Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2068 | June 17, 2009 jamaadul Thani 23,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Xarunta Imtixaanadka Oo Soo Saartay Jadwalka Bilawga Imtixaanka Shahaadiga Hargeysa, June 17, 2009 (Haatuf) – Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, ayaa soo saaray jadwalka Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2008/2009 oo maalinta Sabtida ee 20-ka bisha June si rasmi ah uga bilaabmi doona dhammaan gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland oo dhan. Qoraal ka soo baxay shalay xafiiska Imtixaanaadka Qaranka ee magaalada Hargeysa, kuna saxeexan yahay Daa’uud Axmed Faarax gudoomiyaha Xarunta Imtixaanaadka Qaranka ayaa lagu qeexay in maalinta Sabtida ay ardayda dugsiga dhexe ee fasalka siddeedaad iyo ardayda fasalka Afraad ee dugsiyada Sare u fadhiisaan imtixaankii kama-dambaysta ah ee waxbarashada, kaas oo socon doona muddo shan maalmood ah. Sida ku cad jadwalkan imtixaanaadkan ayaa sannadkan kaga duwan kuwii hore wax ka bedel lagu sameeyay qaab-dhismeedka manhajka waxbarashada dugsiyada sare, iyadoo loo kala qaybiyey Saynis iyo Arts, taasina ay keentay inay ku soo kordhaan sannadkan maadooyin cusub oo ay ka mid yihiin cilmiga beeraha iyo ganacsiga, iyadoo ardayda qaadatay waxbarashada Arts-ku aanay u fadhiisan doonin maadooyinka Sayniska, halka kuwo qaatay Saynisku aanay u fadhiisan doonin iyaguna maadooyinka Arts-ka. Xarunta imtixaanaadka Qaranka ayaa iyadu diyaar-garow weyn ugu jirta sidii ay imtixaanaadkani ugu dhici lahaayeen si hufan isla markaana loo ilaalin lahaa ardayda inay qishaan wakhtiga imtixaanaadku socdaan, iyadoo sannadkan laga mamnuucay ardaydu marka ay imitixaanka gelayaan inay soo qaataan buuggaag, warqado, khadka wax lagu masaxo, telefoonada gacanta (Mobile) iyo aaladda xisaabta ee kaakulaytarka. Fadlan gudaha ka akhri jadwalka ay soo saartay xarunta Imtixaanaadka Qaranka oo dhammaystiran. |