|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2070 | June 19, 2009 jamaadul Thani 25,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
“Anigu Ma Odhan Dastuurka Ha La Furo Wakhtigeediina Ma Joogno” Cali Warancadde Wasiirak Duulista Iyo Hawadda Hargeysa, June 19, 2009 (Haatuf) - Wasiirka wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde ayaa shalay been iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay war laga soo xigtay oo ay saxaafadu baahisay oo la xidhiidhay inuu ku baaqay in Somaliland ay sida shacbiga Jabuuti dastuurka ugu fureen madaxweynahooda ay kaga daydaan. Wasiirka Duulista hawadu wuxuu sidaasi ku sheegay shalaymar uu ka soo laabtay dalka Jabuuti oo uu socdaal qaatay muddo dhawr cisho ah ugu maqnaa, waxaanu shir jaraa’id oo ku qabtay madaarka Hargeysa uu kaga waramay natiijadii booqashadiisa, xidhiidha Somaliland iyo Jabuuti iyo hadal dhawaan isaga laga soo xigtay oo uu beeniyay. "Runtii dhawr cisho ayaan ku maqnaa Jabuuti, waxaanan u tagay hawlo khuseeya Madaarada Somaliland iyo sidii loo horumarin lahaa ee wax looga qaban lahaa,waxana farxad ah inaanu ku soo guulaysanay inaanu helo cid maal gashi dheer inoo gelisa madaarka Hargeysa, mar labaadkana ka Berbera oo si dhakhso ah u bilaabmi doona oo shirkado Chinese iyo Somalilandba isku dhex jira, waxaana dhawaan la bilaabi doono in la balaadhin doono madaarka Hargeysa. Oo dhabada diyaaradaha (Run Way) inaanu ku darno hal km oo kale oo halkii barrigii hore uu ka ahaa 2400 m, uu dhawaan laga dhigi 3400 m. taas oo u saamaxaysa inay diyaaradaha waaweyn ee xajmiga lihi ay soo fadhiistaan madaarka." "Waxa kale oo aanu soo helay in (Run Way) gii hore ee madaarka la saaro dahaadh weyn oo ka dhigaya mid isku siman oo qaadi kara diyaaradaha haddii alle yidhaahdo, waxaanu noqon doonaa madaar aan laga war werin, marka labaadna waxaanu ku xigsiin doonaa madaarka Berbera oo aanu imika shaqo ka wadno lagana yaabo inaan Anigu aan soo joogo halkaasi,"ayuu yidhi Md. Cali Maxamed Waran-cadde. Wasiirka oo la weydiiyay inta ay gaadhayso kharashaadka ku baxaya madaarada dalka, waxaanu ku jawaabay "Madaarka Hargeysa lacagta imika la gelinayaa walaahi ka yaraan maysolaba milyan oo Dollar." Md. Waran-Cadde oo ka jawaabay cida Somaliland ka bixinaysa dayactirka madaarada, wuxuu yidhi "Shirkado Chinese ah iyo kuwo reer Somaliland, maal gelin ayaanu u soo helay inay maal geliyaan." "Xiligan waxaan gacanta ku hayaa lacag illaa 400 oo kun oo Dollar ah, oo loogu tallo galay in lagu soo dayro madaarka, waxaanan ku bixin doonaa qandaraas cidii ka bixi doonta,"ayuu yidhi Wasiirku. Md. Cali Maxamed Waran-cadde, oo la weydiiyay waxa uu uga jeeday hadal dhawr maalmood ka hor isagoo socdaal ugu kicitimayay Jabuuti uu ka sheegay Xaflad madaarka Hargeysa lagu qabtay oo uu Shacbiga Somaliland kaga daydaan ummadda Jabuuti tallaabada ay dastuurkii ugu fureen madaxweynahooda si uu mar sadexaad iskugu soo sharaxo doorashada madaxtinimada. Waxaanu ku jawaabay "Horta isma aan lahayn inta aad maqan tahay ayaa lagaa sii faa’iidaysanayaaye’e, waxa ii muuqatay oo Jabuuti la iigu sheegay intii aan maqnaa uu weerar dhacay. Laakiin waxa wanaagsanaan lahayd intii aan joogay, mar haddii anigoo maqan wax la iga sheegay waxaan u arkay uun rag fulayaal ah, oo is yidhi inta Ina Waran-cadde joogo waxba odhan kari maysaane’e marka uu tago waxaad doontaan sameeya ama yidhaahda. In been la iska sheegaana ma wanaagsana. Anigu Ma odhan, mana odhan karo dastuurka ha la furo waxkhtigeeddiina ma joogno, shalaywaxaynu haysanaa wakhti aan inooga baahnayn in dastuur la furo. Doorasho ayaa fooda inagu soo haysa. Fardaha la isku hayo sidii shalayloo baratan siin lahaa ayaa inoo taalla." Wasiirka oo hadalkiisa sii waday wuxuu intaasi ku daray, "Anigu mid baan meesha ka idhi oo aan is idhi walaahay dalka iyo dadkaba way u wanaagsan tahay, sida caalamku u badan yahay doorashooyin badan baa dhaca.Maraykanku wuxuu ka mid yahay dawladaha ugu cududa badan ee dhinac walba isku filan.haddana waxay ka maarmi waayeen waar hebel ayaa mashaariicdaasi sii wadaye’e, hadda imikana ma lihi dastuurka ha la furo yaan imikana been la iga sheegine’e. doorashooyinku shalay bay Iiraan ka dhacaysay, daraad bay Kenya, markaa haddii aynu inaguna dadkaa la mid noqono oo aynu madaxdeena qalbiga u wanaajino, oo aynu tusno inaynu ixtiraamayno waxa laga yaabaa inay iyaguna godladaan." "Dabcan dawlada in dib loo doorto ayaan leeyahay oo ma lihin aan iska tagno,"ayuu yidhi Wasiirku. Wasiirku wuxuu soo jeediyay in dedaal loo galo inay doorashada madaxtinimadu ay ugu dhici lahayd wakhtigeedii, waxaanu yidhi "Haddii maalina aynu nidhaahno waanu heshiinay maalina aynu nidhaahno waanu is haysanaa oo waxba ma jiraan taasi dadweynaha baqe ayay ku keenaysaa, oo waxay ka baqan karaynaa dadkeenan waaweyni inaynu isla jiidhno,", waxaanu intaasi ku daray "Reer Jabuuti imika ayaan ka imidoo iska daa waxay dib inooga dhigaanoo waxay ka naxsan yihiin hadalada inaga soo yeedha, Aniga ayay I weydiinayeen oo ay I lahaayeen waar maxaa dhacay soo tii aad heshiiseen, markaasaan ku lahaa oo aan qalbiga ugu qaboojinayay waxba may dhicine’e kaftankayaga ayaa mar mar iska duul duulee, horta haddii aynu inagu dhibaatoono Jabuutina way saamaynaysaa. Wasiirka oo wax laga weydiiyay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Jamhuuriyada Jabuuti, iyo warar sheegayay in ay diideen baasaboorka Somaliland lagu galo dalkeeda, wuxuu yidhi "Baasaboorkii waanigan Anigu ka imid oo waan ku galay (inta uu kor u qaaday), maxaa beenta loo sheegayaa, kaas ayaan ku galay oo hudheelada iyo jaadkana la iga bixinayayay, walina ma aan arag qof yidhi waa la ii diiday. Laakiin mid in la ogaado weeye Jabuuti waa Hashii laba midigluhu dheelmiyay.dhinac Aniga oo aan la ina ictiraafsanayn oo ay walaalaheen yihiin ayaanu ku khasbaynaa inay inagu ictiraafaan wixii dawladi lahayd. Dhinacna qaar ay ilmaadeer yihiin oo iyagu u haysta inay Somaliland leeyihiin ayaa leh dadkayagii iyo dalkayagii ayaad u yeedhanaysaan, dhinacna inaga ayaa ka haysana dhinacna Soomaaliya. Markaa haddii ay wax yar wax si yar noqdaan ha la yaabina. |