe ay sii daayeen ciidamda amaanku dadkii falkaasi loo qabqabtay.

Sida uu ku soo waramayo weriyaha Haatuf ee Boorama Maxamed Cumar Sheekh Digniintan ayaa waxa uga digey ganacsatada iyo gaadiidleyda Saraakiisha Ciidanka amniga ee gobolka Awdal iyo degmada Saylac kadib markii dhawaan laga shakiyey dooni siday shixnado aan la garanayn oo ku soo xidhatay dekadaas macmalka ah, taas oo ay wararka qaarkood sheegayeen inay siday hub kootarabaan ah oo ay leeyihiin dad ganacsato ah oo u dhashay deegaankaasi, balse markii dambe masuuliyiin  ka tirsan gobolkaasi ay sheegeen in ay doonidasi siday Buuri.

wadada isku xidha deegaanada Gobolada Awdal iyo Selel ayaa looga digay inay Maraan halkaasi, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Gobolka Selel iyo degaano ka tirsan gobolka Awdal, kuwaasi oo intaa ku daray in aanay Dignaantaasi aanay waxba ka ogayn ciidamada amniga  ee labadaasi gobol.

Wararkan ayaa soo baxay kadib markii toddobaadkii hore gaadiid xamuul sida oo laga leeyahyay gobolka Awdal laga soo qabqabtay iyaga oo maraya waddo xeebeedka u dhaxaysa Lughaya iyo Saylac, halkaaasi oo sida la sheegay ay doonayeen inay shixnad buuriga badeecadaha lagu cabbo ka soo rarteen deegaanka lagu magacaabo Bullo-Caddo.

Inkastoo sida la sheegay gaadiikan iyo xamuulkoodaba la sii daayey ayaa hadana waxa sodaalkooda xeebtu deegaankaasi  dalka gudihiisa ah ka abuurtay shaki weyn  oo ku saabsan  nooca badeecadda ay gaadiidkaasi ka soo qaadi karaaan dhul aan lahayn kastamo iyo ciidamo ilaalin kara  badeecado khatar ku noqon kara amniga dalka.

Inkasta oo aanay ciidamada amniga iyo maamulada labadaa gobol aanay ka hadlin dareenka ka dhacay xeebta Lughaya iyo Saylac u dhaxaysa, waxaayse wararka qaar socdaalka gaadiidkaasi xamuulka ah ku tilmaameen mid ka dhashay cashuurta qaaliga ah ee badeecadaha ka soo dega dalka Jabuuti ama badda ka gala ee lagu cashuuro kastamka Saylac ay qaali yihiin, sidaa darteedna ay ganacsatada ku khasabtay inay raadsadaan meel aanay ciddi wax cashuur ah weydiinin, balse dhinaca kale iyaga laftooda usoo jiidi karaya in gaadiidkaasi loo adeegsan karo  daabulka hub iyo waxyaalo qarxa ah loo adeegsan karo amni darro ka dhacda Somaliland.

Waddo xeebeeda  looga digay gaadiikaasi iyo ganacsatadaasi ayaa waxa sannadihii sideetameeyadii isticmaali jirtay shirkad Batroolka qaabilsan oo la yidhaa Chevron, taas oo u isticmaali jirtay deked macmal ah oo ay ka samaysataya meesha la iydhaahdo Bullo-Caddo kuna dhaw deegaanka xeebta ah ee ay shidaalka ka baadhi jirtay, jidkaas oo ah mid khatartiisu badan tahay gaadiid iyo dad badanina ku lumeen markii ay ka ambadeen jidkaasi macmalka ah.

dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Selel Cawaale Ismaaciil Xasan ayaa isna kormeer la xidhiidha xaqiijinta amniga gobolka Selel haatan ku maraya deegaano ka tirsan gobolka Selel.

Guddoomiyaha oo haatan socdaal ku maraya degmada  Garbo-dadar ayaa warar laga soo xigtay ay sheegeen inuu dadweynaha iyo maamulada deegaankaasi kala hadlayo xoojinta amniga iyo la socodka dhaqdhaqaaq kasta oo dalka lagu soo gelin karo hub sharcidaro ah oo lagu sheego inuu ka iman karo xeebta gobolkaasi, loona soo gudbin karo degmada Garbadadar oo ah degmada ay ku kulmaa dhamaan waddooyinka  isku xidha  Hargeysa  iyo xeebaha galbeedka.

Sida wararku sheegayaan badhasaabka gobolka ayaa kulamo la leh madax dhaqameedyada deegaankaasi, iyadoo dhinaca kalena la sheegayo in badhasaabku eegayo warbixina ka dhageysanayo madaxdhaqameedyada iyo maamulada deegaamadaaasi, taas oo hordhac u ah olole siyaasadeed oo dadka dhulkaasi lagu baraarujinayo.