Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2072 June 22, 2009                  jamaadul Thani 29,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Al-Shabaab Iyo Xisbul-Islaam Oo Uga Digey Dawladaha Ciidamada U Soo Diraya Somalia Khatarta Ay La Kulmi Doonaan

Muqdisho, June 22, 2009 (Haatuf/W. Wararka) – Labada urur ee isgaashaan-buuraysiga ah ee ka soo horjeeda dawladda Sheekh Shariif ayaa wacad ku maray inay dagaal kala hortegi doonaan ciidamada lagu baaqay inay dalka Somalia soo galaan, isla markaana digniin adag u diray dawladaha qorshaynaya inay ciidamo u soo diraan Somalia.

Guddoomiyaha ururka islaamiga ah ee Xisbul Islaam Xasan Daahir Aweys iyo Afhayeenka ururka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali dheere) ayaa digniin u jeediyay dalalka caalamka ee damacsan inay ciidamo ku taageeraan dawladda Somalia, waxaanay sheegeen inay marka ay xanuunsadaan ay qasab ciidamadoodu kala bixi doonaan.

Ugu horeyn Xasan Daahir Aways ayaa ugu hanjabay ciidamada ay dawladu dalbatay inay dagaal kala hortagi doonaan ciidan kasta oo soo gala dalka gudihiisa, isagoo si adagna farta ugu fiiqay ciidamada wadamada deriska la ah Somalia ee la sheegayo inay diyaar yihiin inay gudaha Somalia soo galaan, iyadoo guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia uu ka dalbaday wadamada jaarka la ah Somalia inaanay awoodin inay iska caabiyaan kooxaha mucaaradka ah ee ka soo jeeda, sidaa darteed in ay gargaar malatari la soo gaadhaan wadamada deriska la ah Somalia.

Xasan Daahir Aways ayaa ku tilmaamay ciidamada ay dawlada Somalia dalbatay kuwo la doonayo in lagu dhibaateeyo shacabka, sidaa darteedna ay go’aansadeen inay la dagaalamayaan si ay aanay dhibaato ugu geysan shacbiga Somalia.

Guddoomiyaha Xisbil Islaam Xasan Daahir Aways ayaa isagoo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi "Ciidamo la keeni karo dalkan ma jirto, waayo waxa la doonayo waa in la burburiyo Islaamka Somalia, taasna ma ogolaan karo, waxaana qaadanay go'aan dagaal"

Xasan Aways ayaa ciidamada hadda jooga ee AMISOM-na fariin u diray uu ku sheegayo inay dalka ka baxaan, isagoo sheegay in haddii ay bixi lahaayeen ay Somalia heshiin lahayd, waxaanu intaas ku daray in dagaalada ka socda Somalia ay ka dambayso ciidamada nabad ilaalinta ee Somalia ku sugan,

Sidoo kale waxa uu sheegay in dalbashada ciidamo ajanabiya ay tusaale u tahay awood la’aanta xukuumadda Somalia, sidaa darteedna ay xilka iska wareejiyaan oo ay iskaga tagaan. "Dowladda hadda jirta waa inay shaqada ka tagto, waayo dalabkeeda ciidan wuxuu muujinayaa in aanay waxba qaban karin, hana iscasilaan,” ayuu yidhi Mr. Aweys.

Dhinaca kale, Afhayeenka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali dheere) ayaa isaguna digniin u diray ciidamada ay dawladu dalbatay, isagoo sheegay inay dagaal qadhaadh oo ay ka qoomameeyaan la gali doonaan cid kasta oo isku dayda inay ciidamo u soo dirto Somalia. "Dowladii doonaysa in askarteeda la laayo oo qaarkood ay dib u ceshato iyagoo meyd ah, qaar kalena ay haaddu cunto ciidamo ha u soo diraan Somalia, dawladii aan rabinna ha ka fiirsato" ayuu yidhi afhayeenku.

Afhayeenkan Ururka islaamiga ah ee Al-shabaab ayaa sheegay inay dalka Somalia ku sugan yihiin dhallinyaro ALLE ku xidhan oo doonaya inay janada galaan, kuwaas oo wacad ku maray inay dagaal la geli doonaan ciidan kasta oo dalkaas la keeno.

Afhayeenka Al-shabaab waxa uu intaas ku daray in dawladda Sheekh Shariif ay ku guuldareysatay hawsheeda, taasna ay caddeyn u tahay gargaarka ciidan ee ay dalbatay, taas oo uu ku tilmaamay inay muujinayso inay u adeegto cadowga diinta iyo dadka Somalia.

Dhinaca kale, dagaal culus ayaa shalay aroortii ka bilaabmay degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, kaas oo khasaare weyn u geystay dadka rayidka ah ee ka agdhawaa goobaha ay dagaaladu ka socdaan. .

Dagaaladan culus ayaa u dhexeeya ciidamada uu hogaaminayo Sheekh Shariif iyo kooxaha mucaaradka ku ah dawladdiisa ee islaamiyiinta mayalka adag, waxaanu dagaalkani si balaadhan uga socdaa Waqooyiga magaalada Muqdisho.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaaladan shalay ay geysteen, balse waxa la arkayey dadweyne aad u farabadan oo ka qaxaya agagaarka uu dagaalku ka socdo ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho, iyaga oo beegsanaya meelo ay ku badbaadi karaan.

Warbaahinta Muqdisho oo xidhiidh la samaysay dadweynaha ku nool meelaha uu dagaalku ka socdo ayaa u sheegay in ay beerka dhulka ku hayaan oo dadka qaar ku kaliftay inay madfaca guriga ku dhex sugaan, maadaama oo meel loo cararaa aanay jirin.

Dadweyne farabadan oo ku dhaqan degmooyinka uu dagaalkaasi ka socdo ayaanay u suurogalin inay ka baxaan xaafadaha saddexdii maalmood ee uu dagaalku halkaas ka socday.